Jaraaidka caanka ah ee El Madrid Marca ayaa wareeysi uu la yeeshay Macalinka kooxda Real Madrid jose Marinho ka dib waxa uu ka qoray war bixin dheer oo Murugadeeda xambaarsan maadaama uu Morinho sheegay in laacibka Qaranka France iyo kooxda Real Madrid Karim Benzema uu maaro uga laŽyahay dhuuqista Nac Nac qoriga iyo dhageeysiga inta badan muusiga dhagaha la gashto.
Dhageeysiga Muusiga iyo Dhuuqista Nac Nac Qoriga ayaa aheeyn wax ku cusub ciyaaryahan Karim Benzama maxaa yeelay horay wexeey labo jeer isku dhaceen xiligii laga reebay World Cup 2010 Tababarihii hore ee Qaranka France Mr Raymond Domenech oo qariyey fadeexadaan kuna tilmaamay inuu Benzama uga reebay qaranka wax yaalo kale in kastoo uu sii daba dhigay Anshax xumo iwm ah.
Macalin Jose Morinho oo ah Tababare aad u kulul oo aan u dulqaadan karin inta badan qaladaadka yar yar ee mararka qaar la soo gudboonaado ciyaartooyda ayaa waxa uu si caro leh u yiri sidan : " Sadex jeer ayaan Karim Benzama fursad u siiyey inuusan meesha Tababarka kooxda la imaan qalabka muusiga ah ee har iyo jeer dhagaha uu ku sito iyo Nac Nacyadaan uu jeebabka ka soo buuxsado xiliyada Tababarka wuuna ka dhaga adeegay codsigaan wuxuuna isku dayey inuu iga qariyo.
Jaraaidka El Madrid Marca oo suŽaal kulul weey diiyey Macalin Jose Morinho ayaa eheed sidan :
Mr.Morinho waxaa jirto in Ciyaaryahan Karim Benzema xiligii uu u ciyaaraayey kooxda Lyon ee horyaalka France uu har iyo jeer u fasaxnaa inuu xiliyada Tababarka kooxdiisa uu ku dhuuqi karo Nac Nac Qoriga waxaana arinkaas shaaciyey oo dhoor jeer soo ban dhigay Tv-ga caanka ah ee CanalPlus marka waa maxay sababta eey kuu dhibeeyso dhuuqista Nac Niciisa xiliyada Tababarka??
Jose Morinho oo inta badan loo yaqaan Tababare aan qoslin (Ma Qosle) ayaa ku jawaabay sidan : Aniga CanalPlus ma ihi halkaana Lyon ma ahan ee ciyaaryahanka waa inuu dhagaha furaa oo ka faaideeystaa xirfada iyo sidii aan koobab ku qaadi leheen ee ma ahan in uu isagii Music iyo Nac Naca caruurta isku mashquuliyo wexeeyna taas ku haboontahay xiliyada uu fasaxa leeyahay inuu sidaas u dhaqmo.
Jaraaidka El Madrid Marca Sport oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in is mari waaga u dhaxeeyo Morinho Vs Benzema uu soo dhex galay Laacibkii weeynaa ee Qaranka France iyo kooxda Real Madrid Zinedine Yazid Zidaneoo hada ka mid ah maamulka kooxda Real Madrid kuwooda ugu sareeya wexeeyna si weeyn saaxiib u yihiin Macalin Jose Morinho oo inta badan isla caweeyaan ama isla kaftamaan halka Zidane uu ahaa shaqsigii ka dambeeyey in kooxda Real Madrid eey kala soo wareegto Naadiga Lyon Weeraryahan Karim Benzema.
Jose Morinho oo ah Tababare la ciyaal suuqeeyo ciyaartooydiisa ayaa sida uu Jaraaidka sheegay waxa uu Ex-Player Zinedine Yazid Zidane u gud biyey in Benzema uu xitaa Nac Naciisa isku dayey inuu ku soo qariyo isaga oo baakado ka buuxo Qolal eey degnaayeen Ciyaartooyda isaga deriska la ah ee kala ah Sergio Ramos iyo Mesut Ozil.
Ugu dambeentii Ciyaaryahan Karim Benzama ayaa u sheegay Zinedine Zidane inuu joojin karo Muusiga xiliyada Tababarka balse uu ka daalay Joojinta Nac Nac Qoriga oo uu ku sheegay in ilaa yaraantiisii uu dhuuqi jiray waxaana Sidii Sigaarka camal u bartay afkiisa oo uusan garan karin mar uu la soo baxay ama dhuuqis ku bilaabay.
Dhanka Jose Morinho ayaa isaga oo soo jiidanaayo ama waji wanaagsan tusaayo Zinedine Zidane waxa uu yiri oo aad uu u amaanay qaab ciyaareedka ciyaaryahan Karim Benzema marka laga reebo ayuu yiri Muusiga dhagahiisa ka guuxaayo iyo Dhuuqista Nac Nac qorigaan oo aad moodid ineey warshad keligiis u soo sameeysay.
Xiddiga Qaranka France iyo kooxda Bayern Munchen Frank Ribery ayaa si weeyn u difaacay saaxiibkiisa Karim Benzama wuxuuna sheegay oo dhambaal hawada u soo mariyey Jose Morinho isaga oo leh sidan: " Shaqsiga Nac Naca Benzama isku mashquuliya waa Shaqsi ula jeedo gaar ah soo wato ama shaqo laŽaan eey ka badatay, dhanka Musiga ka hadal ma lahan oo Benzama waxa uu bartaa heesaha Hidaha iyo dhaqanka ee dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ee AlJeeriya waana ku ogaa inuu labadaas dhinac caan ku yahay.
Hadalka uu Frank Ribery soo xawilay ayaa waxaa iska cad inuu ula jeeday Shaqsiga eey Shaqo laŽaanta ka badatay inuu yahay Macalin Jose Morinho wuxuuna Ribery labada dhinacba ka difaacay Benzama maadaama Xaaskiisa eey tahay Aljeeriyaan Benzamana eey saaxiib yihiin weliba ka soo jeedo asal ahaan dalka Aljeeriya una wada ciyaaro hal Qaran oo ah France .
Filo Goor Dhaw : Natiijadii Hal Xiraalaha iyo Faalo Top ah oo ku saabsan kulanka EL Clasico oo dhaxmari doono kooxaha waa weeyn ee Fc Barcelona Vs Real Madrid.. Waxaan idiin heeynaa Video Maqal & Muuqal ah oo suŽaalo kulul la weeydiiyey Cristiano Ronaldo sida : Sidee uga bad baadi doontaa kulanka EL Clasico oo aad u socoto Hooyga Lionel Messi..Filo sidoo kale warar kale oo Top News ah.