Tuttosport " Cristiano Ronaldo iyo Jose Morinho Xoolo ma ahan waana Sharaf dhac ineey tagaan Xaflad lagu Caleemo saaraayo Lionel Messi iyo Pep Guardiola,, (+Warar kale >> World Sport News).
Jaraaidka caanka ah ee Tuttosport oo ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa Faalo uu ka qoray ka Baaqashadii Cristiano Ronaldo iyo Jose Morinho ay ka Baaqdeen Xaflada FIFA Ballon d'Or oo maalinta beri ah ah ka dhici doonta dalka Switzerland ayaa waxa uu u badalay Dareen cusub oo shaki ku beeray Bahda Ciyaaraha Kubada cagta.
Tuttosport wuxuu qabaa in ay sax eheed Fikradii ay qaateen Cristiano Ronaldo iyo Jose Morinho oo diiday in la baajiyo kulankii dhex mari lahaa kooxaha Fc Malaga Vs Real Madrid (Koobka Spain).
Xiriirka Kubda cagta ee dalka Spain oo doonayey in ay Baajiyaan kulanka Malaga Vs Real Madrid si ay Cristiano Ronaldo iyo Jose Morinho u tagaan Xaflada Abaalmarinta FIFA Ballon d'Or ayaa waxaa arintaas ka hor yimid oo diiday in Ciyaartaas la baajiyo Cristiano Ronaldo iyo Jose Morinho.
Jaraaidka Tuttosport ayaa maqaal yaab badan waxa uu Ciwaan uga dhigay erayo Soomaali ahaan sidaan u dhigmay " Cristiano Ronaldo iyo Jose Morinho Xoolo ma ahan waana Sharaf dhac ineey tagaan Xaflad lagu Caleemo saaraayo Lionel Messi iyo Pep Guardiola,,
Tuttosport wuxuu kaloo leeyahay weey iska cadahay Xafladaas cida la siin doono FIFA Ballon d'Or 2011 waana kooxda heesata Koobabka ugu badan Qaarada Yurub iyo Caalamkaba waana qalad ineey Cristiano Ronaldo iyo Jose Morinho oo kulanka Malaga soo baajiyey hadana soo daawadaan Dabaaldega Messi iyo Pep Guardiola.
*** Horyaalka Talyaaniga oo dib u furmay waxaa Goolal ciidaan ah dhalisay kooxda Inter Milan oo Parma kaga badisay 5-0. Goolasha kooxda Inter Milan waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Diego Milito oo labo gool kala dhaliyey Daqiiqadihii 13-aad iyo 41-aad, Thiago Motta Daqiiqadii 18-aad, Giampaolo Pazzini Daqiiqadii 56-aad iyo Davide Faraoni Daqiiqadii 79-aad.
Kooxda SS Lazio waxaa dhulka la jartay Siena oo uga badisay 4-0. Kooxaha Horyaalka Talyaaniga ayaa Galabta iyo Caawa qaabkaan isku qaabili doona :
| SABDI: |
| Siena |
Lazio |
4:0 |
| Inter Milan |
Parma |
5:0 |
| AXAD: |
| Udinese |
Cesena |
12.30 |
| Atalanta |
AC Milan |
15.00 |
| Lecce |
Juventus |
15.00 |
| AS Roma |
Chievo Verona |
15.00 |
| Bologna |
Catania |
15.00 |
| Cagliari |
Genoa |
15.00 |
| Novara |
Fiorentina |
15.00 |
| Palermo |
Napoli |
20.45 |
*** Koobka FA-ga dalka Ingiriiska oo la Ciyaaray waxaa Guulo Muhiim ah gaaray kooxaha kala ah Tottenham wexeey 4-0 ku suul daartay kooxda Cheltenham, Aston Villa 3-1 ayeey ku soo garaacday Bristol. Gillingham Vs Stoke City 1-3,West Bromwich Vs Cardiff 4-2, Newcastle Vs Blackburn Rovers 2-1.
*** Naadiga Caanka ah ee dalka Masar ee lagu magacaabo Al Ahly wexeey kulaan Saaxiibtinmo kala hor tageen kooxda Fc Bayern Munchen oo is diyaarin xoogan ugu jirta Koobka Champions League iyo Horyaalka Bundesligaha dalka Germany.
Kulankii Al Ahly Vs Fc Bayer Munich waxaa 1-2 lagu suul daaray Al Ahlay waxaana Goolasha u wada saxiixay kooxda Fc Bayern Munich Weeraryahanka Qaranka Croatia Ivica Olic Daqiiqadihii 31-aad iyo 90-aad . Goolka Al Ahly waxaa u saxiixay Ciyaaryahan Mohamed Barakaad Daqiiqadii 50-aad .
*** Kooxaha ifka iskugu neceb ee Man City Vs Man Utd ayaa lagu wadaa imaanta inuu dhex maro kulan adag oo ka tirsan Koobka FA-ga saacadu markeey tahay 13:00. Waxaa sidoo kale Cagaha iska tumi doona kooxaha Fc Chelsea Portmouth 15 :00 Galabnimo.