Taageerayaasha Xulka Somalia oo Madax xanuun ka qaaday Ciyaartii Itoobiya Vs Somalia >>> Qarankeena oo Guuldaro dhabarka loo saaray iyo Soomaali aan la fileeyn oo Garoonka soo buux dhaafisay !!!
Horaa loo yiri Qosol Hiilo waa galaa, Taageerayaasha Itoobiyaanka Gobolo fog fog ayeey wexeey uga yimaadeen sidii eey Indhahooda ugu arki lahaayeen Xulka Qaranka Somalia oo dhulka lagu jiidaayo.
Tv-ga Qaranka Itoobiya waxaa laga soo daayeey Gabdho iyo Wiilal Soomaaliyeed oo Garoonka dhexdiisa ilmeenaya kuwaas oo ka xumaaday Guuldaradii iyo Natiijadii xumeed ee Qaranka Somalia looga badiyey. Sidoo kale waxaa Garoonka soo buux dhaafiyey Taageerayaal Soomaaliyeed oo aad uga badnaa intii horay loo filayey.
Waxaa Galabta Ciyaar aad u xiiso Badneed laakin murugo iyo farxad la'aan galaisay Taageerayaasha Soomaaliyeed ka dhacaday Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ciyaarta ayaana guntii kusoo dhamaatay 5-Gool iyo Eber oo eey ku badisay Itoobiya halka Soomaaliya ay galabta la hoyatay guul daro .
Ciyaartoyda Maanta safneed iyo kuwa Binjiga ama Keedka ku jirtay
Cali Mursal Qaalid (lambarka 1-aad goolhaye)
Cali Cigaal Yaasiin (Lambarka 3-aad)
Abuukar Cabdikariim (Lambarka 4-aad)
Sacad Saalax (Lambarka 5-aad)
Maxamed Xasan Cali (Lambarka 6-aad)
Maxamed Cabdicasiis (Lambarka 8-aad)
Ciise Abin (Lambarka 9-aad Captain)
Cali Khaalid (Lambarka 10-aad)
Aadan Xuseen (Lambarka 13-aad)
Saadaad Anwar (Lambarka 17-aad)
Cali C/qaadir (Lambarka 19-aad)
Dayib Axmed (Lambarka 2-aad)
Waxaa Soomaaliya keydka u fadhiya
Maxamed Cabdinuur (Lambarka 7-aad)
Maxamed Cusmaan (Lambarka 11-aad)
Macalin Axmed (Lambarka 12-aad
Daahir IIkar (Lambarka 14-aad)
Deeq Cabdulaahi (Lambarka 15-aad)
Kaasim Cali (Lambarka 16-aad)
Shariif Maxamed (Lambarka 20-aad)
Badalka Lagu sameeya Ciyaartoyda Somalia
Soomaaliya waxay badashay laba ciyaaryahan oo kala ah Cali Khaalid oo yellow card la siiyey laguna badaley Maxamed Cabdinuur daqiiqadii 46-aad iyo Cali /qaadir oo isna qaba Yellow Card waxaana lagu badaley daqiiqadii 60-aad Deeq C/laahi.
Daqiiqadii 79-aad Soomaaliya waxaa badal ku soo galey Maxamed Cusmaan oo sita lambarka 11-aad weerarkana ka ciyaara waxaana lagu badaley Maxamed C/casiis oo xirta lambarka 8-aad khadka dhexena ka ciyaara.
Ciyaartoyda Soomaaliya laga Siiyay Calaamada Jaalaha
Ciyaarta waxaa Soomaaliya ka qaatey kaarka hurdiga ama Jaalaha ciyaaryahanada kala ah Cali C/qaadir oo sita lambar 19-aad oo daqiiqadii 50-aad la siiyey kaarkaasi, iyo Cali Khaalid oo lambarka 10-aad sita oo daqiiqadii 27-aad isna la siiyey kaarkaasi.
*** Dhanka Goolasha iyo Daqiiqadaha la dhaliyey iyo waxa Niyad Jabka keenay :
Ciyaarta ayaa ku Bilaabatay Mid Dagan Waxaana Daqiiqadii 5 aad ka Dhaliyay Xulka Soomalaiya Ciyaar Yahanka Lagu Magacaabo O. Okwury Waxayna Halkaasi Niyad Jab Xoogan ku dhacday Xulka Soomalaiya oo Wareega 1aad e Ciyaarta ku Dhamaatay 1-0
Qeebta Danbe Ee Ciyaarta Ayaa Xulka Soomaaliya Waxay lasoo Galeen Dar Dar Xoogan Laakin Dardarkaas Waxaa ka Faa,iideestay Xulka Qaranka Itoobiya Waxayna Helayn Goolal Daqiiqadihii 62aad iyo 65 aad Waxaana Labadaas Gool ka Dhaliyay Ciyaar Yahanka Lagu Magacaabo S. Bekele .
Waxa Ay Ciyaarta Socotaba Waxaa Daqiiqadii 89 aad Gool 4aad ka Dhaliyay Ciyaar Yahanka Reer Itoobiya ee G. Kebede Isla Daqiiqadii Ugu Dnabeesay ee Waqtiga Lagu Daray Ciyaarta Ayaa Goolka 5aad Raacsiiyay Isla Ciyaar Yahankii dhaliyay Goolka 4aad ee G. Kebede Waxayna Ciyaarta ku Dhamaatay 5-0 Ay Guusha ku Raacday Xulka Itoobiya oo u soo Baxay Wareega 2aad ee is reeb reebka koobka aduunka 2014 ee lagu qaban doono dalka Brazil.