WORLD SPORT NEWS : Aabaha dhalay Wayne Rooney Mr.Wayne Rooney Senior oo Xabsiga loo taxaabay,* Jose Morinho oo si la Yaab ah uga Jawaabay Ganaaxii eey dul dhigeen Xiriirka kubada Cagta ee dalka Spain ,* Difaacii Bayer Breno oo Xabsiga laga soo daayey,* Mesut Ozil oo Caawa isaga oo Hogaamiye kooxeed ka ah Qaranka Germany u weecan doona Istanbul & 7 Ciyaartooyda Qaranka Turkiga ka tirsan oo Germany ku dhalatay (Halkaan ka Aqri kana Daawo Warar Tarjuman)
*** Weeraryahanka Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd iyo Qaranka England Wayne Mark Rooney Aabihiis Mr.Wayne Rooney Senior ayaa mudo Saacado kooban ah waxaa loo taxaabay Xabsiga. Mr.Wayne Rooney Senior oo 48 jir ah xiligii Xabsiga loo taxaabaayey waxaa la la qabtay Rooney Adeerkiis oo isna lagu magacaabo Richie Rooney waana 54 sano jir.
Mr.Wayne Rooney Senior iyo Richie Rooney ayaa waxaa lagu heeystay wax is dabamarin iyo Scandal eey kula dhaqaaqeen Ciyaar ka tirsan Horyaalka Scotland ee Scottisch Premier League .
Kulanka lagu soo dacweeyey Rooney Qooyskiisa ineey wax is daba mariyeen waa ciyaar dhex martay kooxaha Heart of Midlothian iyo Motherwell oo dhacday xili Ciyaareedkii la soo dhaafay.
Aabaha Wayne Roneey markii la xirayey waxaa laga soo qabtay Magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska waxaana la soo daayey Saacado ka dib inkastoo Dacwadiisa eey weli socoto. (Beejkaan hose ka aqri Warka Rooney Aabihiis)
*** Mr.Jose Morinho Macalinka kooxda Real Madrid oo Doraad la ganaaxay 2-kulan oo xiriir ah iyo 600 oo Euro waxa uu bilaabay doodii lagu yaqaanay iyo is jiid jiidkii. Jose Morinho ayaa lagu heeystay inuu Indhaha Faraha ka galiyey kulankii Super-koobaha dalka Spain (Fc Barcelona Vs Real Madrid 3-2) ninka lagu magacaabo Tito Vilanov oo gacan yare u ahaa macalinka Fc Barcelona Mr.Josep Guardiola(Sawirka Hore) .
Xiriirka kubada Cagta ee dalka Spain oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (RFEF) ayaa wexeey sidoo kale hal kulan iyo 600 oo Euro ganaaxeen Mr.Tito Vilanov .
Jose Morinho oo aan wax u arkin Lacagtaan Qafiifka ah maadaama uu Qiimahaas 600 ee Euro uga quraacan karo saacad gudaheed meeshii uu doono ayaa hada waxa uu ku soo Jawaabay hadal kale oo u keeni kara Ganaax adag ka dib markii uu yiri sidan :
" Sharciga Ganaaxaas la ii jaray waxaan u arkaa mid ila Qosol ah wuxuuna ka yimid Maamulka Catalonia Lacaagtaasna waad isku yareeyseen ayuu yiri Mr.Morinho,, . Hadalkaas qalafsan waxa uu ku duqeeyey Morinho Xiriirka kubada cagta ee dalka Spain oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (RFEF) wuxuu la mid dhigay ineey yihiin ama ka socdaan Catalonia oo ah Boqortooyo hore oo ka talin jirtay Gobolada iyo magaalooyinka eey ka kooban tahay Barcelona. (Qeeybta ugu hooseeyso ka Aqriso Warbixintaan)
Macalin Jose Morinho oo Horyaalkii uu tagaba buuq iyo is qab qabsi la aan aan joogi karin waxa uu horay Qarbudaad iyo Fadeexooyin kala duwan ka soo geeystay Horyaalada England iyo Italy.
*** Difaaca reer Brazil & Kooxda Fc Bayern Munchen Breno oo mudo dhoor Isbuuc ah Xabsi ku jiray ayaa markaan waxa uu dib u helay Xoriyadiisa. Breno waa Xiddigii Qarxiyey ama gubay Villa weeyn oo uu ku lahaa Xaafada Grünwald oo ku taal Duuleedka magaalada Munchen waxaana xiligii uu qarxinayey goobtaas laga bad baadiyey Xaaskiisa iyo 2-Caruur ah oo uu dhalay.
