Prime Minister of Italy Silvio Berlusconi oo Hogaanka u hayo Mushaarka eey qaataan Madaxda ugu caansan Dunida, maxaad kala socotaa Bil kasta Lacagta eey Qaataan Madaxda kale ee Caalamka? (War Bixin Tarjuman)
Raisul wasaaraha dalka Talyaaniga ahna Shaqsigii sida weeyn u soo gacan qabtay Naadiga Ac Milan Mr. Silvio Berlusconi ayaa waxa uu noqday Shaqsigii ugu Mushaar soo xareenta badnaa Sanadkii tagay marka la fiiriyo Madaxda Caalamka.
Sida eey Daraasada War baahinta Caalamka qortay Prime Minister of Italy Silvio Berlusconi oo 73-jir ah ayaa waxaa dhamaadkii sanadkii tagay ee 2010 ilaa bilowga 2011 u soo xarootay Mushaar isku dar lagu sheegay 3,4-Milyan oo Euro.
Madaxda kale ee Caalamka kuwooda ugu caansan Qaarkood oo la soo bandhigay inta eey Bil kasta ka qaataan Xukuumadaha eey matalaaan ayaa waxaa lagu sheegay sidan :
1-Madaxweeynaha Dalka Mareeykanka Mr. Barack Obama Bil kasta waxa uu qaataa 20.400 oo Euro. 2-Madaxweeynaha Dalka Faransiiska Mr. Nicolas Sarkozy waxa uu Bil kasta qaataa 20.000 oo Euro. 3-Haweeneeyda Raisul wasaaraha ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel waxaa Bil kasta u soo xarooto 20.000 oo Euro. 4-Catharine Ashton oo ah kuxigeenka EU-the European Commission, wexeey qaadataa Bil kasta 22.000 oo Euro. 5-Madaxweeynaha Dalka Ruushka Mr. Dimitry Medvedev oo ugu Lacag yar Bil kasta waxa uu qaataa 4000 oo Euro. 6-Madaxweeynaha Dalka Austria Dr.Heinz Fischer waxa uu qaataa Bil kasta 22.850 oo Euro. 7-Portuguese Prime Minister Jose Socrates Bil kasta waxa uu qaataa 5287 Euro.
Fiiro Gaar ah : Madaxdaan inta badan waxa eey leeyihiin ama u shaqeeya Shirkado kala duwan wexeeyna markoodii horeba ahaayeen maalqabeeno Maslaxaha Siyaasada soo galay iyaga oo Dhaqaalo leh. Lacagta kor ku xusan waa kaliyah inta eey Bil kasta ka xayuubsadaan Xukuumadaha eey horboodayaasha ka yihiin !