La Yaab : Sheekh Abdullah Ben Nasser Al Thani oo ka yaabsaday kooxaha waa weeyn ee dalka Spain sida Fc Barcelona, Real Madrid, Valencia iyo FC Sevilla,* 16 ka Tirsan Laacibiintii Qaranka Liibiya oo Qadaafi ka fakaday una galay dhanka Mucaaradka dalkaas & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !!
Barnaamishka LA YAAB SPORT waxaanu maanta ku soo qaadan doonaa warar kii ugu hadal heeyta badnaa dhanka sxaxaafada Sportiga ee Caalamka sida Maalqabeen u dhashay dalka Qatar oo kooxda Malaga ee daka Spain hogaamiye kooxeed ka noqday.
Maalqabeenka caanka ah ee u dhashay dalka Qadar Sheekh Abdullahi Ben Nasser Al Thani ayaa Lacagtiisa faraha badan iyo Dhaq dhaqaaqiisa xawliga ku socda waxa uu Shaki balaaran ku abuuray kooxaha waa weeyn ee dalka Spain sida Fc Barcelona, Real Madrid, Valencia iyo FC Sevilla .
Sheekh Abdullahi Ben Nasser Al Thani ayaa dhawaan si buuxdo ula wareegay kooxda kubada cagta ee Malaga oo ka dhisan Horyaalka La Liga ee dalka Spain . Shiikhaan wuxuu soo jiitay dhamaan inta badan Indhaha Caalamka gaar ahaan dadka xiiseeya Ciyaaraha kubada cagta.
Sheekh Abdullahi Ben Nasser Al Thani ayaa Maslaxa Ciyaaraha & Kawaanka kala iibsiga Ciyaartooyda kubada cagta waxa uu la soo galay Qorshe lagu sheegay ama loo fasirtay sidan (Lacag waa tan, Ciyaartooy keena).
Shiikhaan ayaa sabab u noqday ineey mar Quraa isku arkaan kooxda Fc Malaga Laacibiin badan oo dhanka Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta Magac weeyn ku leh. Sanadkii la soo dhaafay ama xili Ciyaareedkii ugu dambeeyey waxaa lagu eedeeyey Maalqabeenkaan inuu diyaar u yahay soo iibsashada Ciyaartooyda loo yaqaan (Weekiyada) ee ka duqoowdo kooxaha eey u ciyaaraan balse waxaa hada been noqday warkaas.
Hadaba maxaad kala socotaa Laacibiinta uu soo aruursaday Sheekh Abdullahi Ben Nasser Al Thani iyo kuwa uu u dhaarsan yahay soona bandhigay doonista Liiskooda ??? .
Laacibiinta Qaranka Holland ee kala ah Ruud Van Nistelrooy iyo Joris Mathijsen (labadaba wuxuu ka soo iibsaday kooxda Hambrug ee horyaalka Germany) . Xiddiga Qaranka Diiqa Reer France Jeremy Toulalan (wuxuu ka soo iibsaday kooxda Olympique Lyon ee horyaalka France).
Laacibka cusub ee Reer Argentina waa Diego Buonanotte (wuxuu ka soo iibsaday kooxada River Plate ee Horyaalka Argentina).
Ciyaaryahan Nacho Monreal (wuxuu ka soo iibsaday kooxda Osasuna ee Horyaalka Spain). Difaacii kooxda Fc Bayern Munchen iyo Qaranka Argentina Martin Demichelis (Wuxuu kala soo wareegay dhanka kooxda Fc Bayern Munchen).
Julio Cesar Pereira Baptista waa weeraryahankii Qaranka Reer Barazil ,As Roma iyo Ex- Fc Arsenal (Waxaa laga soo iibiyey dhanka As Roma ee Horyaalka Talyaaniga). Sheekh Abdullahi Ben Nasser Al Thani wuxuu shalay kooxda FC MALAGA ku soo biiriyey labo Xiddig oo uu horay u balan qaaday wexeeyna kala yihiin Ciyaaryahan Joaquin Sanchez Rodriguez oo Qaranka Spain 51-jeer u saftay hadana laga soo iibiyey dhanka kooxda Fc Valencia iyo Difaaca 25-jirka ah ee kooxda FC Sevilla Sergio Sanchez .
Sheekh Abdullahi Ben Nasser Al Thani wuxuu labadaan Xiddig ku soo kala iibsaday Qiimahaan:,, Ciyaaryahan Joaquin Sanchez Rodriguez waxaa laga soo baxshay 5-Milyan oo Euro halka Ciyaaryahan Sergio Sanchez Fc Sevilla faraqa loo galiyey 3-Milyan oo Euro. Shiikhaan Maalqabeenka ah waxa uu hada soo bandhigay Liiska Ciyaartooyda uu doonaayo inuu soo iibsado ama uu diyaarka u yahay waxaana ka mid ah Laacibiintaan, Didier Drogba iyo Frank Lampard (Fc Chelsea), Difaaca Inter Milan iyo Qaranka Brazil Lucimar Ferreira da Silva Lucio iyo Difaaca Fc Barcelona Carles i Saforcada Puyol.
