Xulka 23-sano jirka Somaaliyeed ayaa xiligaan waxa eey Tababaro Caalami ah ku qadanayaan dalka Jabuuti. Dhalinyarada Qaranka ayaa waxaa eey isku diyaarinayaan tartanka isreebreebka Olympic Games oo eey iskaga hor imaan doonaan Xulka K/Cagta ee Sudan, labadaan dal ayaa wada ciyaari doona labo kulan, kulanka hore waxa marti loo ahaanayaa dalka Somalia oo gurigoodu uu yahay Xarunta Jabuuti maadaama Xaruntoodii Hooyo uu Halaag Adduun ka taagan yahay iyo Dagaal sokeeye. Xulka 23-sano jirka ayaa 10-ka bishaan waxa ay fooda is darayaan dalka Sudan. Halka kulanka kale lagu ciyaari doono Dalka Sudan Caasimadiisa Khartuum.
Ogeeysiis: Bahda Xiriiriye.com ku xiran waxaa lagu wargelinayaa in Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport maanta uu ku saabsan yahay 30-ka cCiyaartooy ee Dunida loogu jecel yahay uguna Taageerada badan iyo weliba kooxaha eey u saftaan(Filo Goor dhaw)