MAANTA & MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Madaxweeyne Ali Abdalla Salah oo dib ugu soo laabtay dalka Yeman & Mucaaradka dalkaas oo ku hanjabay ineey mar labaad Qarxin doonaan (Daawo Muuqaalkiisa oo is badalay iyo Wararkii Caalamka ugu waa weeynaa ooTop Video Xambaarsan !!)
***Mudo 4-aad Bilood ah ayeey qaadatay inuu Madaxweeynaha dalka Yeman Mr.Ali Abdalla Salah ku sii jiro Isbitaalka Ciidamada Milatariga ee dalka Sucuudiga. Madaxweeyne Ali Abdalla Salah ayaa hada waxa uu ku sugan yahay xaruntiisa magaalada Sanca.
Telefihinka Qaranka dalka Yeman oo arintan shaaciyey ayaa isla markiiba wexeey keentay ineey Mucaaradka dalka Yeman bilaabaan Mudaharaadyadii iyo Dagaaladii eey kala soo hor jeedeen joogitaanka Madaxweeyne Ali Abdalla Salah .
Ciidamada Dawlada waxaa la soo dhoobay goobo eeysan awal horay u joogin waxaana sidoo kale Hub uruursi iyo Wadooyin xir bilaabay Mucaaradka dalka Yeman oo kaashanaya Shacab fara badan oo doonaya 30-sano ka dib mar uun ineey arkaan Madaxweeyne kale oo dalka Yeman eey yeelato.
Sidoo kale Mucaaradka Yeman wexeey Darbiyada ku buufiyeen ineey Qarxin doonaan ama kor ka Duqeeyn doonaan Madaxweeyne Ali Abdalla Salah oo diiday inuu si nabad ah kaga dago Xukunka dalka Yeman.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka Saleh oo dib u soo laabtay http://www.youtube.com/watch?v=Z8_yaJwP08I
***
Yaa nool yaa Dhintay, Magaalooyinka Sirte & Bani Walid oo weli Duqeeyn xoogan lagu haayo iyo Ciidamada Mucaaradka oo Liif looga soo saaray (Halkaan ka Daawo) Ciidamada Gaashaanbuurta NATO oo mudo Isbuuc ku dhawaad ah Duqeeyn xoogan ku hayey Magaalooyinka Sirte & Bani Walid oo oo eey weli ka Dagaalamayaan Xoogaga Taageersan Madaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Mr Muamar Al Qaddafi ayaa taasi wexeey noqotay hal bacaad ku lis.
Waxaa goobaas laga gooyey Biyihii iyo Korantadii waxaana sidoo kale laga xiray ama laga hor istaagay in la geeyo Raashinka iyo Qudaarta.
Maanta Duhurnimadii ayeey eheed markii eey isku Dayeen ineey gudaha u galaan Ciidamada Maleeshiyaadka Mucaaradka ee halkaas ka Dagaalamaya ka dib markii eey ku fakareen in Duqeeymihii Cirka lagu laayey Xoogaga Qaddafi.
Maleeshiyaadkii Mucaaradka ayaa Goobihii eey Maanta galeen waxaa looga soo saaray Liif wexeeyna dib ugu ekaadeen Duqeeyntii eey ku hayeen Sirte iyo Bani Waalid oo laga yaaban yahay Tirada Ciidamada uu halkaas geeyey Wiilka Qaddafi Mr.Saif Al Islaam.
Awood kasta oo eey lahaadaanba Xoogaga Qaddafi u Dagaalamaya waxaa lagu wadaa in mar uun eey ku yaaci doonaan goobahaas Maleeshiyaadka Mucaaradka maadaama Dagaalyahanada Qaddafi laga jaray Biyihii, Cuntadii iyo Korantadii.
Halkaan ka Daawo Mucaaradka oo dib loo soo riixay http://www.youtube.com/watch?v=_y-s2pUobnU
*** Taageerayaasha Burhaanudiin Rabbani oo Wacad ku maray ineey Daalibaanka ugu tagi doonaan Buuraha dhexdooda ka dibna isku soo Qarxin doonaan meel kasta oo eey joogaan (Halkaan ka Daawo )
Waxaa adkaatay si loo xabaalo Madaxweeynihii hore ee dalka Afghanitaan Mr.Burhanudiin Rabani oo eey Gurigiisa si qorsheeysan ugu Qarxiyeen maleeshiyaadka Daalibaanka ee ka dagaalama dalka Afghanistaan.
Waxaa Caasimada Kabul ee dalka Afghanistaan iskugu soo baxay Taageerayaasha Ex-Madaxweeynihii hore ee dalka Afganistaan Mr.Burhanudiin Rabani oo kor u xambaarsanaa Meeydka Hogaamiyahaas oo eey sheegeen inuu Shahiid yahay maadaama gacan ka gar daran eey dishay.
Taageerayaashaan Ex Madaxweeyne Rabbani wexeey ku Hanjabeen ineey Daalibaanka ka Dagaalama dalkaas ee ku Dhuumaaleeysanaya Buraha dhexdooda ugu tagi doonaan goobahaas ka dibna isku Qarxin doonaan meel kasta oo eey joogaan.
Madaxweeynihii hore ee dalka Afghanitaan Mr.Burhanudiin Rabani wuxuu ahaa 71-jir wuxuuna ku biiray mudooyinkii ugu dambeeyey Odayaasha Nabada ee diiday in Ruux Islaam ah ama qof aan wax galabsan Dhiigiisa la daadiyo waxaana inta badan Talada ka qaadan jiray Baarlamaanka dalka Afghanistaan oo uu ku soo rogay ineey Shareecada Islaamka ku dhaqmaan.
Halkaan ka Daawo Taageerayaasha Rabbani oo kacsan ineey duugaana diiday Meeydka Rabbani http://www.youtube.com/watch?v=q_6IpW8Ueq4&feature=relmfu