MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Dagaalkii Dawlada VS Shabaab u dhexeeyey oo la isku adeegsaday Kaartooyin cusub iyo Ciyaarta oo mareeysa 2-1 (Sir Culus)
Muqdisho iyo Gobolada ku xeeran waxaa soo caga dhigatay Lacag fara badan oo la sheegay ineey durbadiiba wiiqday awoodii xarakada Shabaab. Maalmihii ugu dambeeyey Dawlada wexeey la soo baxday Shax cusub oo Xarakada Shabaab ku qasbay inuu dhexdooda ka bilaabmo Shaki balaaran oo nuuciisa aan horay looga baran.
Rag ka tirsan Xarakada Shabaabka oo mabdaŽahaan aan ku raacin dagaalka balse ku taageeray awalba dhaqaalo eey ka qaadan jireen ayaa waxaa la sheegay ineey markaan si xaawli ah ula shaqeeyaan Sirdoonka Dawlada iyo Dawladaha ugaarsiga ku haayo masuuliyiinta ugu sareeysa Xarakada Shabaabka.
Waxaa dhamaaday oo waqtigiisa uu soo xirmay Shirarkii iyo Qudbooyinkii eey Masuuliyiinta ugu sareeysa Shabaabka ka jeedin jireen goobaha Banaanbaxyada. Duqeeymihii ugu dambeeyey waxaa la bartimaameedsaday goobo eey ku shirsanaayeen Masuuliyiinta Xarakada Shabaabka.
SuŽaasha taagan wexeey tahay ka soo biloow Duqeeymihii Jubooyinka ilaa Shabeelaha yaa soo hor kacay Diyaaradaha Dagaalka ama soo sheegay goobaha eey ku shirsanaayeen Masuuliyiinta Shabaabka? SuŽaashaas waxaanu u deeynay Akhristaha.
Dhanka wax basaasida ama Sirdoonka waagii hore Dawalada ayaa goor walba lagu Qarxin jiray Masuuliyiinteeda balse sheekada hada wexeey isku badashay (Lagaa baray oo lagaa badi) Yacni Dawlada oo ka faaideeysatay Wiilal baahan oo ka tirsan Xarakada Shabaabka kuwaas oo la sheegay markii eey maqleen 5 kun oo Dolar bishiiba inuu madaxa weeynaaday waa hadii eey soo dhiibaan xaqiiqo goobo eey ku shirsan yihiin Masuuliyiinta Shabaabka & Raga la shaqeeya .
Dhibka heeysta Xarakada Shabaabka waxa uu yahay waxaa aad iyo aad u adag sidii eey ku ogaan lahaayeen raga iyaga ka tirsan ee mudooyinkaan dambe la Shaqeeya Sirdoonka Dawlada iyo Dawladaha doonaya ineey hilfaha u qaadaan awooda Xarakada Shabaab.
Kaartadii ugu dambeeysay ee dhanka Dawlada lagu xasuuqay wexeey eheed Ismiidaamintii ka dhacday Xero Jarmal taas oo Dawlada loo degay Jar cusub ka dib markii Wiilal yar yar oo qaarkood ka soo haajiray dalka Mareeykanka eey soo gashteen Dareeskii Ciidamada Dawalada wexeeyna goobtaas ku laayeen Ciidamo ka tirsan Amisom iyo kuwa Dawladaba.