Michael Owen " ilaa hada ma aaminsani Saaxiibkeey Gary Speed ayaa is Dilay,* Sideen ku aaminaa Shaqsi aan Maalin kaste Caruurtiisa iyo Caruurteeda isku mar Iskuulka wada geeyn jirnay ayaa is dal dalay? ,, & Xaaska Macalin Gary Speed oo sheegtay ninkeeda inuu Bilihii ugu dambeeyey Qaraw iyo isku dhex yaac bilaabay. (Sport News)
Maalintii Axada ayeey eheed markii uu is Dilay Macalinkii Qaranka Xulka Weles Mr.Gary Speed oo deganaa Xaafada Huntington ee Magaalada Chester. Gary Speed waa Laacibkii hore ee Qaranka Wales iyo Kooxaha Everton, Leeds United, Newcastle United, Bolton Wanderers iyo Sheffield United.
Macalin Speed, Bishii Dezember 2010 ayuu la wareegay Jagada Macalinimo ee Qaranka Weles wuxuuna xiligaas kala wareegay Ex-Tababare John Toshack .
Speed oo 42 jir ahaa 1992 ayuu Horyaalka Ingiriiska la qaaday kooxda Leeds United wuxuuna guud ahaan saftay Horyaalka Premier League 535-kulan.
Macalinkaan is Dilay wuxuu Murugo iyo Tacsi galiyey Laacibiin caan ah oo Fasax Tacsiyadeed ka qaatay kooxaha ay u ciyaaraan sida Ryan Giggs Manchester United, Craig Bellamy Fc Liverpool, James Collins Aston Villa, Ashley Williams, Neil Taylor iyo Joe Allen oo dhamaantood u wada safta kooxda Swansea City ee horyaalka Premier League .
Kenny Dalglish oo ah Macalinka Fc Liverpool ayaa sidoo kale laga ag dhaqaajin waayey Guriga ama goobta uu degnaa Macalin Speed wuxuuna yiri sidan " Speed 1998 anaa soo iibsaday kuna soo biiriyey kooxda Newcastle Utd 2 Isbuuc ka horna Telefoon ayaan ku wada hadleenay wax dhib ahna iima sheegin waana Xiddig aanu soo wada qaadanay waqti wanaagsan balse Xanuunka dhimashadiisa iyo falka dhacay waa mid aan la qeeybsanaayo reer Speed,,
Xiddiga Manchester United & Qaranka England Michael Owen oo ay Daris iyo Saaxiib qaali ah wada ahaayeen Tababarahaan Ciyaaryahanka ahaan jiray ee is Dilay ayaa Owen oo Oonaya waxa uu BBC-da qeeybteeda Sportiga ku yiri sidan " (. ?Ich kann es nicht glauben. Vor ein paar Tagen haben wir unsere Kinder zusammen zur Schule gebracht", sagte Englands Ex-Nationalspieler Michael Owen, der in der Nähe von Speeds Haus wohnt, der BBC.)
Michael Owen oo isku dhex yaacay ayaa yiri sidan (Ma aamini karo dhimashadaan, maxaa yeelay maalmo ka hor ayaan Iskuulka isla geeynay Caruurtiisa iyo Caruurteeda ,, Owen oo Jaar ama Daris wada ahaayeen Macalin Speed ilaa hada wuu aamini la yahay inuu is dilay Saaxiibkiis Speed ayeey tiri BBC-da Qeeybteeda English-ka.
Mr.Gary Speed wuxuu Ifka uga tagay 2-Wiil iyo hal Xaas wexeeyna Xaaskiisa hada sheegtay in Ninkeeda uu isku Dilay Shaqada iyo Waxa loo yaqaan Stress-ka oo ku batay weliba mararka qaar wuu isla hadli jiray bilihii ugu dambeeyey ayeey Tiri xaaska Speed oo Skysport la hadleeysay.
Halkaan ka Daawo Dhimashada dhacday >>> http://www.youtube.com/watch?v=97FRTnqVUVE
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)