MUCJISOOYONKA CAALAMKA : Waa sidee Xaalada Magaalada Sirte oo Dagaaladii Shalay & Maanta ka dhacay lagu riiqmay,Maleeshiyaadka Mucaaradka oo si toos ah u Duqeeyey Sirte & Madaxdooda oo la soo baxday Jadwal cusub (Halkaan ka Daawo Dagaalka oo weli socda) Akhri sidoo kale Warar Soomaalida ku saabsan oo ka hadlaya Dhalinyaro badan oo ka soo laabatay Qaraxa iyo Dagaalka Joogtada ah ee Shabaab!!
Maalintii Jimcaha eheed marka la soo tukado Salaada Qudbada waxa eey balan qaadeen Madaxda hogaamisa Maleeshiyaadka Mucaradka dalka Liibiya ineey Sirte oo dhan gebi ahaanba gacanta ku dhigi doonaan. Taas ma dhicin oo wexeey la kulmeen Maleeshiyaadka Mucaaradka iska caabin xoogan oo kaga timid dhanka Xoogaga Qaddafi oo weli diidan ineey is dhiibaan.
Shacabkii ugu dambeeyey ayaa maanta laga soo saaray Magaalada Sirte wexeeyna taas fursad qaali ah u tahay Xoogaga gaashaanbuurta NATO iyo Maleeshiyaadka Mucaaradka oo doonaya ineey Digada ka dhigaan ama si weeyn u duqeeyaan Magaalada Sirte oo asal ahaan uu ka soo jeedo Madaxweeynihii xukunka dalka Liibiya xooga looga tuuray Mr.Muamar Al-Qaddafi.
Inta badan Dagaalada ka socda goobtaas waxaa Xaafadaha dhexdooda lagu bursadaa Maleeshiyaadka Mucaaradka oo aan laheeyn Qibrad dhanka Ciidamada ah halka Xoogaga Qaddafi eey yihiin ama u badan yihiin Milatarigii Qaranka Liibiya.
Marka Maleeshiyaadka weerarka ah ee Mucaaradka Liibiya loo geeysto Dhimasho iyo Dhaawac fara badan wexeey u baxaan dhanka banaanka magaalada Sirte kuwaas oo halkaas si ba´an uga duqeeya Xoogaga Qaddafi oo Qoriga Dabajeexa loo yaqaan la fuulay Saro dhaa dheer.
Ugu dambeeyntii Madaxda Maleeshiyaadka Mucaaradka ayaa sheegay ineey Shax cusub la soo baxeen Dagaalkana u badaleen kaarto cusub kuwaas oo balan qaaday ineey Saacadaha soo socda Jihooyin cusub ka soo gali doonaan Xoogaga Qaddafi oo qofkii dhankooda aado Liif ku laayey.
Halkaan ka Daawo dagaalka oo socda & Shaxda cusub http://www.youtube.com/watch?v=6WWFtyul_JQ
*** Dhalinyaro badan oo xaqa fahmay kana soo laabtay qarbudaada iyo Dagaalada joogtada ah ee Xarakada Shabaab.
Hadal heeynta ugu badan ee magaalada Muqdisho ayaa wexeey noqotay Ciidamo la sheegay ineey is kaga soo tageen Xarakada Al Shabaab ka dib markii eey sheegteen Qarax Dad Shacab ah uu ku hoobtay oo ka dhacay Maalintii Talaadada eheed dhismaha Hooyga Hargaha & Saamaha.
Ciidamadaan ka xumaaday arintaas dhacday ayaa la sheegay qaar ineey hubkoodii la aadeen Guryahooda halka qaar kale eey si toos ah ugu biireen Ciidamada Daawlada gaar ahaan kuwa ku sugan Stadium Muqdisho. Isbuucii la soo dhaafay ayeey eheed markii eey soo bandhigeen Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Dhalinyaro Hubeeysan oo xiligaas ka soo baxsatay Xarakada Shabaabka.
Waxaa iska cad oo marag ma doonto ah inuu Qilaaf xoogan dhaliyey Qaraxii dhacay maalintii Talaadada eheed kaas oo Nin lagu soo rakibay Walxaha qarxa uu ku haligay Nafsada dad Shacab ah oo boqolaal kor u dhaaftay.Maleeshiyaadka Shabaab ayaa qaar waxeey qabaan sababta loo qarxin waayey hadii wax la Qarxinaayo goobaha eey sida qaaska ah u degan yihiin Ciidamada Amisom balse loo Qarxiyey xarumo eey dhoobnaayeen Arday masaakiin ah oo Waxbarasho safaf ugu jirtay.
Dhanka Xarakada Al Shabaab wax war ah kama soo saarin arintaan cusub balse waxaa hubaal ah ineey jirtay maalmihii ugu dambeeyey Qilaaf ku saabsan Qaraxaas oo u dhaxeeyey masuuliyiinta ugu sareeysa Shabaabka. Inta badan Xarakada Shabaabka ayaa waxaa u dagaalama dhalinyaro aad u da´yar oo lagu sheegay ineey dhasheen wixii ka dambeeyey Dawladii M.S.Barre.