Mucjisooyinka Caalamka : Magaalada Arkansas ee dalka Mareykanka oo noqotay Mucjisadii & Malagii Shimbiraha, Qeeylo dhaan ka soo yeertay Hay´adaha u dooda Xuquuqda Shimbiraha, 2011 Dadna Dabaal deg ayeey u eheed Malaayiin Shimbiro ahna Dhimasho (Halkaan ka Daawo Halaaga Shimbiraha & Habeenkii Sanadka Cusbaa 2011)
Shalay, Xalay iyo Maanta waxaa telefishinada Dunida ugu caansan is qabsaday hadal heeynta Halaagii loo geeystay Malaayiin Shimbiraha nuuuca Midabka qurxoon leh ah oo ku noolaa Magaalada Arkansas ee Cariga Mareykanka. Shimbirahaan ayaa Naftooda ku waayey habeenkii Dabaal dega Sanadka cusbaa oo eey haleeleen Sawaariiqda Ridada dheer ee Baaruuda ah oo laga tuurayey dhulka. Wixii ka dambeeyey Sanadkii 2006-kii waxaa Caalamka ku soo yaraanayey Dhimashada Shimbiraha ku la´do Dabaal dega habeenka Sanaka cusub.
Shimbiraha kuwooda 3-sano jirka ilaa 6 sano jirka ah ayaa aqoon guud u leh habeenka Sanadka cusub wexeeyna isaga hayaamaan magaalooyinka waa weeyn iyo caasimada maalmo ka hor inta uusan dhalan Sanadka cusub maxaa yeelay wexeey labo cisho ka hor sii maqlaan dhawaaqa Baaruda oo baraawo ah ka dibna waxaa u cadaato inuu fooda ku soo haayo habeenkii Halaaga oo ah habeenka sanadka cusub oo eey u arkaan Dagaal ahli ah sidaas waxaa yiri Dr. Martin Howard oo ku taqsuusay daaweynta Shimbiraha una dhashay dalka Canada.
Dadweeynaha ku nool magaalada Arkansas ee dalka Mareykanka ayaa wexeey Sanadkaan 2011-ka u tahay Murugo u soo xarootay ka dib markeey qaateen magaca Magaaaladii Halaaga Shimbiraha oo Sanadkii la soo dhaafay ee 2010 uu heeystay dalka Brazil waxaana Brazil uga sii horeeysay dalka Canada.
Sidoo kale waxaa iyana Hay´adaha u dooda Xuquuqda Shimbiraha eey soo bandhigeen qaar ka mid ah dalalka Qaarada Yurub oo iyagana eey ku dhamadeen Shimbiro aad u fara badan kuwaas oo eey ku sheegeen Spain , Germany, France & Portugal.