Macalinka kooxda Man Utd Sir Alex Ferguson oo Iskoor cusub ka jabiyey Matt Busbay iyo isaga oo hayey Xafiiska kooxda Man Utd 8815 Maalmood. (Maxaad kala socotaa Ciyaaryahanka uu Anshaxumada ku eedeeyey Ebid intii uu Kooxda ManU la joogay? Daawo Xiliyadii hore iyo man Utd)
Rugcadaaga ku ak duqoobay kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Manchester United Boss Sir Alex Ferguson ayaa waxa uu Iskoor lama ilaawaan ah uu ka jabiyey ama soo qabtay Matt Busbay . Sir Alex Ferguson oo u yimid kooxda Man Utd sanadkii 1986-kii ayaa waxa uu gacanta ku hayaa maamulka iyo kala dambeenta kooxda ManU 8815-Maalmood.
Boss Sir Alex Ferguson oo la hadlaayey Skysport kana Faalooday Taariikhdiisa kooxda Man Utd Guul & Guuldaro ayaa waxaa ugu xiiso badneed mar uu ku sheegay Xiddigii hore ee kooxda ManU Carlos Alberto Tevez oo hada u ciyaaro kooxda Manchester City Ciyaaryahan Ciyaal Suuq ah oo aad u dhaqan xun.
Sir Alex Ferguson ayaa yiri sidan : Carlos Alberto Tevez Xiddig la mid ah ima soo marin intaan kooxda Man Utd Macalinka u ahaa, Waa ciyaaryahan aad u dabeecad iyo dhaqan xun, wuxuu Qeeyliyaa saqdii dhexe ee habeenkii xiliga eey dhamaan Team-ka wada jifaan isaga oo Telfoon kula hadli jiray Qarabadiisa dalka Argentina marka loogu tago qolkiisa oo loo sheego inuu Tartiib u hadlo waxa uu Aamini jiray in wax u sheegidaas eey caay tahay wuxuuna Shaqsiyaadka ugu tago qolkiisa ugu soo Jawaabi jiray (Crazy bitch fuck you iwm ) Ninkaas tevez la yiraahdo intaan ManU joogay cid ka jisaarsan sooma marin Club-ka mana rabo inaan xumaantiisa tirada badan sii fak fago.
Carlos Alberto Tevez oo hadalka Macalin Qabiir Sir Alex Ferguson ka jawaabay ayaa yiri : Waqti uma hayo inaan Waayeelada la tirsado waxaana iska cad in uu Tevez ka xanaaqay hadalkii ka soo yeeray Tababare Ferguson oo ahaa inuu Tevez yahay Xiddig aad u dhaqan xun weliba mudadii dheereed ee uu ManU Tababaraha u ahaa uu noqday xiddigii ugu dhaqanka xumaa.