La Yaab : Jaceylka Gerard Pique & Shakira oo halkii ugu sareeyey gaaray (Daawo Muqaalo aan idiin soo xulnay) ,* Maxaa kala heeysta kulanka Champions League ee Caawa Raul United Vs Rooney United ?,* Maxaad kala socota Wayne Rooney oo Caawa markiisii 2-aad cagta saari doono Garoonkii loogu soo baxshay magaca "bad boy" & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !!
Barnaamishka Taxanaha ah ee La Yaab Sport waxa uu Xiriiriyaa Bahda Ciyaaraha Soomaaliyeed iyo Dhamaan warar kii ugu hadal heeynta badnaa dhanka Saxaafada Sportiga iyo Mucjisooyinka Ciyaartooyda. La yaab sooma baxo Sawir & Video-la´áan wuxuuna mar kasta ama xili walba xambaarsanyahay Cadeeymo kala duwan oo Tarjuma Barnaamishka La Yaab Sport !!
Xiddiga kubada Cagta ee kooxda Fc Barcelona & Qaranka Spain Gerard Pique ayaa wexeey Jaceyl kulul oo Indho la aan ah isku qaadeen Fanaanada Caanka ah ee Shakira oo ka mid eheed Fanaaniintii Lacagta xoogan ka soo helay world Cup 2010.
Shakira wexeey ku dhalatay 2-dii bishii Febraayo 1977-kii Magaalada Barranquilla oo ku tal dalka Colombia waxaana iyada oo aad u da´yar la geeyey dalka Mareykanka, magaca Shakira oo sadexan waa shakira Isabel Mebarak Ripoll .
Fanaanada Shakira wexeey caan ka tahay Dhamaan Dunida oo idil wexeeyna qaadaa Heesaha Pop-Rock-ka loo yaqaan ee laga xiiseeyo inta badan Caalamka.
Shakira Asalka Waalidiinteeda wexeey ka soo jeedaan dalka Lubnaan wexeeyna Lacag xoogan ka heshay Heestii ugu dambeeysay ee Waka Waka oo eey u qaaday World Cup 2010-ka oo ka dhacay dalka South Afrca Halkaan ka Daawo Heesta Waka Waka oo soo jiidatay Indhaha bahda Sportiga ee Dunida >>> http://www.youtube.com/watch?v=Y_hL7tI7o1Y .
Shakira Album-kii eey indhaha Caalamka ku soo jiidatay waxa uu ahaa kii la magac baxay Dawacada (She Wolf) wexeeyna ka heshay Lacag kor u dhaaftay 50-Milyan oo Euro. Halkaan ka Daawo heesta She wolf oo eey sida Xayawaanka camal u dheeleeyso >>> http://www.youtube.com/watch?v=Z5yGf6erzPY. Shakira hada wexeey Guri qaali ah ka gadatay ama ka iibsatay meel wax yar u jirta Xerada Caanka ah ee lagu Tababaro Ciyaartooyda kooxda Fc Barcelona waa La Masia oo loo yaqaan The heart of the Barca youth system.
Gerard Pique & Shakira wexeey isku soo barteen koobkii Addunka oo Sanadkii la soo dhaafay lagu soo gaba gabeeyey dalka South Africa . Saxaafada dalka Spain iyo Telefishinada dalkaas wexeey ku Faanaan in Ciyaartooyda dalkooda eeysan World Cup 2010 oo kaliyah eeysan soo xareen balse Xiddig ka tirsan Laacibiintooda uu soo xero galiyey Fanaanada ugu codka Macaan Caalamka ! .
17-kii iyo 18-kii Bishaan aanu ku jirno waxaa lagu waday Shakira ineey Show Balaaran oo ugu yaraan lacag lagu sheegay in ka badan 12-Milyan oo Dolar eey ka soo gali leheed ineey ku qabato dalka Canada balse wexeey u baajisay oo laga arkay Shaashada Skysport iyada oo fiirsaneeyso Ciyaartii Finaalaha eheed ee Koobkii Boqortooyda reer Spain oo ka dhacday 20-kii Bishaan Garoonka kooxda Valencia Ciyaartaas oo dhex martay kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona (1-0)
Shakira Showgii eey ka balansaneed ee Canada ma aadin oo markii eey dhamaatay Ciyaartii Real Vs Barca wexeey Murugada la qeeybsatay Jaceylkeeda Pique oo Jariiraco ka qaaday koobkii Boqortooyada reer Spain oo Real Madrid la gar guuratay. Halkaan ka Daawo Shakira oo Madax Xanuun ku dhacay ka dib Guuldaradii Barca iyo iyada oo is Cun cuneeeyso waxaana Kamerada daba dhigatay Saxaafada >>> http://www.youtube.com/watch?v=iprD6_oCuwE .