Breno oo Dacwadiisa weli eey socoto waxaa soo damiintay oo ku Guuleeystay in si sahlan lagu soo daayo Maamulka kooxda Fc Bayern Munchen iyo Qareenkii u doodayey oo lagu magacaabo Thomas Steinkraus-Koch. Halkaan ka Daawo sida uu wax u Qar buday Ciyaaryahan Breno >>> http://www.youtube.com/watch?v=55eLVRB1Gko .
*** Waxaa maanta iyo Caawa Garoomada Qaarada Yurub ka dhici doona Isreeb reebka kulamo ka tirsan Koobka Qaramada Yurub oo qaarkood eey aad u adag yihiin .
Guruub A waxaa isku dhaarsan Turkiga Vs Germany waana kulan aad u adag maadaama uu Germany Hogaamiye kooxeed ka yahay Mesut Mustafa Özil oo asalkiisa ama Jinsiyadiisa eey tahay Turki. Arinta kale ee ugu Xiisaha badan ayaa wexeey tahay 7-Laacib oo ka tirsan Qaranka Turkiga dhamaantood wexeey ku wada dhasheen Dalka Germany caawana wexeey doonayaa ineey Istanbul Lafaha uga soo tumaan Ciyaartooyda ka socota dalkii eey ku soo dhasheen.
Laacibiinta ku dhalatay dalka Germany ee Caawa u safaneeysa Qaranka Turkiga waxa eey magacayadooda iyo kooxaha eey u ciyaaraan kala yihiin sidan : Hamit Altintop (Real Madrid),Omar Toprak (Bayer Leverkusen), Gökhan Töre (Hambrug), Tunay Torun (Hertha Berlin), Hakan Balta (Galatasaray), Mehmet Ekici (Werder Bremen) iyo Nuuri Kazim Sahin (Real Madrid) Xiddigahaan dhamaantood dalka Germany ayeey ku dhasheen.
Guruubkaan A waxaa hogaanka u haayo Jarmalka oo kaalinta 1-aad ku soo baxay wexeeyna leeyihiin 24-Dhibcood halka Turkiga oo ku soo xigo eey ka leeyihiin 14-Dhibcood.
Ciyaarta Mesut Ozil iyo Ciidamadiisa ayaa dhici doonta 20.30 xiliga Fiidnimo. Kulankii wajigii hore ee dhacay dalka Germany ama magaalada Berlin waxaa 3-0 ku soo badiyey Jarmalka waxaana xiligaas goolkiisii ugu horeeyey Qaranka Turkiga ka xareeyey Mesut Mustafa Ozil oo qaar ka tirsan Taageerayaasha Turkiga ku eedeeyeen inuu Jarmalka kaga hiiliiyey : Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=mq2AfL8QjXY&feature=related .
Kulamada kale ee Caawa dhacaya kuwooda adag waxaa ka mid ah Czech Republic Vs Spain in kastoo Spain eey soo baxday , Talyaaniga oo soo baxay waxa eey aadayaan guriga Serbia, Kulankii Italy Vs Serbia ee ka dhacay Genoa waxa uu xiligaas ku dhamaaday Rabsho iyo Dagaal waxaana 3-dhibcood Sharfay Qaranka Talyaaniga.
Finland waxeey u dhaarsantahay Sweden oo wajigii hore 0-5 ku soo tuntay, England wexeey aadayaan naadiga yar ee Montnegro.France waxaa u imaaneeysa Albania, Holland wexeey marti gelin doontaa Moldava, Denmark wexeey aadi doontaa Cyprus halka Giriiga uu ka marti galiyey Croatia.
(FIIRO GAAR AH: Kulamadaan marka eey wada dhacaan dib ayaan uga faaloon doonoo haduu rabi idmo .
**** HALKAAN KA AQRISO TARJUMNAA :
Wayne Rooneys Vater wird mit Verdacht auf Wettbetrug festgenommen, jedoch gleich wieder freigelassen. (Reuters)
Noch am Donnerstagnachmittag wird Rooneys Vater und sein Onkel Richie gemeinsam mit zwei weiteren Verdächtigen nach Hinterlegung einer Kaution wieder auf freien Fuss gesetzt. (Si/pab)
Vor knapp zwei Wochen wurde der Brasilianer Breno wegen Verdachts auf schwere Brandstiftung an seiner eigenen Villa in Untersuchungshaft gesteckt.