Mucjisada 1-aad ee Saxaafada Caalamka iyo bahda Sportiga ka yaabsatay ayaa eheed Sheekh Abdullahi Ben Nasser Al Thani oo Taageerayaasha FC Malaga u Qeeybiyey Funaanado iyo shaalalka dhabarka la saarto laguna xirto dhuunto oo eey ku qoran yihiin Erayo lidi ku ah kooxaha Fc Baercelona iyo Real Madrid waxaana ka xusi karnaa sidan (Xiligii iyo Awoodii Fc Barcelona iyo Real Madrid wuu dhamaaday) Waxaa sidoo kale la sii raaciyey Dacaayadaas Istilaab la saartay magacyada Fc Barca & Real Madrid.
Mucjisada 2-aad wexeey tahay Sheekh Abdullahi Ben Nasser Al Thani oo ahaa Shaqsi mar kasta ku labisto dharka Qamiiska iyo Cimaamadaha cad cad ah ayaa hada waxa uu isku badalay Nin dhar caadi ah qaata oo weliba u soo jeestay dhanka Ciyaaraha kubada cagta.
Malaga waa Magaalo xeebeed aad u qurux badan oo eey u soo dalxiis tagaan dadweeynaha Caalamka waana Magaalada ugu Dalxiisayaasha badan dalka Spain marka laga reebo Magaalooyinka Barcelona, Mallorca, Sevilla iyo Teneriffe.
Garoonka kooxda Malaga waxaa lagu magacaabaa La Rosaleda wuxuuna qaadaa 33.000 oo taageere, Tababaraha kooxda Fc Malaga waa Manuel Pallegrini.
*** DHANKA WARAR KII WORLD SPORT NEWS UGU WAA WEEYNAA WAXAA KA MID AH SIDAN :
*** 16 Ciyaaryahan oo ka tirsan Qaranka dalka Liibiya ayaa isaga cararay Xulka dalkaas wexeeyna si weeyn uga soo horjeestaan Dagaalka iyo macangagnimada uu wado Madaxweeyne Mucamar Al Qadaafi. Ciyaartooydaan waxaa hogaaminaayey oo u hadlay Goolhayihii Qaranka dalka Liibiya Mr.Dschuma Gtat .
Dschuma Gtat ayaa yiri sidan " Markaan tashanay oo fiirinay xaalada dalka Liibiya uu ku sugan yahay waxaan isku raacnay inuu xilka is kaga dago Madaxweeyne Qadaafi oo 42-Sano aan wax muuqdo u tarin Sportiga dalka Liibiya marka laga reebo isaga oo ku mashquulay Lacag ku aruursashada Bangiyada Caalamka.
Waxaa sidoo kale Madaxweeyne Qadaafi si weeyn uga soo horjeestay Tababarihii ugu caansanaa dalkaas oo lagu magacaabo Macalin Adel bin Issa wuxuuna Tababare u ahaa kooxda Al-Ahli Tripolis oo ka dhisan Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli.
Macalin Adel bin Issa ayaa hada waxa uu u fakaday dhanka Magaalada Dschadu oo eey dhawaan la wareegeen Mucaaradka dalka Liibiya. Waxaa iska cad inuu sidaas ku bur buray Qarankii dalka Liibiiya maadaama 4-Xiddig oo muhiim ah eey iyagana la safteen Hoowlgalka & Dagaalka uu wado Madaxweeyne Mucamar Qadaafi .
Marka laga soo tago arinkaan cusub ee Ciyaartooyda Qaranka Liibiya waxaa sidoo kale Madaxweeyne Qadaafi ka soo hor jeestay kana Fakaday Wasiirkii Arimaha Dibada ee dalkaas Mr.Mussa Kussa iyo Wasiirkii Shidaalka Mr.Schukri Ghanim.
16-kaan Ciyaartooy ayaa Canal-plus waxa uu soo daayey iyaga oo Rooso u taagay ama Gudoonsiiyey qof loo soo ekeeysiiyey Madaxweeynaha dalka Liibiya Mr. Mucamar Al.Ghadafi.
*** Kooxda Manchester City ee Horyaalka Ingiriiska ayaa qarka u saaran ineey la soo wareegto Ciyaartooyda kala ah Javier Pastore oo kooxda Palermo ka imaanaya iyo Mucjisada Qadka dhexe waa Mark Marin oo ka imaanaya kooxda Bremen ee Horyaalka Germany.
*** Xilkii Tababarnimada kooxda Inter Milan ayaa waxaa si toos ah ula wareegay Macalin Gianpiero Gasperini . Inter waxaa 2-isbuuc ka hor ka tagay macalinkoodii hore Leonardo oo hada kooxda Paris St. Germain ee dalka Faransiiska ka noqday Generaldirektor-ka naadigaas..
Tababaraha cusub ee Inter Milan Mr.Gianpiero Gasperini waxa uu ka yimid dhinaca kooxda FC Genoa wuxuuna Sanad walba mushaar ahaan u qaadan doonaa 1,2 Milyan Euro .
*** Macalinka kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa isku kooleeyey Difaaca kooxda Celtic Glasgow Emilo Izaguirre .Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu ciyaaryahan Emilo Izaguirre ku soo biiro kooxda shayaadiinta Cas cas maadaama Xiddigii uu dalbado am jeclaado Rug cadaa Sir Alex Ferguson si deg deg ah loogu soo iibiyo.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com