Liiska Magacyada Ciyaartooyda Bisha Ramadaan Soonka gudatay iyo Laacib Zlatan Ibrahimovic oo lagu sheegay Xiddig Soonkii 4-aad Bisha Ramadaan eeysan dhaafin balse aan Salaada ku darin iyo Labo Ciyaaryahan oo Walaalo ah ayaa midkood Soomay halka kii kale uu Ramadaanka mar marsiiyo bilaabay. (Magacyada Laacibiintaan & Qaramada eey u saftaan halkaan ka aqriso+War Bixin Tarjuman !!).
(WAR BIXIN TARJUMAN) : Garoomada Caalamiga ah ee Caalamka ayaa waxaa ka Ciyaaro Laacibiin fara badan oo Muslimiin ah kuwaas oo qaarkood eey dhib ku noqotay ineey Gutaan ama ka soo baxaan Waajibaadka Bisha Barakeeysan ee Ramadaanka Kariimka ah.
Arinta ugu yaabka badan ayaa wexeey qabsatay 2 Laacib oo dhanka Maslaxa Ciyaaraha kubada Cagta caan ka ah kuwaas oo lagu kala magacaabo Habib Kolo Toure & Gnegneri Yaya Toure. Ciyaartooydaan oo Walaalo ah wexeey u wada ciyaaraan kooxda Manchester City ee Horyaalka Ingiriiska iyo Qaranka Ivory Coast.
War bixin aad u xiiso badan oo lagu daabacay News Headlines-ka of the Daily Mirror oo ka soo baxa dalka ingiriiska ayaa wexeey xaqiijineeysaa ineey markii ugu horeeysay ku kala Fikrad duwanaadeen Laacibiintaan Walaalaha ah dhanka bisha barakeeysan ee Ramadaanka.
Laacibintaan ayaa 2 Masjid oo aad u waa weeyn wexeey ka dhiseen Caasimada dalka Ivory Coast ee Abidjan waxaana lagu sheegay war bixintaan inuu kaga baxay Qarash 150.000 oo Euro ah in kastoo eey Mushaar ahaan u qaataan Malaayiin Lacag ah.
Yaya Toure Bisha Barakeeysan ee Ramadaanka waa uu Soomay laakiin Walaalkiis Habib Toure ayaa Ramadaankii la soo dhaafay waxa uu ku mar marsiyooday Caafimaad daro iyo qaadashada Daawooyin loo soo qoray. Xiddigahaan ayaa wexeey u soo kala ciyaareen kooxaha Fc Barcelona iyo Fc Arsenal wexeeyna hada u wada Ciyaaraan Naadiga soo aruursaday Laacibiinta Caalamka waa Manchester City oo uu si weeyn u maal galiyey Maalqabeenka ka soo haajiray Abu Dhabi laguna magacaabo Sulaiman Al Fahim .
Xiddiga Qaranka Sweden iyo kooxda heeysata Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga Ac Milan Zlatan Ibrahimovic ayaa waxaa la xaqiijiyey laga soo bilaabo xiligii uu kooxda Juventus u Ciyaari jiray ilaa hada inuu Soomo Ramadaanka balse kuma daro Salaada .Ibra ayaa arinkaan afkiisa ku qirtay laakiin waxaa la yaab noqotay yaa adag ama dhib loo maraa salaada ama Soonka ?
LIISKA CIYAARTOOYDA LA XAQIIJIYEY INEEY GUTEEN WAAJIBAADKA BISHA BARAKEEYSAN EE RAMADAANKA AYAA WEXEEY MAGACYADOODA KALA YIHIIN SIDAN :
1-Frank Bilal Ribery, Fc Bayern Munchen & Qaranka France.
2-Seydou Keita, Fc Barcelona & Qaranka Maali.
3-Karim Benzema, Real Madrid & Qaranka France.
4-Mesut Mustafa Ozil, Real Madrid & Qaranka Germany.
5- Frederic Omar Kanoute, FC Sevilla & Qaranka Maali.
6-Ibrahim Afellay, Fc Barcelona & Qaranka Holland.
7-Samir Bin Nasri, Man City & Qaranka France.
8-Sami Khedira, Real Madrid & Qaranka Germany.
9-Yaya Toure, Man City & Qaranka Ivory Coast.
10-Lassana Mohamed Diarra, Real Madrid/Tottenham & Qaranka France.
11-Zlatan Ibrahimovic, Ac Milan & Qaranka Sweden.
12- Eric Sylvain Bilal Abidal, Fc Barcelona & Qaranka France.
13-Salomon Kalou, Fc Chelsea & Qaranka Ivory Coast.
14-Arda Turan, Atletico Madrid & Qaranka Turkiga.
15-Ex-Name Nicolas Sebastian Anelka/Hada Bilal Abdul Salam Anelka, Fc Chelsea & France.
16-Nuri Kazim Sahin, Real Madrid & Qaranka Turkiga.
17-Edin Hussein Dzeko, Man City & Qaranka Bosnia.
18-Khalid Boulahrouz, Stuttgart & Qaranka Holland.
19-Suleyman Ali Muntari, Inter/Sunderland & Qaranka Ghana.
20-Hamit Altintop, Real Madrid & Qaranka Turkiga.
21-Mohamed Lamine Sissoko Gillan, Juventus/Paris Saint-Germain & France.
22-Mamadou Niang, Fanerbahce & Qaranka Senegal.
23-Anis Ben-Hatira, Hambrug & Qaranka Germany.
24-Gervais Yao Kouassi Gervinho, Fc Arsenal & Qaranka Ivory Coast.
25-Mahammadou Idrissou, Frankfurt & Qaranka Cameroon.
26-Moussa Sissoko, Toulouse & Qaranka France.
27-Hasan Salihamidzic, Wolfsbrug & Qaranka Bosnia Herzgovina.
FIIRO GAAR AH: Waxaa jiro Laacibiin fara badan oo gutay Waajibaadka bisha Barakeeysan ee Ramadaanka laakiin aan weli Magacyadooda la xusin ama la Shaacin.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com