Maxamed Guyo Laacib Soomaaliyeed oo ay qaadatay kooxda IF Elfsborg ee dalka Sweden.(Halkaan ka Daawo Sawirada kana Aqri War bixinta oo dhameeystiran).
Maxamuud Aadan Guyo oo ah laacib 15 jir ah kana ciyaara dababka bidix ee daafaca (3) iyo khadka dhexe ee isla dababka bidix (11) ayaa ugu dambeeyn hal tilaabo oo horumar ah horay u qaaday kadib markii uu qandaraas 3 sanadood ah qalinka kula aasay kooxda IF Elfsborg oo ka mid ah kooxaha waawayn ee ka qayb qaata horyaalka heerka 1-aad ee dalkan Sweden ee loo yaqaano Allsvesnkan.
Laacibkan da'da yar oo la tababaranayay kooxda yar yarka ah tan iyo bishii Nofeembar ee sanaddii 2009 isagoo si isa soo taraysa sare ugu sacdey jir ahaan iyo farsama ahaanba iminkana diyaar u noqday in loo arko laacib mustaqbal ku leh mihnadda ciyaareed gaar ahaan kubadda cagta sida uu muujinayay Tony Lundqvist oo ah madaxa qaybta da'yarta kooxda IF Elfsborg oo qandaraaska u saxeexay dhanka kooxda.
Maxamuud Aadan oo ii sheegay inuu yool raaco oo uu kubadda ka qalin daarto Erik Abidal oo booskiisa oo kale uga ciyaara Barcelona ayaa ka qayb qaadan koobka 15 jirada Sweden oo 3-da ilaa 8-da July ka qabsoomi doona magaalada Helmstad ee dalkan Sweden oo uu ka mid yahay laacibiinta ugu mudan ee tartankaasi ku meteli doona gobolka Västra Götaland oo ay ka tirsan tahay magaalada uu ku dhaqan yahay ee Barås halkaasoo uu iman doono macalinka xulka Sweden ee 15 jirrada oo halkaas ka dooran doona ilaa 60 laacib oo uu sii kala miiri doono si uga soo saaro xulka 15 jirrada Sweden.
''Waxaan jeclaan lahaa inaan u ciyaaro dalkayga Soomaaliya laakiin hadii ay fursadaasi duruuftu saamixi waydo wax dhib kuma qabo inaan u safto dalka Sweden'' ayuu yiri Maxamuud oo taageera kooxda Man Utd isla markaana isagoo yar kasoo dalaabay Muqdisho oo uu ku dhashay.
Aabe Aadan Guyo iyo hooyo Sahra Ibraahim Muudeey oo labadooduba goob joog ka ahaa goobtii saxeexa qandaraaska maadaama ay yartahay da'da Maxamuud ayaa laftoodu ah dad aad u qiimeeya ciyaaraha oo ay ii sheegeen inay daawan jireen kulamadii ciyaareed ka dhici jirey gegooyinka ciyaareed ee magaalada Muqdisho sidoo kalana ay ka dhegaysan jireen idaacadaha.
''Waxaan taageeraa AC Milan'' ayuu igula kaftamay Aabe Aadan oo sheegay inuu wax kasta u huri doono sidii uu wiilkiisu horumar uga gaari lahaa ciyaarta uu jecelyahay ee kubadda cagta.
Maxamuud Aadan ayaan haatan ka mid ah akademiyaha 15 jirrada ee kooxda IF Elfsborg isagoo sameeyn kara bootin raheed uu si toos ah uga soo muuqan karo kooxda safka 1-aad ee Elfsborg maadaama uu yahay laacib ay ka muuqato hibo ciyaareed iyo diyaarsanaan farsamo iyo mid shakhsiyadeed intaba.
Kooxda IF Elfsborg ayaa sanadkii hore ciyaaraysey koobka UEFA Europa League iyadoo markii dambe ku baxday kulan 2 lugood ahaa oo ay la yeelatay kooxda wayn ee SSC NAPOLI oo lugtii 2-aad oo dhacday 26-kii August ee sanadkii hore ku reebtay isu geyn 3-0 ah.
Halkaan ka Daawo Sawirada war bixinta >>> http://dayniilecom.com/June011/22june8.htm
Waxaa isku Duwey:-Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden