LA YAAB : Madaxa iyo Caloosha ayaa Gaari iyo Mooto laga marsiiyey,* Afka ayuu Gaari ku jiiday,* Mid kale Madaxa lagala dhacay Dhalooyin ka sameeysnaa Leeyrka Laambada & Dhagaxaan Miisaanka culaabtooda uu kor u dhaafay 20-Kg,*Sixirka waa wax jira laakiin lama Aamino (Halkaan ka Daawo Xaflad dhacday & Dadkii ka soo qeeyb galay oo Gacmaha Afka iyo Madaxa saartay ) !
(Soo Xiriiriyaha Mucjisooyinka Caalamka & Ciyaaraha Kubada Cagta www.xiriiriye.com ) Barnaamish iyo Xaflad Show ah oo ka dhacday dalka India ayaa Dadkii ka soo qeeyb galay Barnaamishkaas oo Telefishinada si toos ah looga Daawanayey wexeey mar qura Gacmaha saarteen Afka iyo Madaxa ka dib marii kooxdii Wacdaraha dhigeeysay ee India Talent Warriors of Goja ay soo bandhigeen Muuqaalo Dunida oo idil ka yaabsaday.
Qaar ka mid ah ragii Showgaan soo bandhigay waxaa Madaxa lagala dhacay Dhalooyin ka sameeysnaa Leeyrka Laambada & Dhagaxaan Miisaanka culaabtooda uu kor u dhaafay 20-Kg .
Sidoo kale Nin ka tirsan kooxdaan Mucjisada ah ayaa waxaa Caloosha iyo Madaxa laga dul marsiiiyey Gaari iyo Mooto halka qaar kale Jirkooda si Live ah loola dhacay ama lagu Qalay Qarshooyin halis ah.
Dalka India waxaa Sanad walba Dabayaaqadiisa lagu qabtaa Barnaamishyo fara badan oo ay ku tartamaan kooxaha Indha sarcaadka dalkaas balse Sanadkaan waxaa loo caleemo saaray ineey ku guuleeysteen Tartankii Mucjisooyinka dalka India kooxda India Talent Warriors of Goja oo isku Darsatay Lacag fara badan iyo Abaalmarino kala duwan.
Dadka soo bandhiga Sixirka iyo waxyaabaha aan Macquulka eheen ayaa waxaa la sheegay ineey sax sanaan karaan balse Sixirka waa mabnuuc in la aamino.