Nun ist der Bayern-Star nach Zahlung einer Kaution wieder freigekommen. Allerdings sei der Haftbefehl nur gegen strenge Auflagen ausser Kraft gesetzt worden, teilt die Staatsanwaltschaft München I mit.
«Wir sind sehr glücklich darüber, dass Breno entlassen wurde und zu seiner Familie zurückkehren kann. Wir sind dem Gericht dankbar, dass es diesen Fall in unseren Augen sehr fair und sensibel behandelt hat», sagt Karl-Heinz Rummenigge, Vorstandsvorsitzender des FC Bayern.
Den umgekehrten Weg geht dagegen Wayne Rooney senior (48). Der Vater des ManU-Stürmerstars ist mit Verdacht auf Wettbetrug von der britischen Polizei festgenommen worden. Das gleiche Schicksal ereilt Rooneys Onkel Richie (54).
Grund dafür ist eine Partie der Scottisch Premier League zwischen Heart of Midlothian und Motherwell aus der vergangenen Saison.
Heart gewann jenes Spiel dank eines Elfmeters in der zweiten Halbzeit. Motherwell-Kicker Steve Jennings - ebenfalls in Haft - wurde damals mit Rot vom Platz gestellt, nachdem er den Schiedsrichter angegriffen hatte.
Das Pikante daran: Die Buchmacher meldeten damals, dass eine ungewöhnlich hohe Anzahl an Wetten auf einen Platzverweis eingegangen sei.
Neben Papi Rooney und Jennings sind im Zuge der Ermittlungen noch sieben weitere Männer inhaftiert worden.(pab) .
****
Die überraschend milde Strafe für Real-Madrid-Trainer Jose Mourinho nach dessen Angriff auf einen Betreuer des FC Barcelona Mitte August im spanischen Supercup hat in Spanien eine Welle der Empörung ausgelöst.
?Das ist eine Schande", titelte etwa das in Barcelona erscheinende Sportblatt ?El Mundo Deportivo" am Donnerstag. Der Portugiese hatte Tito Vilanova, dem Assistenten von Barca-Trainer Josep Guardiola, in der hitzigen Schlussphase des Supercup-Rückspiels (3:2 für Barcelona, das Hinspiel hatte 2:2 geendet) mit einem Finger ins Auge gestochen. Der Spanische Fußballverband (RFEF) verurteilte ihn dafür zu einer - nur im Supercup gültigen - Sperre von zwei Spielen und zu einer Geldstrafe von 600 Euro.
Die Gewalt zahlt sich aus"
?Das Urteil ist lächerlich", schrieb die Zeitung ?La Vanguardia", ?die Gewalt zahlt sich aus." Vilanova wurde für ein Spiel gesperrt und muss ebenfalls 600 Euro Geldstrafe zahlen, weil er sich bei Mourinho für die Attacke mit einem Schlag in den Nacken revanchiert hatte. ?Das Urteil stellt Täter und Opfer auf eine Stufe", betonte das katalanische Fachblatt ?Sport".Auch in Madrid ansässige Medien waren der Meinung, dass Mourinho sehr glimpflich davongekommen sei. Das Madrider Sportblatt ?As" sieht in dem Urteil eine ?politische Entscheidung". Der RFEF habe die Sache eigentlich zu den Akten legen wollen und Mourinho nur deshalb gesperrt, weil er sich Ärger mit der Europäischen Fußball-Union (UEFA) ersparen wollte.
?Der Verband verhängte eine Strafe, die eigentlich keine ist", schrieb das Blatt. Die Sperre gilt nur für den spanischen Supercup, weil sich der Zwischenfall in diesem Wettbewerb ereignete. Im staatlichen Rundfunk RNE sagte ein Kommentator: ?Nun entsteht der Eindruck, dass man im spanischen Fußball alles durchgehen lässt."
Die Zeitung ?El Pais" verwies auf einen vergleichbaren Fall bei der derzeit in Neuseeland stattfindenden Rugby-WM. Dort war der Italiener Leonardo Ghiraldini wegen des gleichen Regelverstoßes am Dienstag für 15 Wochen für alle Wettbewerbe gesperrt worden. Da der italienische Vizekapitän bisher noch nicht negativ aufgefallen war, wurde die eigentlich vorgesehen Sperre von 24 Wochen damit sogar reduziert.