Taageerayaasha Messi oo Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ku tilmaamay Sigaar-yacab ka dibna Bistoolad gacanta u galiyey iyaga oo ku tilmaamay Mooryan ama Maafiyo Dhiig yacab ah (Halkaan ka Daawo)
Maslaxa Ciyaaraha kubada Cagta Taageerayaasha ugu xoogan wexeey kala Taageeraan labada Xiddig ee xiligaan la joogo ugu awooda & Farsamada badan Garoomada Caalamiga ah waa Cristiano Ronaldo iyo Leo Messi.
Labada dhinac isma jecla wexeeyna isku xaqiraan si aan horay loo arag oo weliba eey u dheer tahay Xaasidnimo. Cristiano Ronaldo hadii uu Goolal badan dhaliyo waxaa Madax xanuun ka qaado Taageerayaasha Leo Messi.
Dhanka Taageerayaasha Cristiano Ronaldo hadii eey maqlaan ama arkaan Leo Messi oo Iskoor cusub jabinaya weliba qaadaya Koobab lixaad leh wexeey iska damiyaan dhalada Tv-ga iyaga oo weliba ku sigta ineey wax qarbudaan.
Naceeybka sidaas oo dhan u baaxada weeyn ee ka dhaxeeya Labada dhinac ayaa mudooyinkaan dambe waxa uu isku balay in la isku caayo dhan Youtubaha oo la soo dhigay Fadeexooyin ka dhan ah labada Ciyaartooy.
Taageerayaasha Cristiano Ronaldo wexeey inta badan Caayaan oo Dawaco Foolxun ku timaameen Jaceeylka ama lamaanaha Leo Messi.
Hadaba Xiriiriye.com oo mar kasta idiin soo gud bin doono Dagaalka Sokeeye ee u dhaxeeya Taageerayaasha Cristiano Ronaldo Vs Taageerayaasha Leo Messi ayaa waxaanu maanta halkaan idiin kugu heeynaa Muuqaal lagu Fadeexeeyey Cristiano Ronaldo kaas oo lagu sheegay Laacibkaan inuu yahay Sigaar-yacab weliba qaato mar kasta Bistooladaha Mooryaanta ama Mafiyada Bangiyada dhacda.