Aqoon la´aanta dhanka Hubka ah ee heeysata Maleeshiyaadka Qadaafi ku kacsan oo mararka qaar sababta ineey dhexdooda Hub Culus isku Qarxiyaan (Halkaan ka Daawo Qaab darada eey Gawaarida is kaga Gubeen) Maleeshiyaadka Mucaaradka ah ee Afgambiyey Macangagii dalka Liibiya Mr.Muamar Al-Qaddafi oo soo xukumayey dalkaas mudo 42-sanadood ah ayaa waxaa lagu sheegay dhanka Aqoonta hubka iyo Ciidamada ineey aad uga liitaan.
Arinta ugu yaabka badan wexeey noqotay Hubkii ugu Cuslaa ama ugu awooda badnaa ee Qaranka Milatariga dalka Liibiya ayaa waxaa uu gacanta u galay Shacab badan oo Liibiyaan ah kuwaas oo aan aqoon buuxdo u laheeyn meel laga maro.
Shacabkaan oo Dhalinyaro u badan wexeey Hubkaas Qatarta ah Sheeno iyo faan ka dhigteen ama wada saarteen Gawaaridii eey ka soo Bililiqeeysteen Xarumaha Dawladii Qaddafi.
Hubka qaarkiis markii eey ridaan waxaaba si deg deg ah ula Rogmada Gawaaridii eey ku soo dul rakibeen maadaama Awooda Hubka uu ka xoog badan yahay Gawaarida Cabdibilayaasha ah ama Qooqanta eey saareen Hubkaas (Toyota)
Maleeshiyaadka Mucaaradka oo Maalin kasta dhibaatooyin Nuucaan ah ku Halaagsama ayaa waxaa la sheegay in inta badan Saxaafada laga qariyo maadaama Wariyaasha Dagaalkaas soo tabinaya eey joogaan Dhanka Maleeshiyaadka Mucaaradka iskuna mashquuliyeen sidii eey wararka uga soo tabin lahaayeen Xoogaga Qaddafi oo gabalkoodii uu dhacay.
Halkaan ka Daawo Qaab darada eey Tiknikada iskaga gubeen http://www.youtube.com/watch?v=-RGhBzGC6Js