 |
|
 |
Shaac |
 |

Qiimaha eey ku fadhiyaan kooxaha Manchester United iyo Fc Barcelona oo la shaaciyey,Francesco Totti oo Iskoor ka Jabiyey Roberto Baggio & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo warar News ah) !! *** kooxaha Manchester United iyo Fc Barcelona oo sida Saadaashu tahay lagu wado ineey isku arkaan Ciyaarta Fiinaalaha koobka Champions League oo ka dhici doonta 28-ka bishaan aanu ku jirno Garoonka weeyn ee Wembley Stadium ayaa waxaa la soo bandhigay Qiimaha ama qarashka eey ku fadhiyaan kooxaas. War bixin uu ka qoray Skysport labadaan kooxood ayaa u qorneed sidan. Kooxda Catalonia Fc Barcelona wexeey ku fadhisaa Adduun gaaraya 554,1 Milyan oo Euro. Kooxda The Red Devils Manchester United wexeey ku fadhiyaan Adduun gaaraya 374,7 Milyan oo Euro. Dhanka kale Su´aal muhiim ah oo Skysport uu weey diiyey Macalinka kooxda Man Utd Manager Sir Alex Ferguson sida uu u arko Laacibnimada Leo Messi ayaa waxa uu ku jawaabay sidan: " Dabcan shaki kuma jiro Messi inuu hada yahay Laacibka Dunida ugu wanaagsan laakiin yaanan la iloobin ineey Laacibiin qatar ah oo qarsoon dhinacyada ka taagan yihiin sida Xavi Hernandez iyo Andrés Iniesta " *** Xiddiga kooxda As Roma Francesco Totti ayaa waxa uu Iskoor Taariikhi ah ka Jabiyey Laacibkii hore ee Qaranka Talyaaniga Mr. Roberto Baggio oo in mudo ah degnaa ama awood dhanka Gooldhalinta Horyaalka Talyaaniga ah ku heeystay kaalinta 5-aad. Roberto Baggio waxa uu Gooldhalinta Taariikhda Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga kaga jiray Kaalinta 5-aad waxaana hada kaalinta 5-aad soo degay Francesco Totti oo kulankii ugu dambeeyey ee As Bari Vs As Roma 2-Gool u dhaliyey kooxdiisa Daqiiqadihii 30-aad iyo 57-aad kana dhigay Goolasha uu ka dhaliyey Taariikhda Horyaalka Serie A-ga 206-Gool. Francesco Totti oo hada 34-jir galay ahna Kaptanka kooxda As Roma waxaa Taariikhda Gooldhalinta Horyaalka Talyaaniga ka horeeya oo mudo aad u fog loogu tagi waayey kaalinta 1-aad Silvio Piola oo 274-Gool dhaliyey, waxaa kaalinta 2-aad xoog ku heeysta Ciyaaryahan Gunnar Nordahl oo 225-Gool dhaliyey halka Kaalinta 3-aad & 4-aad eey kala degeen Laacibiinta kala ah Giuseppe Meazza iyo Jose Altafini oo min 216-Gool soo dhaliyey. Halkaan ka Daawo Iskoorka Totti iyo Rigoore uu iska qasaariyey iyo weliba Ciyaaryahan Perrotta oo Xiddiga iska sii socda dhabarka Feer qabadsiyey ka dibna Rooso af gelis looga dhigay : http://www.youtube.com/watch?v=-spSA3dSEQM . *** Horyaalka Talyaaniga ee Serie-A waxaa qarka u saaran ineey ku guuleeysato kooxda Ac Milan oo ku hogaamineeyso 77-Dhibcood waxaana ku soo xigto Inter Milan oo 69-Dhibcood leh ,faraqa u dhaxeeya Milan & Inter waa 8-Dhibcood Horyaalka Talyaaniga-na waxaa ka harsan 3-kulan oo kaliyah. Halkaan ka Daawo Ciyaartii ugu dambeeysay kooxda Ac Milan oo Fc Bologna 1-0 ku suul daartay waxaana goolka u saxiixay Ac Milan Ciyaaryahan Flamini : >>> http://www.youtube.com/watch?v=hUtU4mtB7BM . *** Xiddigii hore ee kooxda Fc Liverpool & Qaranka Finland Sami Tuomas Hyypia ayaa gebi ahaanba isaga fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga ah. Sami Tuomas Hyypia oo 37-jir ah waxa uu hada u ciyaarayey kooxda Bayer Liverkusen ee horyaalka Jarmalka. Sami Hyypia Qaranka