Wiilka ugu da´da yar Caalamka ee jabiyey Iskoorka cabista Sigaarka oo muuqaalkiisa la soo bandhigay & Qooyskiisa oo ka dhamaan la Joornaaliistayaasha Caalamka (Halkaan ka Daawo)
Wiilkaan yar ee muuqaalkiisa la soo bandhigay ma cabo Caanaha mana Cunteeyo hadaan saacad walba afka Sigaar loogu heeyn. Saqiirkaan ka yaabsaday Caalamka oo idil waxa uu ku nool yahay Jasiirada SUMATRA ee dalka Indonesia.
Familka wiil kaan yaabka badan dhalay wexeey sheegeen in mar eey ka daaleen mucjisada Wiilkooda heeysata uu Caalamka ku soo baraarugay. Qooyska dhalay Wiilkaan la yaabka xambaarsan wexeey ehel u noqdeen maalin kasta Joornaaliistayaal & Nimanka taajiriinta ah ee sameeya Qisooyinka Filimaanta Caalamka.
Ugu dambeentii Wiilkaan yar ee Sigaarka uu dhiigiisa ku shaqeeyo ayaa iminka waxaa Qooyskiisa loo soo jeediyey ama loo soo bandhigay qaabkii ugu wanaagsaneed ee looga joojin lahaa Sigaarka iyada oo aan loo isticmaalin hanjabaad ama wax dil ah.