Horyaalka Talyaaniga oo guud ahaan laga xusay Xiddig caan ah oo Shil ku Geeriyooday (Gudaha ka Daawo qaabkii uu u Geeriyooday oo Live ah),*Kevin-Prince Boateng oo Wacdaro cusub dhigay iyo kooxda Udinese oo gacanta ku dhigtay Hogaanka Horyaalka Talyaaniga (Halkaan ka Daawo Faaqidaada Serie A) !!
*** Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga oo la ciyaaray kulankiisii 7-aad waxaa guud ahaan Maslaxa Ciyaaraha ee dalka Talyaaniga hareereeysay murugo baaxad weeyn ka dib markii uu Shil Mooto ku geeriyooday Xiddiga 2-aad ee ugu qatarsan Qaranka Talyaaniga dhanka Mooto kaxeeyta waa Marco Simoncelli.
Marco Simoncelli oo 24 jir ahaa wuxuu ku geeriyooday dalka Maleysia ka dib markii Mootadii uu watay eey isku dheceen Mooto kale oo uu watay Xiddig u dhashay dalka Mareeykanka oo isna lagu magacaabo Colin Edwards. Shilkaan ayaa guud ahaan waxaa laga Daawanayey Telefishinada Caalamka waxaana Saacad ka dib la shaaciyey inuu Shilkii soo gaaray u geeriyooday Xiddiga Qaranka Talyaaniga ee dhanka Mooto wadista Marco Simoncelli.
Ciyaaryahankaan dhanka Mooto wadista u qaabilsanaa Qaranka Italy waxaa dalka Talyaaniga ka Laacibsan Xiddig kale oo lagu magacaabo Valentino Rossi waana Laacibka 2-aad ee dalka Talyaaniga ugu laacibsan marka laga soo tago Ciyaaryahan Valentino Rossi. Ciyaaryahan Marco Simoncelli xiligii uu dhimanayey ama Shilka galay wexeey isaga iyo Valentino Rossi u wada safnaayeen Qaranka Talyaaniga dhanka Mooto wadista. Halkaan ka Daawo Shilka iyo Dhimashada Ciyaaryahan Marco Simoncelli oo si Live ah u dhacday iyo Xiddigaan oo la sheegay inuu Surka ka jabay >>> http://www.youtube.com/watch?v=EBQXzRLrfP8 .
*** Horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo la ciyaaray kulankiisii 7-aad waxaa Xiddigii Xiddigaha Isbuucaan loo magacaabay Laacibka Qaranka Ghana iyo kooxda Ac Milan Joker Kevin-Prince Boateng oo kooxdiisa Milan ka badbaadiyey Guuldaro kaga imaan leheed kooxda Lecce.
Ciyaarta qeeybteedii hore ee Kaambiyada waxaa lagu kala maray 3-0 oo Ac Milan lagu lahaa balse qeeybtii 2-aad markii la isku soo laabtay ayuu Joker Kevin-Prince Boateng bilaabay Darbooyinkii kululaa ee lagu yaqaanay Laacibkaas wuxuuna Goolasha kooxdiisa Ac Milan u kala saxiixay daqiiqadihii 49-aad, 55-aad iyo 63-aad. Goolka Guusha waxaa raacsaday oo Ac Milan Sadexda dhibcood farta ka saaray Xiddiga Qaranka Colombia Mario Yepes Halkaan ka Daawo Ciyaarta, Lecce oo 3-gool ku hormartay iyo ciyaarta oo noqotay Sadex jar Afar 3-4 >>> http://www.youtube.com/watch?v=ht2ssyJY7Po
Hogaanka horyaalka Serie A waxaa la wareegtay kooxda Udinese oo kacsan ka dib markii eey 3-0 ku soo dar dareen kooxda Novara. Goolasha Udinese labo ka mid ah waxaa u saxiixay Weeraryahan Antonio di Natale Daqiiqadihii 33-aad iyo 49-aad, goolka kale waxaa raacsaday ciyaaryahan Maurizio Domizzi Daqiiqadii 39-aad.
Kooxaha Inter Milan iyo As Roma wexeey ku badiyeen si naf lacaari ah oo min 1-0 ah. Inter waxaa u soo kacay oo dhaawicii ka soo bogsaday Laacibka qaranka Holland Wesley Sneijder.
