WARARKA MUCJISOOYINKA CAALAMKA UGU WAA WEEYN & MAANTA : Maleeshiyaadka Mucaaradka Liibiya oo markii ugu horeeysay gacanta ku dhigay kala bar Magaalada Sirte iyo Dagaalka oo weli si Xoogan u socda (Halkaan ka Daawo Top News oo Warar Somalia ku saabsan eey ku jiraan !!)
*** Maleeshiyaadka Mucaaradka Liibiya ee ka Dagaalamaya magaalada Sirte ayaa markii ugu horeeysay wexeey la wareegeen kala bar Magaalada Sirte ka dib markii eey Jiho cusub oo dhanka Koonfureed ah ka soo Jabiyeen Xoogaga Qaddafi oo ku balamay Nolo ama Geeri.
Ciidamada u Dagaalamaya weli Ex Macangag Mr.Qadaafi ayaa weli wexeey yihiin kuwo adkeeysanaya maadaama Isbuucii 3-aad laga xiray in dhankooda loo gudbiyo wax Cunto iyo Biyo ah.
Mar alaale iyo markii la xaqiijiyey in Magaalada Sirte eey kala Bar u gacan gashay Maleeshiyaadka Mucaaradka ayaa waxaa goobahaas si toos ah u gaaray Hay´adaha Caalamiga ah ee loo xil saaray ineey quudiyaan Shacabka halkaas ku go´doonsan mudo 3-isbuuc ka badan.
Dhanka kale waxaa Tababar balaaran loo furay Maleeshiyaadka Mucaaradka oo markii hore aan wax qaab Ciidan ah horay u lahaan jirin wexeeyna soo bandhigeen sida eey u doonayaan ineey Ciidamo Qaran ku noqdaan .
Halkaan ka Daawo Dagaalka Sirte >>> http://www.youtube.com/watch?v=1ZjjZqOZbzU .
*** Gargaarkii Caalamka ee ku socday Barakacayaasha Abaaraha oo yaraan doona iyo Hanjabaad cusub oo uu soo diray Afhayeenka Al Shabaab oo laga Daawaday Telefishinada Caalamka (Halkaan ka Daawo) Waxaa durbadiiba Cabsi iyo wel wel eey soo food saartay Hay´adihii iyo Dalalkii isku hoowlay ineey u gargaaraan Shacabka Soomaaliyeed kuwooda ka soo qaxay Abaaraha ee ku sugan meelo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Hay´adaha iyo Dalalkii Quudin jiray Qaxootiga ka soo barakacay Abaaraha ayaa wexeey Indhahooda ku arkeen heerka uu gaarsiisan yahay Ficilkooda Shaqsiyaadkii Qarxiyey goobihii eey ku la´deen Arday badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo doonayey ineey ogaadaan Natiijadii Imtixaan eey mareen oo lagu waday in dalka Turkiga deeq waxbarasho loogu qaado.
Inta badan Telefishinada Caalamka ayaa waxaa laga daawaday Maqaal cusub oo Hanjabaad hor leh ah oo uu soo diray Afhayeenka kooxda Al Shabaab Ninka lagu magacaabo Cali Dheere wuxuuna maqaalkaan Cusub yahay mid Shacabka Soomaaliyeed eey intooda badan la yaabeen maadaama weli Dhegahooda uu ka sii guuxaayo Dhibaatadii uu geeystay Qaraxii dhacay Maalintii Talaadada eheed.
Halkaan ka Daawo Hanjabaada cusub & Qasaarihii uu Qaraxa geeystay http://www.youtube.com/watch?v=W4Pwj1DLYKM