Horyaalka Ingiriiska oo noqday kan Caalamka ugu Amniga Wanaagsan, Maxaad kala socota sababta uu ku noday? iyo Faaqidaada kulamadii dhacay ee Horyaalka England.
Daraasad uu soo saaray Tv-ga Skaysport ayaa waxaa kaalinta 1-aad xaga amniga iyo kala dambeenta Horyaalada Caalamka kula wareegay Horyaalka Ingiriiska ee Premier League.
Waxaa mucjiso iyo La yaab noqotay qaabka eey iskula shaqeeyaan ciidamada amniga iyo System Siter-Litka ku xiran oo kala haga Taageerayaasha is diidan ama si wanaagsan ula socda halka eey Garoonka ka fadhiyaan Taageerayaasha Ciyaal suuqiinta ah ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (Bad boys The Hooligans ).
System Siter-Lit-ka cusub ee Ciidamada Professional Security is ticmaalaan ayaa waxa uu ka yaabiyey intii daawaneeysay Barnaamishkaan uu soo daayey Telefishinka Skysport sida uu soo bandhigay qaabka Taageerayaasha xun xun ee cabsan iskugu dayaan ineey Qalalaase uga dhex abuuraan labada kooxood ee xiliyadaas ciyaaraya Taageerayaashooda.
Mar ale iyo marka laga daawado Qalabkaan casriga ah shaqsiga ama ruuxa doonaya inuu dhibaato geeysto ayaa waxaa loogu tagaa barta ama Kursiga Lambarka uu kaga fadhiyo Stadium-ka kaas oo durbadiiba gacanta lagu soo dhigo iyaga oo ciidamada Professional Security-ga cid kale dhibaato u geeysan.
Mucjisadaan iyo awoodaan cusub ee Ciidamada Amniga Premier League la soo baxeen ayaa waxaa la sheegay ineey ka caawisay sharciyada cusub ee Taageerayaasha daawada Horyaalka Ingiriiska loogu sheegay inuu ruux kasta xiliga uu doonaayo Tkitka lagu galo garoomada uu horay u soo qaato Sharcigiisa iyo Sawir cadeen ah oo uu leeyahay.
Inta badan Taageerayaasha Jalbeeysan ee kooxaha waa weeyn sida Fc Liverpool, ManU, Arsenal, Fc Chelsea, Man City, Tottenham, Fulham, Aston Villa, Newcastle Utd, West Ham Utd, Everon iyo Bolton Wanderers ayaa dhamaantood 99% qofkiiba waxa uu leeyahay ama sameeystay waxa loo yaqaan kaar Sanadeedka oo ah Kaar raqiis ah oo loo sameeyo Taageerayaasha Jalbeeysan ee goor walba doonaya inuu Garoonka soo xaadiro xiliyada eey kooxdiisa ku ciyaarayaan gurigooda ama garoonkooda waxaana Kaar-sanadeed-kaas dusha uga qoran magaciisa oo sadexan weliba waxaa kaloo dusha ka saaran Sawir uu leeyahay Taageerahaas.
Tan iyo markii la hool galiyey Qalabkaan cusub ayaa waxaa aad u yaraatay in Taageerayaasha loo yaqaan The Hooligans eey ku deg degaan dhibaatooyin iyo Qarbudaad maadaama eey og yihiin in la la socdo waxa uu sameenaayo iyo halka uu garoonka ka fadhiyo.
Dadweeynaha ku raaxeeysto ama sida weeyn u jecel ineey Live u soo daawadaan Ciyaaraha Premier League ayaa aad u soo dhaweeyey qalabkaan cusub oo u saamaxay ineey dhibaato la´aan ku daawadaan ciyaaraha iyaga oo fadhiya xuduuda ama halka loo yaqaan Qadka cagaaran (Lama Degaanka) oo loo la jeedo halka kala barta labada Taageerayaal ee is diidan .
Kooxaha The Hooligans oo la waayey halka eey jaan iyo cirib dhigeen tan iyo markii Qalabkaan cusub la hoowl geliyey ayaa hada weexey dhaqan xumadooda iyo rabshadahooda ula soo wareegeen banaanka Garoomada waxaana inta badan la arkaa iyaga oo tuuryeenaayo ama ceenaayo Taageerayaasha kooxaha kale ee iyaga martida u ah.
