Xiddigii Qaranka Israel & Kooxda Fc Livepool ahna Ciyaaryahankii ugu horeeyey oo Israel u dhashay kana ciyaara Horyaalka Premier League ee Ingiriiska oo dhaawac ka soo gaaray Shil Mooto u Geeriyooday, Wiilkiisa oo u ciyaara kooxda Bolton oo isna Tacsida Aabihiis si Deg Deg ah ku soo gaaray & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News.
*** Ciyaaryahankii ugu horeeyey Taariikhda inta la ogyahay oo ka yimaada dalka Israel kana Ciyaara Horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska Avi Cohen ayaa waxa uu u geeriyooday Dhaawac culus oo ka soo gaaray dhanka Madaxa xili uu Shil la galay Mooto kuwo dheeraya ah oo uu watay.
Avi Cohen oo 54-jir ahaa ayaa Dhakhaatiirta Isbitaalka Magaalada Tel Aviv waxba ka qaban waayeen dhaawiciisa maadaama uu si daran uga dhaawacmay Madaxa wexeeyna sidoo kale xuseen Dhakhaatiirta in dhaawaca Mr Avi Cohen aad loola soo daahay taas oo soo dadajisay inuu soo dhiig baxo.
Ex-Player Avi Cohen oo heeystay Iskoorka ninkii ugu horeeyey oo Israel u dhashayna kana ciyaara Horyaalka Dalka Ingiriiska ayaa waxa uu u soo ciyaaray Sanadkii 1979 -kii kooxda Weeyn ee Reds Fc Liverpool oo xiliyadaas aad u kacsaneed wuxuuna sidoo kale xili dheer ka tirsanaa Ciyaartooyda Qaranka Israel kuwooda ugu fir fir coon ama ugu caansanaa.
Avi Cohen oo Qaranka Israel 53-jeer u saftay ayaa waxaa kale oo uu ku guuleeystay inuu Wiilkiisa oo lagu magacaabo Tamir Cohen ka dhigo Football Profi wuxuuna hada u ciyaara kooxda weeyn ee Bolton Wanderers oo ka mid ah kooxaha horyaalka Ingiriiska kuwooda xili ciyaareedkaan ugu koreeya ama ugu dhibcaha badan.
Tamir Cohen ayaa markii uu maqlay dhimashada Aabihiis waxa uu si deg deg ah ugu duulay dalkiisa Hooyo waxaana sidoo kale Calan Madow laga kala taagay Banaanka Irida hore ee kooxaha Fc Liverpool iyo Bolton Wanderers maadaama aabihiis uu Liverpool u soo ciyaaray halka wiilkiisana uu hada u safto kooxda Bolton.
*** Xiddiga Sanadka ee Qaarada Laatiin Amerika ayaa waxaa sanadkaan si lama filaan ah ula gar guurtay oo ku guuleeystay Ciyaaryahan Andres D'Alessandro oo u dhashay dalka Argentina balse u ciyaaro kooxda Internacional Porto Alegre oo ka dhisan horyaalka dalka Brazil. Andres D'Alessandro oo 29 jir ah ayaa waxa uu kooxdiisa kula guuleeystay sanadkaan Copa Libertadores wuxuuna cod bixinta xiddiga Qaarada Laatiin America faro cidiyo leh kaga guuleeystay ciyaaryahanka eey isku dalka yihiin ee horay ugu soo ciyaaray kooxaha SS Lazio iyo Man Utd Juan Sebastian Veron oo hada u ciyaara kooxda Estudiantes de La Plata waxaana kaalinta 3-aad galay Mucjisadii kubada cagta ee Abaal marinta sanadkaan Xiddiga Qaarada Ameerika loo saadaalinaayey waa Super-talent Neymar oo u ciyaara FC Santos oo ka dhisan Horyaalka Brazil,
Tababaraha ama Macalinka Sanadka ayaa waxaa qaatay Oscar Tabarez oo watay Qaranka Uruguay koobkii Addunka ee la soo dhaafay waxaana kaalinta 2-aad dhanka macalinimada ugu wanaagsan laatiin Amerika soo cariirsaday Tababaraha qaranka Chile Marcelo Bielsa.
Abaal marinta Xiddiga Sanadka ee Qaarada Laatiin America ayaa waxaa la bilaabay sanadkii 1986 waxaana u codeeyso oo la isku raacsan yahay 400 oo Joornaaliistayaal ah.
*** Kaptanka Kooxda Fc Barcelona Carles Puyol ayaa garoonka waxaa looga saaray dhaawac ahaan wuxuuna kooxdiisa ka maqnaan doonaa dhoor isbuuc. Carles Puyol ayaa waxa uu ku dhaawacmay ciyaartii kooxdiisa la yeelaytay Honduras oo eey ku garaaceen 4-0.
Carles Puyol ayaa waxa uu ka mid yahay Difaacyada dhexda ah waxaana ku dhaarato oo ka maarmin kooxda Fc Barcelona taas ayuuna ku muteeystay magaca ah Difaaca Xanjada oo loo la jeed qof dheg dheg badan oo aan si sahal ah lagu dhaafi karin wexeeyna magacaas iska shabahaan xiddiga Man Utd iyo Qaranka France Patrice Evra oo isna Neenaas ahaan loo yaqaan Eray la mid ah (Birqabato).
Filo maanta Barnaamishka La Yaab oo ku saabsan Ciyaaryahan caan ah oo Maasko Wajigiisa laga sameeyey eey Shirkadii soo saartay ku taajirtay kaliyah wajiga xiddiga oo eeysan ka fileen ineey saan uga faaidayaan iyo weliba Maaskarada Xiddigaan oo Magaalo caan ah qabsatay Xitaa Tareemada iyo Basaska ayeey Taageerayaasha Wajiga gashteen. Filo sidoo kale warar kale oo Top Sport News ah.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com