Xiddig ka tirsan kooxda Real Madrid oo ku biiray Naadiga Fc Valencia iyo Kooxda Borussia Dortmund oo Guul ku biloowday Horyaalka Germany ( Xiddiga eey Real Madrid iska iibisay ka Fiiri Sawirka gudaha +Halkaan ka Daawo World Sport News: Kooxda Borussia Dortmund oo labo cad ka dhigtay Xiddigaha Hambrug ) !!
Ciyaaryahan Sergio Canales Madrazo wuxuu 2 sano ka hor ka yimd dhanka kooxda Racing Santander oo ah halkii uu ku dhashay ama ku soo bar baaray wexeeyna kooxda Real Madrid xiligaas faraqa u galisay Naadiga Racing Santander 6-Milyan oo Euro. Kooxda Caalamka looga yaqaan ama lagu naaneeyso Hala Ole Los Galacticos Real Madrid ayaa waxaa halkaas kaaga cad ineey Xiddigaan ka faaiday Lacag fara badan maadaama mar kiisii hore eey kula soo wareegeen 6-Milyan oo kaliyah. Xiddigaan oo Qadka dhexe aad ugu wanaagsan ayaa sababta loo iibiyey waxaa lagu sheegay in eey tahay kooxda Real Madrid oo dhanka Qadka dhexe heeysata Ciyaartooy ku wacan ama Qabiiro ah . Arinta ugu yaabka badan ayaa wexeey tahay Lacib Sergio Canales oo eey kala iibsadeen kooxaha Real Madrid iyo Fc Valencia ayaa iminka waxa uu ku sugan yahay tartanka koobka Juunyerka Adduunka ee 20-Jirada oo si xiiso leh uga socda dalka Colombia. Sergio Canales waxaa qadka Teleefoonka loogu sheegay marka uu ka soo laabto Koobka Juunyerka Addunka inuu u weecdo dhanka kooxda Fc Valencia oo 12 Milyan oo Euro ku soo iibsatay. Xiddigaan oo u safta Qaranka Juunyerka Spain ayaa ilaa hada wexeey noqdeen Qaranka kaliyah ee la celin waayey maadaama kulamadii eey dheeleen Costa Rica 1-4 ku soo garaaceen halka Xulka Ecuador eey 0-2 u soo dhiibeen. Sergio Canales Madrazo oo Qadka dhexe ka caawiya Qaranka Spain waxaa lagu wadaa maanta ineey Ciyaar adag kala hor tagaan juunyarka Qaranka Australia oo eey ku wada jiraan Guruubka (C-da). ***Kooxda kubada cagta ee Borussia Dortmund oo heeysata Horyaalka Germany ayaa wexeey guul muhiim ah mar kale ku biloowday Horyaalka Bundesligaha dalka Germany oo dib u furmay. Bundesliga markiisii 49-aad inta Taariikhda la ogyahay oo dib u furmay wexeey kooxda Borussia Dortmund dhulka la sintay Kooxda xili ciyaareedkaan isa soo qalabeeysay ee Hambrug oo ka dhigan Magaalada Dekeda ah ee dalka Germany. Borussia Dortmund wexeey Xiddigihii Hambrug la soo shir tagtay hawada kaga qarisay 3-1 waxaana Goolshaas u kala saxiixay Laacibiinta cusub ee Qaranka Germany waa Kevin Grosskreutz oo 2 gool u saxiixay (daqiiqadihii 17-aad & 48-aad) . Goolka 3-aad waxaa kooxda kacsan mudooyinkaan dambe ee Borussia Dortmund u saxiixay Xiddiga dhawaantaan lagu soo biiriyey Qaranka Germany waa Ciyaaryahan Mario Gotze (Daqiiqadii 12-aad) .Goolka Agoonka ah ee kooxda Sport Verein Hambrug (HSV) waxaa Daqiiqadii 79-aad ee dhamaadkii ciyaarta u saxiixay Ciyaaryahan Robert Tesche. Kooxaha kale ee Horyaalka Germany ayaa maanta sidan isku qaabili doona :
Bremen
Kaiserslautern
15.30
Hannover
Hoffenheim
15.30
Stuttgart
Schalke 04
15.30
Köln
Wolfsburg
15.30
Augsburg
Freiburg
15.30
Hertha BSC
Nürnberg
18.30
Beri oo Axad ah waxaa kulmi doona Kooxaha kala ah Mainz Vs Bayer Liverkusen Saacadu markeey tahay 15:30 halka kooxda Bayern Munchen oo Xili ciyaareedkaan Laacibiin badan soo iibsatay marti gelin doonto kooxda Monchengladbach saacadu markeey tahay 17:30 . Halkaan ka Daawo kulankii eey kooxda Borussia Dortmund dhulka la sintay Naadiga Hambrug : >>> http://www.youtube.com/watch?v=0K3aij7vHgM .
Wax yar ka dib filo warar kale oo Top News ah iyo Barnaamishkii LA YAAB SPORT !! Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com