Inter Milan oo 1-0 ku garaacday kooxda Chievo Verona waxaa goolka Agoonka ah u saxiixay ciyaaryahan Thiago Motta daqiiqadii 34-aad. Difaaca Inter Milan ayaa kulankaan amaan loo soo jeediyey maadaama markaan aan wax gool ah laga dhalin halka tan iyo markii uu biloowday Horyaalka Serie A uu Difaaca Inter isku badalay meel Kooxo boolooyinka ah eey goolasha ka xareeystaan Halkaan ka Daawo Ciyaartii Inter Vs Chievo Verona >>> http://www.youtube.com/watch?v=kn5kL939bBQ .
Kooxda Juventus oo Gurigeeda ku marti galisay kooxda Genoa waxaa dhamaadkii Ciyaarta lagu qabtay Bareejo 2-2 ah ka dib markii eey Guusha isa siiyeen badalna garoonka kaga saareen Laacibiin muhiim ah. Labada Gool Juventus waxaa u wada saxiixay Weeraryahanka Qaranka Italy Alessandro Matri Daqiiqadihii 6-aad iyo 58-aad. Goolasha Bareejada ahaa waxaa kooxda Genoa u kala dhaliyey Marco Rossi Daqiiqadii 31-aad iyo Andrea Caracciolo Daqiiqadii 85-aad. Halkaan ka daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=ntlMaw05NrM .
HORYAALKA TALYAANIGA EE SERIE A KOOXAHA WEXEEY ISBUUCAAN ISKU MACSALAAMEEYEEN NATIIJADAAN HOOSE :
| 22.10. |
18:00 |
AC Fiorentina |
2:2 |
Catania Calcio |
| 22.10. |
20:45 |
Juventus |
2:2 |
CFC Genoa |
| 23.10. |
12:30 |
US Lecce |
3:4 |
AC Milan |
| 23.10. |
15:00 |
AC Siena |
2:0 |
AC Cesena |
| 23.10. |
15:00 |
AS Roma |
1:0 |
US Palermo |
| 23.10. |
15:00 |
FC Parma |
1:2 |
Atalanta Bergamo |
| 23.10. |
15:00 |
Udinese Calcio |
3:0 |
Novara Calcio |
| 23.10. |
15:00 |
Inter Milan |
1:0 |
AC Chievo |
| 23.10. |
15:00 |
Cagliari Calcio |
0:0 |
SSC Napoli |
| 23.10. |
20:45 |
FC Bologna |
0:2 |
Lazio |
HORYAALAKA TALYAANIGA EE SERIE A WAXAA LOO KALA HOREEYAA QAABKAAN HOOSE :
| 1 |
Udinese Calcio |
7 |
4 |
3 |
0 |
10:1 |
9 |
15 |
| 2 |
Lazio |
7 |
4 |
2 |
1 |
11:7 |
4 |
14 |
| 3 |
Juventus |
7 |
3 |
4 |
0 |
11:5 |
6 |
13 |
| 4 |
Cagliari Calcio |
7 |
3 |
3 |
1 |
8:5 |
3 |
12 |
| 5 |
SSC Napoli |
7 |
3 |
2 |
2 |
10:5 |
5 |
11 |
| 6 |
AS Roma |
7 |
3 |
2 |
2 |
8:6 |
2 |
11 |
| 7 |
AC Milan |
7 |
3 |
2 |
2 |
12:11 |
1 |
11 |
| 8 |
Catania Calcio |
7 |
2 |
4 |
1 |
9:10 |
-1 |
10 |
| 9 |
US Palermo |
7 |
3 |
1 |
3 |
9:10 |
-1 |
10 |
| 10 |
AC Fiorentina |
7 |
2 |
3 |
2 |
8:6 |
2 |
9 |
| 11 |
AC Siena |
7 |
2 |
3 |
2 |
6:4 |
2 |
9 |
| 12 |
CFC Genoa |
7 |
2 |
3 |
2 |
11:10 |
1 |
9 |
| 13 |
AC Chievo |
7 |
2 |
3 |
2 |
6:6 |
0 |
9 |
| 14 |
FC Parma |
7 |
3 |
0 |
4 |
9:13 |
-4 |
9 |
| 15 |
Atalanta Bergamo |
7 |
4 |
2 |
1 |
10:8 |
2 |
8 |
| 16 |
Inter Milan |
7 |
2 |
1 |
4 |
9:13 |
-4 |
7 |
| 17 |
Novara Calcio |
7 |
1 |
2 |
4 |
10:15 |
-5 |
5 |
| 18 |
US Lecce |
7 |
1 |
1 |
5 |
6:13 |
-7 |
4 |
| 19 |
FC Bologna |
7 |
1 |
1 |
5 |
4:12 |
-8 |
4 |
| 20 |
AC Cesena |
7 |
0 |
2 |
5 |
2:9 |
-7 |
2 |
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha ee Dhalinyarada Soomaaliyeed) !!