Halkaan ka Daawo Wiil Dhalinyaro ah oo Wasiir ka tirsan Dawlada India Dharbaaxyo ku kala jiiday, Waa maxay sababta Daawo.
Dhawaan Dalka Hindia gaar ahaan Caasimada Dalkaasi waxaa ka dhacay Arin Cajiib badan kadib markii Wiil dhalinyaro ah oo Dalkaasi u dhashay uu Dharbaaxo adag ku dhuftay Mid kamid ah Golaha Wasiirada ee dalka India.
TV ku yaala Dalka Hindia ayaa soo bandhigay Wiil dhalinyaro ah oo aad u careesan si xanaaq lehna Dharbaaxo ugu dhuftay Wasiirka Beeraha Dalka Hindia Sharad Pawar kadib markii uu ku eedeeyay Musuq Maasuq iyo sarakac ku yimid Maciishada Dalkaasi.
Wiilka Dhalinyarada ah ee Wasiirka dharbaaxay ayaan lagu Magacaabaa Harfander Singh waxa uuna xiliga uu falku dhacayay ahaa nin taagan ilinka hore Xafiiska Dowlada Hoose ee Magaalada New Dalhi .
Wasiirka ayaa markii uu ka soo baxay Xafiiska uuna yimid Banaanka mar qura wuxuu ka war helay dharbaaxo lagu dhuftay iyo wiil aad u careesan oo kasoo hor muuqda taa oo ugu danbeytii laga qabtay Wasiirka Wiilka kadibna wiilkii uu lasoo baxay Midi uu watay uuna ku doonayay inuu Wasiirka ku dilo balse eeysan u suurtoobin..
Wiilka Dhalinyarada ahaa ayaa isaga oo caro xoogan ka muuqato ku hanjabay inuu Dili doono Wasiir ama Masuul kaste oo katirsan Dowlada Hindia hadii eey ku soo baxdo Musuq maasuq.
Wiilkan ayaa la filayaa in la hor geeyo Maxkamad ku taal dalkaasi oo qaadeysa Dacwadiisa ama Danbiga loo heesto ee ah inuu Dhibaato u geeystay Wasiir ka tirsan Dalkaasi.
Halkaan ka Daawo Mucjisada dhacday >>> http://www.youtube.com/watch?v=QRcHJiE9u2k
Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada
Aymancadde@hotmail.com