Waxaa la yaab noqotay markii Isbuucaan la arkay Shakira oo weli dhinac fadhiso Jaceeylka eey isla Jaan qaadeen waa Gerard Pique Ciyaartii ugu dambeeysay ee dhex martay kooxaha Fc Barcelona Vs Osasuna weliba iyaga oo isla Dabaal degaayo waxaana dhinac ka fadhiyo Carles Puyol. Halkaan ka Daawo Jaceeylkaaan Xaawliga iyo dheereeynta ku socdo : http://www.youtube.com/watch?v=gtStmPSC6E8.
Dhanka Ciyaaryahan Gerard Pique waxa uu 2-dii Febraayo Sanadkii 1987-kii ku dhashay Magaalada Barcelona ee dalka Spain wuxuuna horay ugu soo saftay kooxaha Real Zaragossa iyo Man Utd. Shakira wexeey in badan wada noolaayeen oo eey iska soo furtay Antonio de la Rua oo 37 jir ah wexeeyna hada soo ag degtay kana ag dhaqaaqi weeysay Gerard Pique oo jaceyl Qaboow iyo mid Kululba la jilaayo (La Yaab).
Dhanka kale waxaa La Yaab noqotay oo Saxaafada Caalamku daba dhigatay Ciyaaryahan Leo Messi oo ku cel celi in uu Nasiibloow yahay Xiddigii eey Shakira Quruxdeeda, Dheesheeda iyo Codkeeda soo ag degto. Mar Leo Messi la weey diiyey inuu ka faaideeysan lahaa Fursadaan oo kale waxa uu ku Jawaabay isaga oo Qoslaayo weliba Biyo caagaga tababarka dhabarka uga shubay Saaxiibkiisa Pique waxa uu yiri sidan :" Shakira ilaa mudo aad u fog ayaan Taageere weeyn u ahaa Heesaha eey qaado anoo Habeenkii dhageeysan inta badan ma seexdo waxaana Yaab & Amakaag igu noqotay qofkii aan sidaas oo dhan uga dambeeyey Heesaheeda iyo Codkeeda Macaan hada anaga ayey nala nooshahay waana ku mashquulaa mararka qaar xiliyada Qadada si eey mar uun hal hees oo cusub ugu sameeyso Kooxda Barcelona Madaama Jaceylkeeda uu taas raali ka yahay !.
Fiiro Gaar ah: Taageerayaasha kooxda Real Madrid oo si weeyn u Neceb kooxda Fc Barcelona markeey arkeen Fanaanada Calamka Codkeeda uu jeclaaday ee Shakira oo Fc Barcelona ka ag dhaqaaqi weeysay si weeyna u Taageertay maadaama Jaceylkeeda uu u ciyaaro wexeey Taageerayaasha Real Madrid bilaabeen Dacaayd Raqiis ah wexeeyna iloobeen in Jaceeylku xor yahay oo weliba uusan Indho laheeyn >(Taageerayaasha Real Madrid ayaa soo Sawiray Shakira oo Dameer ah isla markaana Fc Barcelona xambaarsan iyada oo Coows iyo Ul laga daba wato !!!)
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY SHEEGAYAAN SIDAN !!
*** Kulanka Caawa ee Fc Schalke Vs Man Utd ayaa waxa uu noqday mid eey Saxaafada labada dal isku mari weeysay.
Kooxda Man Utd oo loo saadaaliyey ineey Schalke reebi doonto hadane dhinaca kale macalinka kooxda Red Devils Alex Ferguson iyo Qabiirada Sportiga ee Caalamka wexeey aamin sanyihiin arin sir kale ah oo qarsoon. Waa tuma sirtaas abeeyoow?
Manchester United ma jecla ineey ku soo aadaan kooxaha ka socda Dalka Germany sababtoo ah 8-kulan oo xariir ah 5-kulan oo ka mid ah sideedaas Man Utd Dhulka ayaa la dhigay wexeeyna sideedaas (8) kulan guul ka gaareen kooxaha Jarmalka hal kulan oo kaliyah.
