Xiriirka Kubada cagta ee dalka Ingiriiska (FA) oo Balaayo ku dhigay Shaaydaankii Qaniinyada Mr.Luiz Suarez,* Wuxuu meesha u maleeyey Horyaaladii Jilicsanaa ee uu Ciyaartooyda Dhegta ka Qaniini jiray,* Dhibane Patrice Evra Dhibkii & Cunsurinimadii loo geeystay ma u qalmaa Ganaaxaan adag? (+Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News) !!
*** Horaa loo yiri Ciyaaryahankii soo joog laga waayaa soo jiifo oo Binji gal ayaa laga helaa !! .Weeraryahan Luiz Suarez wuxuu mooday Kiiskii iyo dhibkii uu u geeystay Dhibane Patrice Evra mid yar oo ay iloobeen Xiriirka Kubada cagta ee dalka Ingiriiska (FA).
Taariikhdu markeey eheed 15-kii Bishii Oktoobar ayuu Weeraryahan Luis Alberto Suarez Diaz wuxuu Caay midabtakoor ah dharka kaga dhigay Difaaca kooxda Manchester-United Patrice Evra xili ay wada ciyaareen kooxaha Fc Liverpool Vs Man Utd.
Hadaladii ama Jaaifadii uu Luis Suarez u geeystay Dhibane Patrice Evra ayaa waxaa ka mid ahaa kuwaan >> " Waxaa tahay qof aad u fool xun oo weliba ah Madow qaab daran,,
Cunsurinimada nuucaan ah ee aan geedka loogu soo gamban lagama yaqaan horyaalka dalka Ingiriiska wuxuuna Kiiskaan sababay in Luis Suarez la laqsiiyo ganaax adag oo uusan fileen. Xiriirka FA ayaa Weeraryahan Luis Alberto Suarez Diaz dul dhigay Ganaax Lacageed oo ah 40.000 oo Lacagta Ingiriiska Pfund -ka ah una dhiganta 47.801 Euro iyo weliba isaga oo laga mabnuucay Horyaalka dalka Ingiriiska 8-kulan inuusan safan karin.
Weeraryahan Luis Alberto Suarez Diaz oo 24 sano jir ah una dhashay dalka Uruguay waxaa kooxdiisa Fc Liverpool loo sheegay ineey go´aankaan racfaan ka qaadan karto mudo 14-maalmood gudahood ah waa hadii ay hayaan Cadeeymo ay ku difaaci karaan Luis Suarez.
Weeraryahan Luiz Suarez ayaa loo ogol yahay inuu ciyaaro inta racfaanka uu socda wuxuuna safan karaa kulanka adag ee 3-Bisha Janaayo dhex mari doona kooxaha Manchester City vs Fc Liverpool.
Luis Suarez waa Xiddig inta badan Saxaafada Caalamka ay ugu yeerto Shaaydaankii Qaniinyada, Acuudu Billahi Bahal miyaa? Halkaan ka Daawo Cadeenta sababta magacaas loogu bixiyey iyo mida uu ku dhigay Laacib Otman Bakkal >>> http://www.youtube.com/watch?v=GNImJgSagNk.
Saxaafada dalka Ingiriiska wexeey si weeyn u daba dhigteen Luis Suarez oo ay ku tilmaameen Xiddig doonaya Horyaalka dalka Ingiriiska inuu fal fal xumo iyo Cunsurinimo aan laga aqoon ku soo kordhiyo weliba horyaalo badan iyo Koobkii Aduunka ka soo dhigay Ficilo anshax daro ah.
Xiddiga la Cunsuriyeeyey oo ah Difaaca kooxda Man Utd & Qaranka Diiqa reer France Patrice Evra waa Laacib ku dhashay 15-kii Bishii Meey sanadkii 1981-kii Caasimada dalka Senegal ee Dakar.
*** Qaranka dalka Qadar wexeey iska buriyeen Macalin Sebastiao Lazaroni oo u dhashay dalka Brazil horayna Xulka Brazil ugu soo noqday Tababare.
