Difaaca Qatarta ah ee Qaranka France iyo Kooxda Fc Barcelona Eric-Sylvain Bilal Abidal ayaa wareeysi aad u xiiso badan waxa uu siiyeey Telefishinka Canal Plus qeeybtiisa Ciyaaraha Kubada Cagta. Eric-Sylvain Bilal Abidal oo ah Diifaac aad u dhirir badan oo inta badan kubada ka dul qaata Weeraryahanada Caalamka ayaa waxa uu ka dhawaajiyey marka uu ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiisto inuu ku biiri doono Maslaxa Siyaasada Dalka Faransiiska maadaama hada uu barto una huray waqti badan Cilmiga loo yaqaan Political Professional .
Eric-Sylvain Bilal Abidal ayaa waxa uu noqonayaa Ciyaaryahankii 2-aad oo caan ah kuna dhawaaqo inuu Mustaqbalka dhaw ku biiri doono dhanka Siyaasada marka uu ka fadhiisto ciyaaraha Caalamiga ah. Abidal Fikradaan iyo Qorshahaan waxaa uga horeeyey oo Saxaafada Sportiga ee Caalamka u sheegay inuu Mustaqbalka dhaw ku biiri doono Maslaxa Siyaasada weeraryahanka Qaranka Cameroon iyo kooxda Inter Milan Samuel Eto'o .
Dhanka kale mar wax laga weeydiiyey Eric-Sylvain Bilal Abidal rajada eey kooxda uu u ciyaaro ee Fc Barcelona ka leedahay Koobka Champions League 2010/2011 ee xili ciyaareedkaan , Horyaalka La Liga ee dalka Spain iyo Koobka dalka Spain (The
Copa del Rey) oo eey Fiinalaha la taagan yihiin kooxda Real Madrid waxa uu ku Jawaabay sidan:
" Sadexdaas Fursadood ee Qaaliga ah labo ka mid ah jeebka ayaan gashan doonaa haduu alle idmo waxaana idiin sheegayaa ineeysan jirin cid sanadkaan naga xigto Koobka Champions League maadaama kooxda Barcelona dhinac kaste ka dhisan tahay.
Ugu dambeentii ku biirista uu Eric Abidal ku biiray dhanka Siyaasada Dalka Faransiiska ayaa wexeey wado u noqon doontaa Ciyaartooy fara badan oo inta badan marka eey Ciyaaraha Caalamiga ah ka fadhiistaan isku badalo Tababarayaal ama Shaqaale xilal ka qabta Gudiyada Fifa & Uefaha.
Eric-Sylvain Bilal Abidal waa Ciyaartooyda fara ku tiriska ah ee Tukada Shanta waqti ee Salaada Alle waxaana inta badan lagu arkaa Garoomada dhexdooda inta eeysan Ciyaaraha bilaaban isaga oo si weeyn u duceeysanaya wuxuuna 2008-dii iyo 2009-kii ka mid noqday Ciyaartooy badan oo labo Jeer soo xajisay sida Frank Bilal Ribery, Hamit Altintop iyo Xiddiga Qaranka Maali & kooxda Fc Seville Frederic Omar Kanoute.
Eric-Sylvain Bilal Abidal Xaaskiisa oo Macalimad Iskuul ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Hayet Abidal waana Sawirka kore qofka uu la sawiran yahay. Eric Abidal kooxaha uu u soo ciyaaray waxaa ka mid ah
Lille, Lyon , & Monaco oo ka wada dhisan Horyaalka France iyo Kooxda Fc Barcelona oo uu hada Lafdhabar u yahay.
Filo Goor dhaw Wararkii Ugu dambeeyey ee World Sport News iyo Barnaamishka
La Yaab oo maanta aad uga bogan doontaan War Bixintii Tarjumista ku socotay ee Ciyaaryahan Gattuso oo gabo gabo mareeysa. (Filo Wax Yar ka Dib War Bixintaas) .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com