Finland waxa uu u soo saftay 105-jeer dhanka Fc Liverpool wuxuu ka tirsanaan jiray Sanadkii 1999-kii ilaa 2009 wuxuuna 10-sano oo uu Fc Liverpool ka tirsanaa u saftay 300 oo kulan. ***Nuri Sahin oo ah Laacibka Qaranka Turkiga iyo Kooxda Borussia Dortmund ee isbuucaan qaaday horyaalka dalka Jarmalka ayaa waxa uu 10-Miyan oo Euro ugu wareegi doonaa xili Ciyaareedka soo socda kooxda Real Madrid ee Horyaalka Spain. *** Madaxa ama Boss-ka ugu sareeya kooxda Fc Barcelona ninka lagu magacaabo Sandro Rosell ayaa hadal Tiraanyo xambaarsan hawada u soo mariyey Taageerayaasha kooxda Fc Barcelona ee kulanka caawa ka qeeyb galaya kuwaas oo lagu sheegay 98.000. Taageerayaasha caawa lagu wado ineey soo xaadiraan Ciyaarta Fc Barcelona Vs Real Madrid Garoonka weeyn ee Camp Nou ayuu Mr.Sandro Rosell waxa uu ka codsaday ineeysan wax aargudasho ah sameeyn wuxuuna kala jeeday Qalalaasihii iyo haraantidii Ciyaartooyda Fc Barcelona loou soo geeystay garoonka Rea Madrid ee Santiago Bernabeu. Barca Boss Sandro Rosell oo u waramayey Spain ETB Sat ayaa waxa uu yiri sidan : "Taageerayaasheenu hadeey Taageere run ah u yihiin Fc Barcelona fadlan ha ku taageereen kooxda Cod & sacab wixii intaas ka baxsana iskuma ogin maxaa yeelay Ciyaarta caawa waxaa Indhaha ku wada haayo Caalamka oo idil mana rabo ineey dhacdo wixii Isbuuc la soo dhaafay ka dhacay Santiago Bernabeu oo ah Garoonka kooxda Real Madrid. *** Kulan aad u adag oo ka tirsan Horyaalka Ingiriiska ee Premier-League ayaa waxaa laga waayey Tikityadii ciyaarta lagu daawan lahaa . Kulankaan ayaa lagu wadaa inuu maalinta Axada ah ee 8-da Bisha Meey Saacadu markeey tahay 17:10 daqiiqo ku dhex maro garoonka Old Trafford kooxaha Man Utd Vs Fc Chelsea oo Horyaalka England isla gaaray halkii ugu sareeysay. Man Utd oo kulankii Arsenal 1-0 lagu soo garaacay wexeey Horyaalka Ingiriiska ku hogaamineeysa 73-Dhibcood, Chelsea oo ku soo xigto wexeey leedahay 70-Dhibcood halka Arsenal eey ka aruursatay 67-Dhibcood. Horyaalka England waxaa ka hartay 3-Kulan oo kaliyah waxaana iska cad in Ciyaarta Man Utd Vs Fc Chelsea la isku Jilbo murxi doono cidii badisana Horyaalka Rajadiisa Jeebka gashan doonto. Halkaan ka Daawo Kulankii Fc Arsenal Vs Manu 1-0 >>> http://www.youtube.com/watch?v=bKQbghIdqiE&feature=player_embedded . *** Horaa loo yiri Hadaad Yaabto Yaasiinka : Taageerayaasha kooxda qaaday horyaalka Germany ee Brossia Dortmond oo wali Rumeeysan la ineey Kooxihii Malaayiinta Lacagta ah ku soo shir tagay ka qaadeen horyaalka Germany sida Fc Bayern Munchen, Bayer Liverkusen, Fc Schalke, Hambrug, Bremen, Wolfbrug iyo Frankfurt. Kooxdaan Dortmund uma dheelaan Ciyaartooy qaali ah oo eey soo iibsadeen balse wexeey soo shaac bixiyeen Laacibiin yar yar oo aan dhaawac iwm ah iska dhoor dhooreen halka kooxaha waa weeyn Laacibiintooda eey Lacag ka dhergeen kuwaas oo mar kasta iska dhoor dhoora inuu dhaawac soo gaaro. Halkaan ka Daawo La Yaabkaan Taageerayaasha kooxda Dortmund oo weli seexan la weliba isku dhigay Gawaaridii wadada mareeysay Farxad darteed, wexeey sidoo kale xireen wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Dortmond dhex mara >>> http://www.youtube.com/watch?v=NmQPkLM_Uf4
|
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|