Dhanka Kale Weeraryahanka Qaranka England iyo kooxda Shayaadiinta Cas Cas Mark Wayne Rooney ayaa caawa waxa uu cagta saari doonaa markiisii 2-aad garoonkii (gelsenkirchen) oo loogu soo baxshay Magaca Bad boy oo uu muteestay Ciyaartii uu Roosaha ku qaatay World Cup 2006 xili uu Haraanti iyo Laad kala daalay Ex-Saaxiibkiisii hore Halgame Cristiano Ronaldo iyo Difaaca Reer Portugal xiddiga Qiyaanada badan ee Jose Morinho uu Chelsea kala soo wareegay kuna daray Ciidamadiisa cusub (Real Madrid) waa Mr Ricardo Alberto Silveira Carvalho .
Hadii uusan Rooney nasiib ku leheen Garoonka Fc Schalke waxaa Nasiib ku leh oo Schalke mar kaste dhagaha uga garaaci jiray weeraryahanka Qaranka Reer Bulgaaria Dimitar Berbatov xiligii uu u ciyaari jiray Kooxda Bayer Liverkusen.
Mucjisada ugu yaabka badneed ayaa eheed Markii Kumbiyiitar saadaaliya Ciyaaraha uu sheegay in kooxda Man Utd soo bixi doonto waxaana Tv-ga ARD oo laga leeyahay dalka Germany uu arintaan saadaasha ah u soo bandhigay Tababaraha kooxda Fc Schalke Mr. Ralf Rangnick balse uu ku jawaabay sidan: " Iska hadal ayaad wadaan waxaana idin leeyahay joojiya nac nac daas oo Ciyaartooyda Fc Schalke niyada haka jabina kulanka oo wali aan la ciyaarin. Weeraryahanka kooxda Fc Schalke Raul Gonzalez Blanco oo 34-jir ah balse u ciyaaraayo sidii Weeraryahan da´yar ayaa mar uu wareeysi dheer siiyey ZDF waxa uu yiri sidan : "
Ciyaartii Inter Fc Schalke waa la yasaayey wixii Inter aan ku dhignay-na waa la ogaa, Aniga iyo Man Utd waan is naqaanaa anigana gooshooda aad ayaan u garanayaa laakiin waad ogaan doontaan kaligeey ayey igu mashquuli doonaan waa mid la hubo !! .
*** Horyaalka dalka Sweden waxaa Isbitaalka loo la cararay Calanwade lagu magacaabo Daniel Warnmark oo Sawariiqda Baaruda ah la la helay Ciyaartii uu Calanwadaha ka ahaa oo dhex martay kooxaha Horyaalka Sweden ee kala ah Syrianska Vs AIK Stockholm. Ciyaartaan oo socotay 20-Daqiiqo oo kaliyah waxaa 1-0 ku hogaamineeysay Ciyaarta kooxda kooxda martida loo ahaa ee Syrianska. Xiriirka kubada cagta ee dalka Sweden ayaa dhawaan ka soo saari doono arintaan go´aan iyo Ganaax is bar bar socda maadaama Ciyaartii eey Qanad ku dhamaatay Calanwade Daniel Warnmark-na Isbitaalka loo la cararay.
*** Kooxda Hertha BSC oo ka dhisneed Caasimada dalka Germany ee Berlin ayaa hal sano ka dib ku soo noqotay Horyalka Jarmalka ee Bundesliga. Hertha BSC oo Serie B gashay ayaa Saxaafada Caalamka wexeey ku dacaayadeeyeen kooxdii sharafta ka qaaday Caasimad weeyn oo Ciyaaraha looga dambeeyo. Ma jirto koox kale inta Taariikhda la ogyahay oo ka dhisan Caasimada Jarmalka ee Berlin oo aan ka aheyn Hertha Berlin. kooxaha Waa weeyn ee dalka Germany dhamaan Gobolo iyo Degmooyin ayeey ka dhisan yihiin sida Fc Bayern Munchen, Bayer Liverkusen, Werder Bremen, Hambrug, Schalke, Wolfsbrug & Brussia Dortmund.
Hertha Berlin ayaa xaqiijisay ku soo laabashadeeda Horyaalka Germany ka dib markii eey 1-0 ku garaacday kooxda MSV Duisburg wexeeyna aruursatay ilaa iyo hada dhibo 68 ah , dhanka Gooldhalinta waxaa soo saaray weeraryahanka Qaranka Colombia Ramos.
|
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com | | | | |