Dalka Qadar waxaa lagu wadaa in lagu qabto ama ay marti galiyaan Koobka Aduunka sanadka 2022-ka.
*** Weeraryahankii hore ee Qaranka Faransiiska iyo Kooxda Juventus David Trezeguet wuxuu si toos ah ugu biiray Naadiga River Plate oo ka dhisan dalka Argentina balse xili Ciyaareedkaan loo tuuray dhanka Serie B-da dalka Argentina. David Trezeguet ayaa ka yimid ama laga soo iibsaday kooxda Bani Yas oo ka dhisan magaalada Abu Dhabi ee Isku taga Imaaraadka Carabta.
Inta aan la soo iibsan ka hor ayaanu faafinay David Trezeguet inuu ku sii jeedo dhanka kooxda River Plate waxaana isla xiligaas shaacinay sidoo kale Macalin Tigana inuu ku biiri doono kooxda Shanghai oo ka dhisan dalka Shiinaha waana kooxda uu u tagay Laacib Nicolas Bilal Anelka oo Tigana uu hada Macalin u noqday.
**** Kooxaha Fc Arsenal iyo Fc Chelsea wexeey diidmo ka keeneen in la xiro maalmaha Ciida Kirismiska ah Tareenka dhulka hoostiisa ka shaqeeya ee taga Garoomada ay ka taliyaan labadaas kooxood. Fc Chelsea ayaa lagu wadaa xiliga fasaxa Kirismiska ineey Fulham la yeelato kulan adag kaas oo inta badan magaalada London looga yaqaan Boxing Day. Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda Gurigeeda kula ciyaari doonta kooxda Wolverhampton Wanderers.
*** Semafiinaalka koobka dalka Jarmalka ee (DFB-Pokal ) oo la ciyaaray waxaa soo baxay Kooxaha kala ah B.Dortmund oo Rigooreyaal ku soo tuntay Düseldorf, Bayer Munich oo 1-2 ku soo garaacday kooxda Bochum , Hoffenheim 2-1 ayeey ku tuntay Augsburg iyo Fürt oo soo garaacday Naadiga Nürnberg.
*** Koobka Boqortooyada reer Spain ee Copa Del Rey oo la Ciyaaray kooxda Real Madrid wexeey 5-1 ku dar dartay Naadiga Ponferradina. Goolasha kooxda Real Madrid waxaa u kala saxiixay Xiddigaha kala ah Callejon oo 2-Gool dhaliyey, Nuuri Sahin oo Gool ku tuurtay waxaana labada Gool ee kale kala raacsaday Varane iyo Joselu.
*** Horyaalka Talyaaniga oo Xawilaad Caalami ah isku badalay dhoor jeerna kooxo kala duwan ay isku dhiib dhiibeen waxaa markale Hogaanka u qabatay kooxda Rossaneri Ac Milan oo sanadkaan iimaanyook ku noqotay kooxda Juventus oo kacsanxili ciyaareedkaan .
Ac Milan wexeey 0-2 ku soo tuntay kooxda Cagliari waxaana Goolasha u kala saxiixay Francesco Pisano oo kooxdiisa Cagliari Gool otareeto ah ka dhaliyey daqiiqadii 4-aad iyo Laacib Zlatan Ibrahimovic oo Daqiiqadii 60-aad Gool u saxiixay kooxdiisa Ac Milan .
Kulan aad u adag oo kala bax ah ayaa Caawa Maqribkii Saacadu markeey tahay 18:00 fiidnimo waxaa lagu wadaa inuu dhex maro kooxaha isku heeysta Horyaalka Talyaaniga xili Ciyaareedkaan waa Juventus oo Hogaanka laga fujin la´yahay weliba aan weli dhinaceeda dhulka la dhigin iyo kooxda Udinese oo ku ciyaareesaa Garoonkeeda aadna u kacsan xili Ciyaareedkaan. (Filo wixii Natiijo ah ee ka soo baxa kulamadaas warar keena dambe).
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)