 |
|
 |
som |
 |

La Yaab : Cabdi Kaarshe (Absolut) oo ka yaabsaday Kumanaan kun oo Taageerayaal Jarmal ah, (Aqri warbixin uu Jaraaid sport ka qoray oo dhameystiran) Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdi Kaarshe Cali oo loo yaqaan (Cabdi Absolut) ayaa waxaa uu ka yaabsaday Kumanaan kun oo Taageerayaal Jarmal ah. Wargeyska dhanka Sportiga ugu magaca weeyn Germany oo lagu magacaabo Bild-Sport ayaa waxa uu wareysi qaas ah la yeeshay Cabdi Kaarshe Cali oo dhankooda Taageerayaashaas ugu magac dareen ama u yaqaanaan( Absolut-Finish) Muwaadin Abdi Absolut ayaa waxa uu baray Taageerayasha Jarmalka Cunto Soomaali sida Sambuus, Bariis isku karis ah iyo weliba Malawaxa soomaalida eey qaaska u sameeysato. Sida idinkaga muuqato Sawirka kore ama ugu horeeyey Bogaan ayaa waxaa ku cad Muwaadinkaan oo maqaayad weeyn oo laga Cunteeyo ka furay Banaanka ama Barxada weeyn ee Kooxda Fc Schalke ee Horyaalka Germany. Cabdi Finish ayaa Maqaayada waxa uu afarta dhinac uga sawiray Astaanta Calnkeena Soomaaliyeed sida idinkaga muuqata Sawirka afka hore ee Maqaaxidaas. Hadaanu u gudo galno Mucjisada iyo sababta uu Muwaadinkaas soomaaliyeed uga yaabsaday Taageerayasha kooxda weeyn ee Schalke ama Wareysiga uu siiyey wargeyska Bild Sportd ayaa eheed sidan. Kooxda Schalke waa Koox weeyn ama waa kooxda kaliyah ee ku soo Xigto dhanka awooda Kooxda Bayer münchen marka laga reebo Kooxaha hambrug, Stuutgart & Bremen. Schalke waxa eey ku jirtaa sanadkaan Uefa Champions League-ha cusub ee soo socda, waxa eey kaalinta 2-aad ka gashay Horyaalkii dhamaaday oo kooxda Bayer munchen dirqi uga qaaday Schaalke. Garoonka Kooxda Schalke oo lagu magacaabo VELTINS-Arena waxaa soo xaadira Ciyaar kasta 50-kun oo Taageeroyal Jalbeysan ah waxaana loo ogol yahay oo ineey Garoonka boos ka sii helaan loo sharciiyey ilaa 54.142 qof , waxaana dhisitaanka Garoonkaan oo 2001 albaabada loo furay ku baxday sida warbixinta ku cad 191-Milyan oo Euro, Kooxda eey ifka iskugu neceb yihiin oo mar kasta eey is laayaan waa Kooxda Brussia Dortmond oo eey Schalke 04 ka wada dhisan yihiin Gobolka Gelsenkirchen ee Germany. FIFA-Prasident Joseph Blatter ayaa Jecel garoonkaan oo dhoor joor lagu casumay amaana u soo jeediyey , waxaa kaloo dhoor jeer oo Xaflado lagu qabtay soo xaadiray Heesaayaal caan ah sida Fanaanka weeyn ee Ingiriiska ah waa Robbie Williams. Halkaan ka aqriso ama ka daawo warbixinta Garoonka Kooxda Schalke inta aanu u guda gelin War bixinta Cabdi Absolut. www.schalke04.de/.../stadion/veltins-arena.html Hadaba Bild Sport oo weey diiyey Abdi Absolut sababta uu Taageerayasha Schalke ku soo jiitay iyo wax yaalaha uu kala kulmo mararka qaar iyo Cuntada uu sameeyo nuuca eey jecel yihiin ayaa yiri sidan:??? : (Waan ka keensaday maxaa yeelay Cunto wacan oo fudud ayaan u sameeyaa Sida, Malawaxa, Sambuuska iyo Bariis Soomaliga isku kariska ah). Waxaa la weey diiyey inta Kiilo ee u baxdo ama u gadmato marka eey ciyaar jirto iyo Qiimaha uu Saxan kastoo Bariis ah siiyo??? : (waxaa uu yiri marba waa si laakiin marka eey Ciyaar adag jirto waxaa ii baxdo oo noo gadmo 150-kg oo Bariiska kaliyah halka Sambuusiga iyo Malawaxa eeysan xisaab leheeyn oo isla biloowga hore eey dhamaadaan, Saxan kastoo Bariis isku karis ahna waxaan siinaa 5-Euro isaga 1-Cabitaan Coca Cola ah) Waxaa la weeydiiyey bal in Taageeraysha Schalke eey Cuntadaas Soomaliga ah magacayadeeda barteen iyo in kale?? : ( Waxa uu yiri haa , Bariiska isku kariska ah waxa eey ugu yeeraan Somalische Reis oo eey ula jeedaan Bariis soomaali, Sanbuuska waa eey karaan oo qaar uun baa yiraahdo Dreier oo eey ula jeedaan Sadaxle madaama sambuus soomaliga 3-madax leeyahay, Balse waxa eeysan qaban karin Malawaxa oo ku adag ku dhawaaqidiisa mar