Faalo : Saxaafada Sportiga ee dalka Argentina maxaa daba dhigay Ciyaaryahan C.Ronaldo ?, * Johan Cruyff oo Maamulka ugu sareeyo ee Ajax Shaqo ka helay, * West Bromwich oo keensatay Tababare Roy Hodgson & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News .
Wadan kasta marka uu u soo baxo Laacib weeyn oo Dunida magac ku leh waxaa caado ah in wadankaas uu ximiyo ama qoorta u galo dalalka kale ee dariska la ah balse waxaa La Yaab noqotay Saxaafada Sportiga ee dalka Argentina oo waligeed Isir naceeyb iyo caay isku hayeen Saxaafada & Xulka Qaranka dalka Brazil oo mar kasta Argentina dhibcaha ka tirsan jiray ineey hada si weeyn oo Indho la´aan ah ugu mashquuleen Xiddiga kooxda Real Madrid & Qaranka Portugal waa Cristiano Ronaldo. Waa maxay sababta, Maxaase kala socotaa arinkaas ?
Jaraaidyada Sportiga ee ugu caansan dalka Argentina sida BANDERA ARGENTINA Sports Journal , El Calafate iyo Sport Buenos Aires ayaa wexeey si aan qarsooneen u daba dhigteen Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo dos Santos Aveiro oo eey qaabkii iyo shuruucdii Sport kaga hiiliyeen Laacib Lionel Andres Messi .
Hadaan Dacaayada Wargeeysyada dalka Argentina ku hayaan Laacib Cristiano Ronaldo dib ugu laabano kuwoodii ugu kululaa ayaa waxeey u dheceen sidan :
Dacaayadii 1-aad ayaa eheed Kulankii El Clasico oo kooxda Fc Barcelona 5-0 uga badisay Real Madrid ayaa Jaraaidyadaan wexeey soo sawireen C.Ronaldo oo u sacbinaayo Leo Messi isaga oo leh sidan ("You Are The Best" )
Dacaayadii 2-aad ee ka dhanka eheed Cristiano Ronaldo ayaa waxaa eey eheed Wargeeysyadaan oo soo sawiray bil ka hor xiligii uu Laacib Leo Messi qaaday Abaalmarinta Xiddiga Sanadka ee Adduunka Cristiano Ronaldo oo Meesi gadaashiisa taagan weliba isaga oo ka Jeeb siibaayo Bilada lagu magacaabo FIFA Ballon d'Or oo xiligaas Leo Messi Jeebka ugu jiray.
Qisadii iyo Dacaayadii 3-aad ayaa wexeey soo sawireen Jaraaidyadaan Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo Madaxa gacmaha saartay kana naxsan ayeey leeyihiin ciyaar Finalka koobka dalka Spain ee Copa del Rey ah oo dhex mari doonto kooxaha waa weeyn ee Real Madrid Vs Fc Barcelona taariikhdu markeey tahay 20-4- 2011.
Ugu dambeentii mucjisadii ugu yaabka badneed ee inta badan eey soo qaateen Saxaafada Caalamka kuwooda aan labada dhinac kala taageerin ayaa eheed kulankii sadex cisho ka hor dhex maray Qaramada dalalka Argentina Vs Portugal (2-1) ayaa sidii la filaayey wexeey Jaraaidyada dalka Argentina sameeyeen Dacaayad cusub oo weli ka dhan ah Laacib Cristiano Ronaldo taas oo eheed sida Sawirka kore idinkaga muuqata Cristiano Ronaldo oo ooyin la dhacay ka dib markii Qarankii uu horboodaha ka ahaa ee (Portugal) uu Goolka guusha oo Rigooro ahaa daqiiqadii 90-aad uu ka xareeyey Lionel Andres Messi .
Waxaa been iyo Dacaayad la dhoob dhoobay ah in kulankaan oo ahaa mid Saaxiibtimo uu ooyey ama murago yar muujiyey ciyaaryahan Cristiano Ronaldo dos Santos Aveiro .
Sawirka uu murugada iyo Ooyinta isku darsaday Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu ahaa xili laga qaaday xulka Qaranka Portugal koobka Qaramada Yurub wexeeyna Saxaafada Sportiga ee Argentina Sawirkaan kala soo baxeen Tv-ga ama Shaashada maadaama Sawirka qaab ahaan uu yahay mid ka yimid ama laga soo saaray dhanka Dhalada Tv-ga.
Daba dhigashada eey Saxaafada Sportiga ee dalka Argentina ku hayaan Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa waxaa loo fasirtay baahi weeyn oo eey u qabaan mar uun ineey maqlaan Dalka Argentina oo Laacibka Dunida ugu wanaagsan uu ka socda sida xiliyadii Diego Armanda Maradona.
Inta badan Saxaafada Sportiga ee dalka Portugal oo aan wax sidaas ah ugu sii jawaabin dhigooda dalka Argentina ayaa markii ugu badneed wexeey qoreen Wargeeysyada La Goa & OJornal iyaga oo Laacibkooda Cristiano Ronaldo niyada u dhisaayo Sidan : " Laacib C.Ronaldo awal waxaa kaa maqnaa Tababare wanaagsan hadane waxaa kuu yimid Jose Morinho oo Qabiir Sport ah halkaas waxaa kaaga cad in Qosolka badan ee Lionel Messi uu dhawaan suuqiisa soo xirmi doono !!
WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS AYAA WEXEEY SHEEGAYAAN SIDAN (World Soccer News,) :
*** Rug cadaaga weeyn ee Johan Cruyff ayaa lagu wadaa saacadaha soo socdo inuu la wareego maamulka ugu sareeyo ee kooxda faca weeyn waa Ajax Amsterdam.
Johan Cruyff oo 63-jir ah ayaa waxa uu noqon doonaa masuulka ugu sareeya ee kooxda Ajax Amsterdam u soo iibiya Ciyaartooyda cusub. Rugcadaa Johan Cruyff oo dalka Holland looga yaqaan ?voetbal totaal" ayaa waxa uu ka mid ahaa Laacibiintii ugu caansaneed ee soo mara Dunida wuxuuna ka mid ahaa ciyaartooydii hore ee lagu soo xasuusto qaabka ciyaar suubinta xiliyada Garoomada lagu dhex jiro.
1973 ayuu u wareegay dhanka kooxda Fc Barcelona wuxuuna Macalin & Kalkaaliyeba ka ahaa kooxda Fc Barcelona isla Sanadihii 1988 ilaa 1996 . Kooxda Ajax Amsterdam ayaa waxa uu Macalin u soo noqday Sanadihii 1985 ilaa 1988 inta uusan shaqada ka helin Kooxda Fc Barcelona.
Kooxda Ajax Amsterdam oo heeysata 29-jeer Horyaalnimada dalka Holland ee Eredivisie ayaa hada wexeey uga jirtaa Horyaalka dalkaas kaalinta 3-aad waxaana ka horeeya kooxaha kala ah PSV Eindhoven iyo Twente Enschede oo min 47-Dhibcood ku hogaaminaayo horyaalka dalkaas oo la ciyaaray 22-kulan halka Ajax Amsterdam eey ka leedahay 44-dhibcood.
*** Kooxda kubada cagta ee West Bromwich Albion oo ka dhisan horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska ayaa wexeey keensatay Tababare Roy Hodgson. West Bromwich Albion ayaa iska ceeyrisay oo lugtiisa furtay Macalinkoodii hore Mr. Roberto Di Matteo oo lagu eedeeyey inuu sabab u ahaa 13-jeer oo guuldarooyin xili ciyaareedkaan ah . Macalin Roy Hodgson oo 63-sano jir ah ayaa waxa uu qalinka ugu duugay kooxda West Bromwich Albion heshiis gaaraya ilaa Bisha Juun Sanadka 2012-ka.
Macalin Roy Hodgson oo xili ciyaareedkii la soo dhaafay keenay kooxda Fulham Fiinaalaha koobka Europa League ayaa waxaa mudo sidaas aan u sii fogeeyn laga soo ceeyriyey shaqadii Tababarnimo ee uu u hayey kooxda Fc Liverpool ka dib markii laga waayey Fc Liverpool kaalimaha ugu horeeya ee horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska.
*** Weeraryahanka cusub ee dhawaan ku soo biiray kooxda Juventus Luca Toni ayaa isaga oo u waramayey Skysport Italy waxa uu sheegay in kulanka adag ee Habeen dambe dhex mari doona kooxdiisa cusub ee Juventus vs Inter Milan ineey dhibcaha ka xayuubsan doonaan kooxda Inter.
Luca Toni ayaa ku faanay ineey inta badan dib uga soo kaceen dhaawacyadii eey qabeen qaar badan oo ka tirsan Ciyaartooyda kooxda Juventus wuxuuna hadalkiisa sii raacey dib u dhicii yaraa ee ku yimid Kooxda Juve ineey sabab u eheed Dhaawacyo jiho kasta uga yimid inta badan Ciyaartooyda kooxda Juventus.
*** Hordhac : Kooxaha is arki doona ama kulamada ugu adag ee Maanta iyo beri la kala ciyaari doono ayaa wexeey kala yihiin sidan >> Serie A waxaa Maqribnimada galabta uu kulan adag dhex mari doonaa kooxaha Ac Milan Vs Parma Saacadu markeey tahay 18:00, isla caawa waxaa kulan adag oo xarash ah uu dhex mari doonaa kooxaha As Roma Vs Napoli. Habeen dambe waxaa isku dhaarsan oo aad loo wada sugayaa Juventus Vs Inter.
England iyo dhanka Premier League waxaa Gambar gaaban iskugu fadhiya kooxaha ifka iskugu neceb ee isku magaalada ah waa Man Utd Vs Man City. Maalinta Istiinta ayaa sidoo kale kooxaha isku xaafada ah wada ciyaari doonaan Fc Fulham Vs Fc Chelsea.
Dhanka Horyaalka La Liga ee Spain waxaa lagu wadaa ineey fooda is daraan Atletico Madrid Vs Valencia iyo beri oo eey wada ciyaari doonaan kooxaha Deportivo La Coruna Vs FC Villarreal . Dhanka Horyaalka Bundesliga ee dalka Germany ayaa kulamada ugu adag ee galabta la ciyaari doono wexeey kala yihiin sidan > Fc Bayern Munchen Vs Hoffenheim iyo Wolfsbrug Vs Hambrug. Kulamadaan ayaa dhici doona isku wakhti saacadu markeey tahay 15:30. Wixii faah faahin ah ee ka soo baxa dhamaan horyaalada ka bogo Faaqidaada Horyaalada ee Xiriiriye.com .
Filo Goor Dhaw Warar Sport oo Top News ah iyo Barnaamishyada La Yaab & ku biiri Aqoontaada Sport oo maanta Xiiso gooni ah xambaarsan ! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!