Nuuca Qalabkaan cusub ayaa waxaa looga fadhiyaa in eey iyagana sameeystaan ama soo iibsadaan marka laga reebo Bundes liigaha Germany oo heeysto nuuc la mid ah qalabkaan cusub ee Premier League uu keensaday Horyaalada inta badan Taageerayaasha eey rabshadaha ka sameeyaan sida Serie A oo ah Horyaalka Talyaaniga, La Liga oo Spain ah, Ligue 1 oo France ah iyo Eredivisie oo Horyaalka Holand ah.
Warar kii ugu dam beeyey ee Horyaalka Premier League ayaa Natiijooyinka kooxihii ciyaaray waxa eey isku macsalaameeyeen qaabkaan hoos ku qoran.
Kooxda kubada cagta ee The Gunners (Arsenal) ayaa markii ugu horeeysay xili ciyaareed kaan si fudud oo aan dhib badan loo marin kula wareegtay hogaanka The English Premier League.
Arsenal London oo kooxda dariska la ah ee Fulham London ku Saqiir suujisay 2-1 ayaa mahad balaaran waxa eey u soo jeedisay xiddigeeda u ciyaara qaranka France Samir Nasri oo dhaliyey labada gool ee Fulham lagu saqiir suujiyey daqiiqadihii 14-aad iyo 75-aad waxaana uu ahaa sidoo kale halyeeygii garoonka Emirates-Staduim.
Goolka Fulham ayaa waxaa u saxiixay daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta qeeybteedii hore xiddiga Qaranka Senegal Diomansy Kamara,
Arsenal London oo ka faaideeysatay Taakdarada iyo dhaawacyada la soo gudboonaday kooxda Fc Chelsea oo isku dhex yaacday iyo weliba kooxdii hogaanka heeysay ee Man Utd oo kulankeedii eey la ciyaari leheed FC Blackpool uu baaqday.
kooxda Arsenal oo sanadkaan wadato ciyaartooy aad u da´yar ayaan la dhaleeysan karin qaadisteeda Horyaalka The English Premier League wexeeyna inta badan isku dhex wadaa Guul & Guul darooyin taas oo aan si toos ah loo saadaalin karin mida eey ugu dambeeynta daris la noqon doonta waa Guul ama Guuldaro.
Kooxda Isbuucii la soo dhaafay laga Bililiqeeystay hogaanka horyaalka Ingiriiska ee Premier League waa Fc Chelsea ayaa waxaa gurigeeda Stamford Bridge oo midabkiisa eey taageerayaasha kooxdaas Buluug ka wada dhigeen 1-1 isla dhaafi waayeen kooxda ka socotay Magaalada Liverpool ee Everton.
Goolka oo eey kooxda Chelsea ku hormartay ayaa waxa uu ahaa rigoore uu dhaliyey weeraryahanka Qaranka Ivery Coast Didier Drogba daqiiqadii 42-aad waxaana rigooradaas sabab u ahaa oo kooxda Everton ku keenay Goolhayaha Qaranka Mareykanka Brian Howard .
Dhamaadkii ciyaarta ayaa kooxda Fc Chelsea oo iska seexatay una maleeysay ineey sadexda dhibcood la hoyatay ayaa waxaa gool uga naxsaday oo garoonka Stamford Bridge iyo Taagerayashii funaanadaha Baluuga ah watay Guryahooda u kala diray xiddiga Everton Jermaine Beckford oo daqiiqadii 86-aad ee dhamaadkii ciyaarta goolkii bareejada ka dhaliyey Fc Chelsea.
Ciyaartaan ayaa waxaa dhaawc ka soo laabtay oo u suurto gashay inuu safto Difacooda eey ugu yeeraan (Ha i taaban) John Terry waxaana sidoo kale Chelsea weli dhaawac uga maqan ciyaartooy fara badan oo laf habar u ah kooxda.
Fc Cheslesa ayaa 3-kulan oo isku xigta aan gaarin wax guul ah wexeeyna tani shaki gelisay sidii eey ku difaacan leheed Horyaalka The Premier League oo baahi weeyn eey u qabaan ama ka daba yaacayaan kooxaha eey u aragto ineey yihiin Bahlo dad cuneen ah waa The Gunners (Fc Arsenal) iyo Red Devils (Man Utd)
Kooxda Man City ayaa 1-0 waxa eey ku suul daartay Naadiga Bolton waxaana goolkaas u saxiixay Xiddiga Qaranka Argentina oo Soomaalidu eey ugu yeeraan (Qaameey) waa Carlos Alberto Tevez .
