Sport News : Xiddigii Xulka Qaranka Nigeria Olubayo Adefemi oo Shil Gaari ku Geeriyooday ( Halkaan ka Daawo Xili eey Lionel Messi Vs Olubayo Adefemi Ciyaar Final ah iskaga hor yimaadeen ) !
Ciyaaryahan Olubayo Adefemi oo ka Tirsan Laacibiinta Qaranka Neeyjeeriya ayaa waxa uu ku Geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay dalka Giriiga. Xiddigaan oo 25-jir ahaa kana Tirsanaa kooxda Kubada cagta ee Skoda Xanthi oo ka dhisan Horyaalka Giriiga waxa uu ku Geeriyooday meel wax yar u jirta Magaalada Kavala oo ku taal dhanka Waqooyi ee dalka Giriiga .
Olubayo Adefemi oo ka yimid Xaflad Aroos ayaa waxaa la sheegay inuu ku sii jeeday Magaalada Thessaloniki oo uu degnaa. Laacibkaan oo ka Ciyaari jiray Qadka dhexe waxa uu ka mid ahaa Xiddigihii Qaranka Nigeria u soo saaray World Cup 2010.
Telefishinka Qaranka Nigeria waxaa la saaray Heeso Baroor tiiq ah & Barnaamish qaas ah oo ku saabsan Taariikh nololeedka Ciyaaryahan Olubayo Adefemi. Xiddigaan waxaa si weeyn loogu soo xasuusan doonaa Wacdarihii uu ka soo dhigay Koobka Olympikada oo ka dhacay dalka Shiinaha sanadkii 2008 xiligaas oo Ciyaartii Fiinalaha eey iskugu soo hareen wadamada Nigeria Vs Argentina 0-1 (Olympic Games 2008 Finals Nigeria Vs Argentina in Beijing 0-1) .