New Deg Deg : Milan oo Guul ka gaartay la soo wareegida Ibrahimovic, Klaas-Jan Huntelaar oo Schalke iska xaadirin doona . Iyo Juventus oo Gacanta ku soo dhigtay Laacib Fabio Quagliarella.
Warar kii ugu dambeeyey ee Sport ayaa xaqiijinaya in is Jiid jiid badan iyo isfaham la´aan ka dib eey is af garteen Kooxaha Barcelona iyo AC Milan.
Kooxda Barcelona oo shaki ka qabtay ineey iska iibiyaan Laacibkooda Zlatan Ibrahimovic ayaa hada iska iloowday inuu Ibrahimovic sii joogo magaalada Barcelona maxaa yeelay isaga iyo AC Milan ayaa noqday Far iyo Faraanti oo kala hari waayey .
War uu hada sii daayey Sky Sport ayaa lagu cadeeyey in Zlatan Ibrahimovic beeca laga soo bixiyey uu yahay 40-Milyan oo Euro, waxaana imaanshihiisa ee Kooxda Milan si weeyn u soo dhaweeyey Ciyaaryahan Ronaldinho oo isna sida Zlatan Ibrahimovic Reero Gambis ah.
Imaanshaha uu Ibra ku soo biiray Kooxda milan ayaa waxa eey soo dedejisay in Weeraryahanka Qaranka Holland & Kooxda Milan Klaas-Jan Huntelaar Boorsooyinkiisa ka xir xirto Naadiga Milana waxaana uu u socda oo dooneeyso Kooxda Fc Schalke oo ka dhisan Horyaalka Jarmalka.
Dhanka kale Kooxda Juventus ayaa noqotay Sanadkaan sidii eey ahaan jireen Kooxaha Real Madrid iyo Manchester City maadama eey Juve Isbuuc kasta Ciyaaryahan cusub soo xero gelineeyso.
Wararkii News-ka ahaa ee aan horay Bogaan ugu shaacinay ayaan ku sheegnay in Juventus Qarka u saaran tahay la soo wareegida Fabio Quagliarella oo Qaranka Italy iyo Kooxda Napoli u ciyaara.
Juventus ayaa durbo si weeyn ula soo wareegtay Ciyaayahan Fabio Quagliarella oo 27-sano jir ah waxaana Qiimaha laga soo baxshay lagu sheegay 10,5 Milyan oo Euro.
Macalinka Kooxda Juventus Lugi Del Neri ayaa sheegay in Xiddigaan cusub oo dhirirkiisa lagu sheegay 1.80 mitir ayaa waxa uu Del Neri aaminsan yahay in uu ka soo bixi doono Qaab Ciyaareed nuuc cusub ah oo uu la doonayo Kooxda Juventus kuna sheegay sidan 4-4-2-System-ka la yiraahdo.
Waxaa kaloo Sport News-ka ka mid ah Kooxda Liverpool oo 13-Milyan oo Euro u taagaan Xiddiga Qaranka Portugal iyo Kooxda Fc Porto Raul Meireles .
Naadiga Porto ayaa la sheegay ineey ogolaadeen in kastoo eey doonayaan in Liverpool Lacagta buuxiso oo ka dhigto 15-Milyan.
Filo goor dhaw Warar kale oo News ah iyo Barnaamishyada La Yaab iyo Ku biiri Aqoontaada Sport...!!