Gabay : Shariif Sakiin " Baarlamaanoow igu soo daba feela hadii kale Boorsooyinkiina waa Banaanka, Bisinka ha iga qabsanina Balaayo iyo abaar waa dilaacday Beesha Caalamkaan Beeso ka sugaa,,
Baarlamaanoow igu soo daba feela hadii kale Boorsooyinkiina waa Banaanka.
Balaayo iyo Abaar waa dilaacday, Beesha Caalamkaan Beeso ka sugaa.
Bartaan joogo kii ka hadla, Beri waa Casilaad iyo Barabogaando inaan bulshada u dhex dhigo.
Baqshiish ayaan ku shaqeeyaa, Baahida Baay & Bakool taal Bangiyo inaan furtaan ka doortay.
Bisinka ha iga qabsanina,Boorsadeeyda ayaa Balaqan, Beeshii Balaan Lacageed ii heeysa Baarlamaan iyo Kursiyo badan ayaa Balan inoo ah.
Baahi dilaacday, Beerahoo qalalay waan saan rabay,Beesha Caalamkooy Beesada soo badiya Bangiyada aan badshee.
Shacab gaajoon, Baarlamaan Shiid ah intuu jiro Sharaf ayaan leeyahay.
Shalay hadaan Beljemka Lacag ka soo qaaday, Beri Jaamacada Carabta ayaa ii balansan, Shoorku waa socdaa sheekadu waa Shib.
Sharif Sakiin waxaa la iigu baxshay ,Sheeydaan la iigu tilmaamay,Shacabkiisa nin seedaha gooyaan ahay Shilimaad siistay.