Michel Platini "Caruur dambe oo Malaayiin lagu iibsado warkooda wuu dhamaaday maxaa yeelay Ciyaalkii Iskuulka weey diideen ,, ,*Carling Cup : kaptan Steven Gerrard oo Manchester City Rigoore ku quusiyey,* Coppa Italy : As Roma oo Faraha ka tuntay Fiorentina iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo)
*** Kaptanka kooxda The Reds Fc Liverpool Steven Gerrard ayaa Garoonkeeda ku quusiyey kooxda Manchester City kulan ka tirsan Koobka Carling Cup ee dalka Ingiriiska. Goolka agoonka ah ee Laacib Steven Gerrard wuxuu ahaa Rigoore wuxuuna dhaliyey Daqiiqadii 13-aad.
Kooxda Man City waxaa Fursado qaali ah ka qasaariyey Weeraryahankooda Sergio Kun Aguero. Is araga labaad ee koobkaan waxaa lagu wadaa 26-ka bishaan Janaayo in la ciyaaro . kooxaha kala ah Crystal Palace iyo Cardiff City ayaa midkood waxaa lagu wadaa ineey Fiinaalka koobkaan la imaan doonto kooxda Fc Liverpool 26-ka bisha Febraayo kaas oo ka dhici doona Garoonka weeyn ee Wembley Stadium .
*** Kooxda Tottenham ee Horyaalka Ingiriiska wexeey noqotay Naadiga kaliyah ee la tartamaayo kooxaha magaalada Manchester ka dhisan ee Man City iyo Man Utd oo isku heeysta Horyaalka Premier League ee xili Ciyaareedkaan.
Tottenham wexeey 2-0 ku soo garaacday kooxda Everton waxaana Goolasha u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Aaron Lennon Daqiiqadii 35-aad iyo Benoit Assou-Ekotto Daqiiqadii 63-aad. Kooxda Tottenham dhanka kala horeeynta Dhibcaha wexeey isku mid noqdeen The Red Devils Man Utd min 45 Dhibcood waxaana Horyaalka Ingiriiska 48-Dhibcood ku hogaamineeyso kooxda Man City oo Laacibiin badan ay ka dhaawacmeen halka qaar kale lagu wado ineey u weecdaan dhanka Koobka Qaramada Africa oo dhawaan furmi doona.
*** Qaar ka mid ah Saxaafada dalka Jarmalka wexeey daba dhigteen kooxda Fc Bayern Munchen oo heeysata Iskoorka ugu badan ee Horyaalka dalka Germany ee Bundesliga. Saxaafada Jarmalka wexeey ku eedeeyeen Fc Bayern Munchen ineey ka dhuumatay la kulanka kooxaha dalalka Yurub ka dibna waqtigeeda ku dhameeysay kooxo ka dhisan dalalka Qadar, Masar iyo India oo ay iminka ku sugan yihiin.
*** Kulamo ka tirsan Coppa Italy oo la Ciyaaray kooxda As Roma wexeey 3-0 ku faro murxisay naadiga Fiorentina oo marti ku ahaa Garonka Olympia Stadium . Dhanka kale kulan adag oo isna ka tirsanaa koobka Talyaaniga waxaa Gurigeeda lagu qararamsaday kooxda maalmahan kacsan ee Udinese waxaana dhamaadkii Ciyaarta 1-2 kaga badisay kooxda Chievo Verona.
*** Gudoomiyaha Xiriirka Kubada cagta ee UEFA Mr.Michel Platini wuxuu tuurtay furka ka dibna diiday in la kala iibsado Caruurta yar yar ee aan qaan gaarka aheeyn. Platini ayaa daba dhigtay kooxda Hoffenheim oo ka ciyaarta horyaalka Bundesligaha dalka Germany ka dib markii ay Lacag fara badan ku soo iibsadeen ciyaaryahan lagu magacaabo Nico Franke oo 13 jir ah kaas oo laga soo iibsaday kooxda TB Berlin.
Xiddigaha Caalamka iyo kooxaha waxaa loo ogol yahay ineey soo iibsan karaan Ciyaartooyda marka ay 16 ama 17 jir yihiin balse inta ka horeeyso Caruur lacag fara badan lagu iibsado waa mabnuuc ayuu yiri Mr.Platini oo arinkaas iyo sharcigaas cusub sabab uga dhigay Caruurta oo Iskuulaadka ka carari doonto marka ay maqlaan Facooda oo Malaayiin Euro lagu iibsaday.
Leo Messi xitaa 13 jir ayuu ahaa markii uu ka yimid dhanka Argentina una soo wareegay kooxda Fc Barcelona balse taasi waa arin kale maxaa yeelay kooxda Xiddig yar weey soo amaahan kartaa oo waliba tababari kartaa ee waxa la diidan yahay waa Saqiir Malaayiin Euro laga soo baxsho . >> (
?Ich bin grundsätzlich gegen den Transfer von Minderjährigen", sagte Platini nach der Weltfußballer-Gala in Zürich. ?In jedem Land gibt es dazu Regeln und diese sind zu respektieren. Wenn die Regeln eingehalten worden sind, kann man nichts dagegen machen." Als Hoffenheim die Verpflichtung des Berliner Jungen bekannt gab, empörte sich halb Fußball-Deutschland, und sogar Michel Platini, als Präsident der UEFA .
Europäische Topklubs wie Barcelona oder Real Madrid haben schon immer Talente im Kindesalter verpflichtet. Auch Superstar Lionel Messi war mit 13 Jahren aus Argentinien nach Barcelona gewechselt.
*** 71 sano ka dib kooxda Levante oo ka ciyaarta Horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa wexeey soo gaartay sideeda kooxood ee ugu dambeeysa koobka dalka Spain ee Copa del Rey . 1941-kii ayaa ugu dambeeysay kooxda Levante oo soo gaarta sideeda kooxood ee ugu dambeeysa koobka Boqortooyda reer Spain.
Levante wexeey 4-0 ku suul daartay Naadiga Alcoron waxaana sidoo kale dhankooda wareega sideedaad u soo gudbay kooxaha Fc Valencia iyo Espanyon Barcelana. >> (Levante hat im spanischen Cup eine 71-jährige Durststrecke beendet. Der Vororteclub aus Valencia gewann das Rückspiel im Achtelfinale der Copa del Rey gegen Zweitligist Alcoron mit 4:0 und stieg mit einem Gesamtscore von 5:2 ins Viertelfinale auf. Levante stand zuletzt 1941 in der Runde der letzten acht.
Gegner im Viertelfinale ist Stadtrivale FC Valencia, der sich trotz eines 1:2 im Rückspiel (Hinspiel 1:0) in Sevilla aufgrund der Auswärtstorregel für die nächste Runde qualifizierte. Espanyol Barcelona schaffte mit einem 4:2-Heimsieg gegen den Zweitligisten Cordoba und einem Gesamtscore von 5:4 den Aufstieg ins Viertelfinale.