 |
sigaar |
 |

Maxaad ka taqaan 8-Ciyaaryahan & 5-Tababare oo aan Qarsan Cabista Sigaarka ?? Ku Biiri Aqoontaada Sport . Cabista Sigaarka ayaa ah wax aan u wanaagsaneeyn Sportiga gaar ahaan waxa uu Sigaarka hoos u dhigaa Ciyaartooyda cabta sidii eey heer ku gaari lahaayen maadaama Laacibka caba Sigaarka aanu u ordi karin sida ruux aan sigaar cabin uu u ordo. Hadaba Akhristoow waxaa jira Laacibiin badan oo qarsata cabista Sigaarka halka qaar uu la noqon waayey Ceeb maadaama inta eey qarin kareen eey soo qariyeen. Wargeeyska Bild-Sport oo soo shaac bixiyey 8-Ciyaartooy iyo 5-Tababare oo Sigaarka si caadi ah u cabto marka laga reebo Garoomada dhexdooda oo uu Mamnuuc ka yahay ayaa waxaa ka mid ah Ciyaartooydaan & Tababarayaashaan hoos ku qoran. (Ku biiri Aqoontaada Sport) Dhanka Ciyaartooyda waxaa Sigaarka Cabta. 1-Mario Gomez, Qaranka Germany & Kooxda Bayer München. 2-Emile William Ivanhoe Heskey, Qaranka England & Kooxda Aston Villa. 3-José María Gutierrez Hernández Guti, Ex Real Madrid, Kooxda Besiktas Istanbul. 4-Luca Toni, Italy & Kooxda As Roma. 5- El Moro Sánchez Fernando Morientes, Spain & Kooxda Olympique Marseille. 6-Van Klaas Jan Huntelaar, Qaranka Holland & Kooxda Milan. 7-Paulo Machado Adriano , Ex-Inter, Kooxda Flamengo Rio de Janeiro, Brazil. 8-Antonio Cassano, Italy, Kooxda Sampdoria. 5-ta Tababare ee Cabta Sigaarka ayaa kala ah sidan: 1-Marcelo Lippi , Ex-Italy Couch. 2-Carlo Ancelotti , Fc Chelsea. 3-Louis" van Gaal , Fc Bayer München. 4-Vicente del Bosque ,Macalinka Qaranka Spain ee heeysta World Cup 2010. 5-Rafael Benitez, Ex-Liverpool, Inter. Ogeeysiin: Goor dhaw waxaan soo bandhigi doonaa 10-Ciyaaryahan oo caan ah oo iska deeysay Cabista Sigaarka ka dib markeey dhibaato xaga Kooxaha ah kala kulmeen. Filo wax yar ka dib Faaqidaada kulamadii Horyaalada Yurub ee dhacay. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
By: Omar Ali Omar Xiriiriyaha sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|