marna waxa eey isku qaldoon oo eey ugu yeeraan Malawi oo wadan Africa ka tirsan ah , waxeyna dhib ku qabaan oo eeysan kari karin ereyga X ). Waxaa la weey diiyey bal ineey jirto Ciyaar uu ku qasaaray Cabdi Absolut isaga oo Cunto badan kariyey?? : ( waxa uu yiiri haa, si weeyn , hal Ciyaar ayaanan waligeey iloobi doonin taas oo aheyd markii Schalke oo Horyaalka Rajo ka leh sanadkaan eey Garoonka soo buuxiyeen iyaga oo la ciyaarayey Kooxda Bremen waxaana 0-2 ku badisay si lama filaan ah kooxda Bremen taas oo Bayer ka faaideysatay waxaana dhacday in markii aan Raashinka diyaarinay oo Garoonka laga soo baxay eey Taageerayaasha Schalke Gurigooda u qul quleen Raashinkii oo noo buuxo waxaana hubaal ah hadeey badin lahaayeen in eey Barxada garoonka soo cami lahaayeen oo rashinkana si weeyn u dalban lahaayeen, laakiin wax qoran ayey eheed). Halkaan ka Daawo Ciyaartii uu Cabdi Kaarshe Qasaaray sida uu garoonka ahaa iyo Taageerayashii carooday : http://www.youtube.com/watch?v=LzvABSlpf1o&feature=related Waxaa la weey diiyey sababta uu Maqaaxida uga Mamnuucay Qamriga maadama Nin u hadlay Taageerayasha oo lagu magacaabo Walter Bücher uu ku eedeeyey Abdi Absolut in uu qaab Diin ahaan ah uga mamnuucay Qamriga maqaaxida maadama uu xaaran yahay Qamriga?? (Cabdi Kaarshe ayaa iska diiday eedeentaas waxaana uu yiri sidan sidan: Qamriga waxaan Maqaaxida uga mamnuuc si eeysan Taageerayasha oo Sarqaansan eeysan iiga jejebin alaabta ee wax yaalo kale uma mamnuucin). Ugu dambeytii waxaa la weeydiiyey Raul Gonzales ayey Fc Schalke soo gadatay ee soo dhaweeyntiisii wax ma kuu gadmeen mise ka faaiday ?? : ( Waxa uu yiri haa, laakiin waxaa lagu jiraa Xiligii fasaxa Kuleelaha taas oo inta badan Taageerayasha Schalke iyo kooxaha kaleba Holiday ama fasax u aadan Dalal kale oo caalamka ah) Gebagebadii ayaa waxaa la weey diiyey Yaa kuu baxshay Abdi Absolut maxaase u Rajeeneysaa Fc Schalke Koobka Champions League oo dhawaan furmi doono?? : (Magaca eey ii yaqaanan Taageerayasha Schalke ma ahan oo kaliyah Abdi Absolut oo waxa eey ii yaqaanaan Absolut-Finish oo eey iga koobiyeeyen marka aan Cuntada dhameyno oo aan Halheeys ka dhigtay Absolut-Finish..Dhanka Champions League damban waxaan Rajeenayaa in Schalke final timaado in kastoo eey adagtahay hadana Ciyaartooy badan ayey soo gateen waana macquul ineey soo gaaraan kooxaha ugu dambeeya, hadana waxaa Maqaaxida ku sharxay Calaamada Uefa Champions League si Taageerayasha u soo camiraan maqaayada. Shabakada Xiriiriye mar eey la xiriirtay Cabdi Kaarshe Cali (Absolut) isaga oo Safar Qaraabo saalan ah kaga soo laabtay Norway ayaa noo ogolaaday inaan wareysi qaas ah ka soo qaadno oo weliba aan soo Duubno ama soo Sawirno xiliyada Ciyaaraha waa weeyn ee ka jiraan Garoonka Kooxda Schalke ee Taageerayaasha Buuxaan Maqaaxida (Restaurant) Cabdi Absolut uu ku leeyahay Banaan weyn ee Garoonka Kooxdaas. La socod siin: Beri Haduu alle raali ka noqdo Barnaamishka ( La Yaab )waxaa uu ku saabsan yahay 2.Ciyaarrtooy oo walaalo ah weliba Caan ah oo ifka iskugu naceb Sawiro+vdieo..iyo Barnaamishka kale ee ah (Ku biiri aqoontaada Sport) oo aan ku soo qaadan doono Ciyaaryahan Laacib weyn ah oo aad wada garaneysaan oo ilaa yaraantiisii Cudurka Neefta fara ba´an uu ku hayey taas oo aabihiis ku eedeyey inuu Dibada ama Banaanka oo Qaboow xun jiro uu kubada ku ciyaari jiray Funaanad aan dhaxanta celin karin. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Halkaan ka Daawo wacdaraha Kooxda Schalke 1-http://www.youtube.com/watch?v=HY-0xuJ0edM 2- http://www.youtube.com/watch?v=puAfmCQ_S44&feature=related W/D Omar Ali Omar Xiriiriyaha sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarjuva9@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|