FIFA oo Mamnuucday in Laacibiinta ilmo ka yar 8-Bilood Sawirka Kooxaha la galaan & Iyaga oo Sharci cusub ka soo saaraya in World Cup wixii 90-daqiiqo ka badan Rigooro lagu kala baxo ( Akhri Warka oo aan Tarjunay)
Madaxa ugu sareeya Xiriirka FIFA Mr Joseph Blatter ayaa qodobo cusub oo dhoor ah soo saaray taas oo ka timid fadhiga xiriika Fiifa ee ka kala yimid dunidda oo idil .
Mr Blatter oo u waramayey Focus-Sport ayaa sheegay in mida ugu weeyn ee hada la isku mari yahay eey tahay sidii Sharci cusub oo loo soo bandhigay xiriirka FIFA loo meel marin lahaa.
Sharcigaan cusub ayaa ah sidii Ciyaar kasta oo ka tirsan Koobka Addunka aanan waqti dheeri ah lagu darin oo marka la isla gaaro Daqiiqada 90-aad lagu kala baxo Rigooreyaal.
Joseph Blatter ayaa sheegay in arinkaan cusub uu wax weeyn soo kordhin doono marka goaankaas la isku wada raaco inkastoo ayuu yiri qaar ka tirsan Xiriirka Fifa eey ka soo hor jeedaan Sharcigaan cusub.
Dhanka kale Fifa ayaa Cod buuxa oo eey isku wada raaceen ku mamnuucay in Ciyaartooyda iyo laacibiinta Kooxaha ama Qaramada u dheela eeysan mar dambe xambaarsan karin ilmo ka yar sideed Bilood oo eey ku tilmaameen in garoonka dhexdiisa wax kasta eey dhici karaan mararka qaarna Caruurta yar yar ee Bilooyin jirada ah uu caafimaadkooda halis galo dhawaaqa & qeeylada ka imaaneeyso Taageerayasha awgeed.
Madaxa dhanka Caafimaadka ee Fifa oo ku saxiixnaa warqada lagu mamnuucay in ilmo yar oo bilooyin jir ah la la galo ama la dhex keeno meesha kooxaha eey isku salaamayaan.
Ciyaartooy badan oo caan ah ayaa inta badan dhabta ku soo qoodan jiray ciyaalka eey dhaleen balse hada lama garanayo sida eey ka yeeli doonoon Sharcigaan cusub.
Hoos ka aqri Warka oo aan idiin Tarjunay:
(Joseph Blatter will bei Weltmeisterschaften die Unentschieden in der Vorrunde und die klassische Verlängerung abschaffen. ?Wenn es nach 90 Minuten keinen Sieger gibt, dann geht es gleich zum Elfmeter-Schießen. Auch das Golden Goal, das es bis 2002 gab, könnte man wieder einführen. www.FIFA.com Das erste Tor bestimmt den Sieger, beide Mannschaften müssen stürmen", so der FIFA-Präsident.Auch kla,r Kleine kinder mit Team-kader oder foto ist total verboten nur ab 8-monaten. ?Wir überlegen, das Unentschieden in der Vorrunde abzuschaffen - und die Verlängerung auch", sagte FIFA-Präsident Sepp Blatter im Interview www.focus.de mit dem Nachrichtenmagazin ?Focus".)