Natiijooyinkii Horyaalka ayaa waxaa lagu kala baxay sidan:
| 04.12. |
16:00 |
FC Arsenal |
2:1 |
FC Fulham |
| 04.12. |
16:00 |
Manchester City |
1:0 |
Bolton Wanderers |
| 04.12. |
16:00 |
Wigan Athletic |
2:2 |
Stoke City |
| 04.12. |
16:00 |
FC Chelsea |
1:1 |
FC Everton |
| 04.12. |
16:00 |
Blackburn Rovers |
3:0 |
Wolverhampton |
| 04.12. |
16:00 |
Birmingham City |
1:1 |
Tottenham Hotspur |
| 04.12. |
18:30 |
FC Blackpool |
abg. |
Manchester United |
| 05.12. |
14:30 |
West Bromwich |
1:0 |
Newcastle United |
| 05.12. |
17:00 |
AFC Sunderland |
-:- |
West Ham United |
| 06.12. |
21:00 |
FC Liverpool |
-:- |
Aston Villa | |
| 1 |
FC Arsenal |
16 |
10 |
2 |
4 |
34:18 |
16 |
32 |
| 2 |
Manchester United |
15 |
8 |
7 |
0 |
35:16 |
19 |
31 |
| 3 |
FC Chelsea |
16 |
9 |
3 |
4 |
30:11 |
19 |
30 |
| 4 |
Manchester City |
16 |
8 |
5 |
3 |
21:12 |
9 |
29 |
| 5 |
Tottenham Hotspur |
16 |
7 |
5 |
4 |
24:21 |
3 |
26 |
| 6 |
Bolton Wanderers |
16 |
5 |
8 |
3 |
28:23 |
5 |
23 |
| 7 |
West Bromwich |
16 |
6 |
4 |
6 |
21:26 |
-5 |
22 |
| 8 |
Stoke City |
16 |
6 |
3 |
7 |
21:21 |
0 |
21 |
| 9 |
Blackburn Rovers |
16 |
6 |
3 |
7 |
21:25 |
-4 |
21 |
| 10 |
AFC Sunderland |
15 |
4 |
8 |
3 |
19:18 |
1 |
20 |
| 11 |
Newcastle United |
16 |
5 |
4 |
7 |
23:23 |
0 |
19 |
| 12 |
FC Liverpool |
15 |
5 |
4 |
6 |
17:19 |
-2 |
19 |
| 13 |
FC Blackpool |
15 |
5 |
4 |
6 |
23:29 |
-6 |
19 |
| 14 |
Birmingham City |
16 |
3 |
9 |
4 |
17:19 |
-2 |
18 |
| 15 |
FC Everton |
16 |
3 |
8 |
5 |
18:20 |
-2 |
17 |
| 16 |
Aston Villa |
15 |
4 |
5 |
6 |
17:24 |
-7 |
17 |
| 17 |
FC Fulham |
16 |
2 |
9 |
5 |
16:20 |
-4 |
15 |
| 18 |
Wigan Athletic |
16 |
3 |
6 |
7 |
13:28 |
-15 |
15 |
| 19 |
West Ham United |
15 |
2 |
6 |
7 |
14:26 |
-12 |
12 |
| 20 |
Wolverhampton |
16 |
3 |
3 |
10 |
17:30 |
-13 |
12 | |
 |
 |
DHAWAAN FILO: Wararkii ugu dambeeyey ee horyaalada , Barnaamishka La Yaab , Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport iyo weliba Jawaabtii Hal Xiraalaha oo Isbuucaan eey iskugu soo hareen Shaqsiyaad Soomaaliyeed oo dhanka Sportiga horumar la taaban karo ka gaaray ka dib markii eey soo sheegeen ama saxeen Ciyaaryahan dhulka dhaawac la jiifay oo run ahaantii aanan wajigiisa loo jeedin halka raga soo saxay Su´aashaas eey yihiin Qabiiro aan Waji fiirin balse qaabka ciyaaryahanka iyo Muuqaalkiisa ku adkeeystay cida uu yahay, waxaana sidoo kale Guuldarooyin baxad weeyn uu Xiriiriye.com dhabrka u saaray Khabiiro kale oo ku Qarway ineey jid sax ah ku taagan yihiin balse Jiho Qaldan u dhaqaaqay. Dhanka kale Su´aasha Hal xiraalaha cusub ayaa noqon doonto mid aad u xiiso badan maadaama eey ku saabsan tahay wax aan horay loo maqal balse dhacay !!! Filo warar dheeraad ah dhawaan .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com