Yakubu oo United ka Yaabsaday ka dibna Sharafta ka qaaday Xafladii Dabaaldega Dhalashada Macalin Sir Alex Ferguson,* Fc Chelsea oo Gurigeeda lagu jiiday & Didier Drogba oo Goolkiisii 150-aad u saxiixay,* Laacib Robin Van Persie oo Quus ku riday kooxda Queens Park
Rangers (Faaqidaada Premier League).
Horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo la Ciyaaray kulankiisii 19-aad ayaa waxaa Garoonkeeda Old Trafford lagu dubtay kooxda Shayaadiinta Cas Cas The Red Devils ManU. 75.000 kun oo Taageerayaasha Man Utd ah oo isku soo diyaariyey ineey Guul kula dabaal degaan Macalin Sir Alex Ferguson oo dhalashadiisii 70-aad lahaa ayaa Riyadaas ugu dambeeyntii wexeey sababtay in la kala dhuunto dhamaadkii Ciyaarta.
Ciyaartii Man Utd Vs Blackburn Rovers oo ku dhamaatay 2-3 ayaa Manchester United waxaa ku guuray oo labo cad ka dhigay Weeraryahanka Qaranka Nigeria Yakubu Aiyegbeni oo 2 Gool ka dhaliyey United Daqiiqadii 16-aad Rigoore iyo Gool kale Daqiiqadii 51-aad. Goolka sadeexaad oo ahaa kan Guusha waxaa kooxda Blackburn Rovers u saxiixay Grant Hanley Daqiiqadii 80-aad ee dhamaadkii Ciyaarta.
Mudo 10 Daqiiqo gudaheed ah ayuu Weeraryahan Dimitar Berbatov kooxda Man Utd labo Gool u kala saxiixay Daqiiqadihii 52-aad iyo 62-aad balese Goolashaas wax ma tarin maadaama Gurigooda ay ku garaacday kooxda Horyaalka Ingiriiska ugu hooseeysa ama dhanka hoose ka hogaamineeysa Premier League waa Blackburn Rovers.
Macalin Sir Alex Ferguson oo macquul la noqon weeysay in Man Utd Gurigeeda dhegaha kaga tunto Blackburn Rovers wuxuu sheegay Laacibiinta kooxdiisa ineey intooda badan Ciyaarta u soo jeedin balse Madaxa ay kaga qufulneed Xaflada Dabaalka Sanadka oo loo diiday ineey Fasax helaan.
Sir Alex Ferguson oo hada 70 jirsaday wuxuu kooxda Man Utd la joogay mudo 25 sanadood ah wuxuuna la qaaday 12-jeer oo Horyaalka dalka Ingiriiska ah iyo labo jeer oo koobka Champions-League ah waa sanadihii 1999-kii iyo 2008 -da.
Sidoo kale The Blues kooxda Fc Chelsea ayaa waxaa gurigeeda 1-3 ku suul daartay kooxda Aston Villa. Goolasha Aston Villa waxaa u kala saxiixay Stephen Ireland Daqiiqadii 28-aad, Stilijan Petrov Daqiiqadii 83-aad iyo Darren Bent Daqiiqadii 86-aad. Goolka Fc Chelsea oo Rigoore ahaa waxaa u saxiixay Daqiiqadii 23-aad Ciyaaryahan Didier Drogba.
Weeraryahan Didier Drogba wuxuu Goolkaas u noqday inta Taariikhda la ogyahay kiisii 150-aad intii uu sitay Maaliyada kooxda Fc Chelsea. Didier Drogba waxaa dhanka Taariikhda Gooldhalinta naadiga Fc Chelsea ka Goolal badan kaliyah 3 Ciyaaryahan oo kala ah Bobby Tambling (202-Gool), Kerry Dixon (193-Gool) iyo Laacib Frank Lampard (178-Gool) .
Weeryahanka Qaranka Holland iyo kooxda The Gunners Fc Arsenal Robin Van Persie wuxuu Quus iyo Madax faluuq ku riday kooxda Queens Park Rangers oo dooneeysay ineey ugu yaraan kooxda Fc Arsenal Bareejo ku qabato. Van Persie ayaa kooxda Queens Park Rangers wuxuu Goolka ka dhaliyey Daqiiqadii 60-aad.
KOOXAHA HORYAALKA ENGLAND WEXEEY ISKU MACSALAAMEEYEEN NATIIJADAAN :
| Manchester United |
Blackburn |
2:3 |
| Swansea |
Tottenham |
1:1 |
| Chelsea |
Aston Villa |
1:3 |
| Arsenal |
Queens Park Rangers |
1:0 |
| Bolton |
Wolverhampton |
1:1 |
| Norwich |
Fulham |
1:1 |
| Stoke |
Wigan |
2:2 |
MAANTA WAXAA WADA CIYAARI DOONA KOOXAHA KALA AH :
West Bromwich Vs Fc Everton iyo Sunderland Vs Manchester oo lagu wado ineey ka faaideeysato Guuladarada dhabarka loo saaray Dariskeeda Man Utd.
HORYAALKA ENGLAND WAXAA LOO KALA HOREEYAA QAABKAAN :
| 1. |
Manchester City |
18 |
14 |
3 |
1 |
53:15 |
45 |
| 2. |
Manchester United |
19 |
14 |
3 |
2 |
49:17 |
45 |
| 3. |
Tottenham Hotspur |
18 |
12 |
3 |
3 |
35:20 |
39 |
| 4. |
Arsenal |
19 |
11 |
3 |
5 |
35:26 |
36 |
| 5. |
Chelsea |
19 |
10 |
4 |
5 |
37:24 |
34 |
| 6. |
Liverpool |
19 |
9 |
7 |
3 |
24:15 |
34 |
| 7. |
Newcastle United |
19 |
8 |
6 |
5 |
26:25 |
30 |
| 8. |
Stoke City |
19 |
7 |
5 |
7 |
20:30 |
26 |
| 9. |
Aston Villa |
19 |
5 |
8 |
6 |
22:24 |
23 |
| 10. |
Norwich City |
19 |
5 |
7 |
7 |
28:34 |
22 |
| 11. |
West Bromwich Albion |
18 |
6 |
4 |
8 |
19:26 |
22 |
| 12. |
Everton |
17 |
6 |
3 |
8 |
18:20 |
21 |
| 13. |
Fulham |
19 |
4 |
8 |
7 |
20:25 |
20 |
| 14. |
Swansea City |
19 |
4 |
8 |
7 |
18:23 |
20 |
| 15. |
Sunderland |
18 |
4 |
6 |
8 |
22:22 |
18 |
| 16. |
Wolverhampton Wanderers |
19 |
4 |
5 |
10 |
21:34 |
17 |
| 17. |
Queens Park Rangers |
19 |
4 |
5 |
10 |
18:33 |
17 |
| 18. |
Wigan Athletic |
19 |
3 |
6 |
10 |
17:37 |
15 |
| 19. |
Blackburn Rovers |
19 |
3 |
5 |
11 |
28:41 |
14 |
| 20. |
Bolton Wanderers |
19 |
4 |
1 |
14 |
23:42 |
13 |
FILO MAANTA WARAR TOP AH OO AAD U XIISO BADAN :