XIRIIRIYE & SOO ARUURINTA MUCJISOOYINKA CAALAMKA >> Gabar Soomaaliyeed oo si Sharaf leh SuŽaal kulul u weey diisay Madaxweeynaha dalka Mareykanka Mr.Barack Obama iyo Madaxweeyne Obama oo SuŽaashii si wacan uga Jawaabay( Halkaan ka Daawo Soomaalida oo meel kasta caan ka noqotay)ț,* & Bulsho weeynta Caalamka qofba meel ayaa lagu amaanaa, Soomaalida oo dhanka Xiriirinta Waalidka gacan loogu taagay & Qisooyin cajiib ah oo eey sameeyaan (Halkaan ka Daawo Barnaamishka Xiriirinta Waalidka)
Dadka Soomaaliyeed ayaa wexeey noqdeen kuwo meel kasta Dunida caan uga noqday waxyaabo kala duwan oo intooda badan dhanka Wanaaga u badan. Soomaalida Qurbaha ayaa laga helaa Dad badan oo dhanka Waxbarashada heer ka gaaray oo mararka qaar la shaqeeya Suxufiyiinta Caalamka.
Hadaba waxaa jirto Gabar Soomaaliyeed oo si Geesinimo leh SuŽaal u weey diisay Madaxweeynaha Maanta Dunida ugu Mashquulka badan waa US-President Mr.Barack Obama oo SuŽaashii Gabadhaan Soomaaliyeed si degan uga jawaabay.
Geesinimada waa mid loo dhasho maxaa yeelay Caalamka oo Idil ayaa si Live ah looga daawanayey Barnaamishkii SuŽaalaha lagu weey diinayey Madaxweeyne Obama wexeeyna Gabadhaan Soomaaliyeed hadalkeeda ku biloowday ineey u dhalatay ama ka timid dalka Somalia.
US-President Mr.Barack Obama Inta badan Wadamada Yurub waxaa looga yaqaan eray uu ku caan baxay oo ah qaabkaan ( Mächtigstem Mann der Welt ) oo macnaheedu yahay Ninka ugu ad adag ama ugu fir fircoon Dunida (Uguna Kartida badan).
Madaxweeyne Obama Caalamka waxa uu ku soo jiitaa war Qurxoon iyo Qosol uu uga baxo xiliyada Saxafada eey weeydiiso SuŽaalaha kulul ee inta badan dhanka xun loo qaloociyo.
Halkaan ka Daawo Gabar Soomaaliyeed oo Madaxweeyne Obama SuŽaal dul dhigtay http://www.youtube.com/watch?v=8iG1jjW5qyA&feature=related .
***Ma ahan wax wanaagsan in Wadan ama Dal dhan uu xambaarsado xumaan iyo waxa Caalamka looga yaqaan Fadeexada.
Soomaalida wexeey ka bixi la dahay oo dhex dabaalaneeysaa Dagaal ahli ah oo ugu dambeentii sababay in Diintii la isla galo.
Soomaalidu wexeey maanta ama Xiliyadii ugu dambeeyey caan ku noqotay waxa loo yaqaan Burcad Badeednimada oo Wadamadii Quwada ku lahaa Caalamka wax ka qaban waayeen Wiilal Soomaaliyeed oo la jaan qaaday Dhibaatada aan dhamaan ee dalkooda ka taagan ka dibna u weecday ugaarsashada Maraakiibta Ajanabiga mara Bad weeynta Biyaha Hindia ( the Indian Ocean Pirates).
Dalka Somalia maanta waxaa ka jira Maamul Goboleedyo lagu sheegay ebid kuwii ugu badnaa oo qaarkood magacyo ku cusub Umada soomaaliyeed xambaarsan. Hadaba dhibaato intaas gaarsiisan wadan Hooy u noqday ayaa Dunida wexeey ku amaaneeysa inuu meel kale uga wanaagsan yahay inta badan dalalka Caalamka. Waa maxay Amaantaas eey Soomaaliweeyn muteeysan karto?
Dhanka Xushmeeynta Waalidka Somalia 98% dalal badan ayaa gacan ugu tagaay kuna amaanay ineey tahay dhaqan soo jireen ah oo aan si sahlan la iskaga reebi karin. Dalalka Yurub Soomaalida degan marka eey Waalidkood Isbitaal galaan ama xanuunsadaan kama ag dhaqaaqaan ama wexeeyba soo booqdaan Xiliyo aan la ogoleeyn booqashada dadka bukaanka ah taas oo mararka qaar ka yaabsata Dhaqaatiirta Isbitaalada Yurub oo sheegay in dadka kale Waalidkooda xanuunsan soo booqdaan Weekend-ga oo kaliyah
Waxaad wadamada Qurbaha ku arkeeysaa Soomaali badan oo dalal dhoor ah Qaxooti ku ah oo mararka qaar Deeyn ama kiro loo heeysto halka Lacagtii ama masaariiftii yar ee soo gasha horay ugu Xawilo Waalidkood ama qooysaskooda ku dhibaateeysan Gudaha dalka Somalia.
Caalamka oo idil waxaa ka shaqeeysa waxa loo yaqaan (Is dabar ama Naftaada wax u qabo mana laga yaqaan Waalid dalal fog fog laga biilo) Soomaalida ayaa dhaqankaan wanaagsan ee dhanka Waalidka ah waxaa sidoo kale iyagana lagu amaanaa dalalka Indonesia & Malaysia oo dadka Islaamka ah eey si weeyn ugu badan yihiin.
Halkaan ka Daawo Barnaamishka Xushmada Waalidka http://www.youtube.com/watch?v=nh7s0ZLfboU .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com