Maxaad ka Taqaan Xulka Xiriiriye.com iyo Bishaan? Maxaad kala Socotaa Ciyaartooyda Keeydka noogu jirto ee ugu Wanaagsanaa Bishaan dhanka Boosaskooda iyo sida eey kubada ula qabsadeen?
Barnaamishka Maxaad ka taqaan Xulka Xiriiriye waa Qodob cusub oo lagu soo daray Barnaamishyada aad kala socotaan Shabakada Soomaaliyeed ee idiin soo tabisa ciyaaraha waa www.xiriiriye.com.
Ciyaartooyda aan soo xulanay kuma imaan Baryo iyo Nin Quursi ee waxaanu Bahda xiriiriye ahaan daawanay waxa loo yaqaan (Ball Winner ama Contact Balls ) oo macnaheedu yahay Xiddigaha ku guuleeysta Kubada xiliga eey isku heeystaan Ciyaartooyda kale. Xiddigaha Bishaan www.xiriiriye.com u sharaxan ayaa waxaanu Muuqaal Video ah ka daawanay sida wacan ee markasta kubada u siinayeen Ciyaartooyda kale.
Waxaan kaloo ku soo xulanay ciyaartooydaan sida wacan ee Paassaska ugu qeeybiyaan Ciyaartooyda kooxahooda wexeeyna sabab u noqdeen guulo muhiim ah oo eey gaareen kooxaha eey u saftaan.
Xiriiriye.com wuxuu idiin balan qaadayaa inuu Bil kaste soo qaato Xul lagu magacaabo >>> The Best Team of the Month<<< .
Xiddigaha Bishaan aanu soo daawanay Awoodooda Sport ayaa wexeey kala yihiin sidan :
Goolhaye Casillas. Difaac: Evra, Terry, Alves iyo Vidic. Qarshooyinka dhexda waxaanu u aqoonsanay Ciyaartooydaan . Dhexda : Xavi, Gerrard, Iniesta iyo Weerar dhexda ka tagay una guuray afka hore ayaa waxaanu u aqoon sanay C.Ronaldo & L.Messi. Afka hore Weerar waxaan is taajinay F.Torres oo kaliyah (Daawo Maapka aanu u sameenay)
Xiddigaha aanu soo daawanay ee dhanka Contact Balls ku wanaagsanaa ayaa waxaanu Keyd ka dhiganay Laacibiinta kala ah sidan:
Goolhaye : Buffon & Valdez . Difaac: Maicon Douglas Sisenando (Inter) Sergio Ramos (Real Madrid) Philipp Lahm (Bayern München) , Giorgio Chiellini (Juventus) iyo Xiddiga oradka badan ee isku darsaday inuu Difaac iyo dhex labadaba ka ciyaaro waa Gareth Frank Bale (Tottenham)
Biriqda dhexda: Cesc Fabrigas, (Arsenal) Mesut Özil, (R.Madrid) Milo Krasic (Juventus) Frank Ribery (Bayern München) Luis Nani (ManU) , Habi Alonso (R.Madrid), Samir Nasri (Arsenal) iyo Frank Lampard (Fc Chelsea)
Sawaariiqda Weerarka: Zlatan Ibrahimovic, (Ac Milan) Karim Benzema (R.Madrid) Mario Gomez (Bayern München) Fabio Quagliarella (Juventus) Robin van Persie (Fc Arsenal) Dimitar Ivanov Berbatov (Man Utd) iyo Pedro Rodriquez , (Fc Barcelona)
Bil kasta haduu alle Raali ka noqdo waxaanu soo qaadan doonaa Ciyaartooyda ku guuleeysato Boosaskooda xiliga eey halganka Boos xirashada kula jiraan Laacibiinta kale.
Studiyaha Xiriiriye waxa uu daawan doonaa mudadaas bisha ah Ciyaaryahan kaste iyo sida eey wax uga Nusqaameen ama ugu Saaidaan. (La Soco Bil kasta dhamaadkeeda Shaxda Xulka www.xiriiriye.com.)
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Filo goor dhaw Barnaamishyada La Yaab iyo ku biiri Aqoontooda oo maanta xiiso gooni ah xambaarsan. Waxaan kaloo Maanta warar keena dambe ku soo qaadan doonaa Xulka Xiriiye iyo Bishaan, Sidoo kale waxaan soo qaadaan doonaa Barnaamishka Mucjisooyinka caalamka & Weliba codbixin aan u qaadi doono Koobka Qaramada Asia oo Only 4-kooxood iskugu soo hartay !!
>>( Barnaamishka La Yaab ayaanu waxaan ku soo qaadan doonaa Ciyaaryahan caan ah oo u ciyaaro koox caan ah ayaa Macalimadiisii Iskuulka wexeey sheegtay inuu Maado kaste ku dhici jiray weliba dhanka Xisaabaadka uu aad ugu liitay halka uu si weeyn ugu wanaagsanaa Niyad fiicane ugu hayey Xiliga Iskuulka uu qaban jiray Tartamada ciyaaraha) Warkaan waxaa xiligaan ku socda Tarjumis Filo goor dhaw War bixin dhameeystiran iyo Sawiro) !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com