Julio Sergio, Goolhayaha AS Roma oo Dhaawacyada fudud la ooya & Saxaafada oo daba dhigatay( Halkaan ka Daawo Qaabka uu u Baroorto marka uu dhaawacmo)+ Natiijoonkii Horyaalada England & Germany.
Saxaafada Sportiga kuwooda ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa waxa eey maalmahaan Mashquul ku ahaayeen Goolhayaha Kooxda Kubada cagta ee AS Roma Julio Sergio oo dhaawacmay Ciyaartii Brescia vs Roma 2-1.
Saxaafada ayaa wexeey soo bandhigtay dhoor kulan oo Julio Sergio ciyaaray ka dibna isaga oo dhaawc yar soo gaaray ku dhex oonaya Garoomada dhexdooda. Sergio ayaa qaladka uu halkaan ku dhaawacmay waxaad moodaa inuu isaga lahaa maadaama uu kubada uga hor tagay meel aad uga fog goosha kooxda Roma. Ciyaaryahankaan ayey Saxaafadu ku sheegeen nin aad u Beer jilicsan maadaama Ciyaartooy badan oo Garoomada ku dhex Jaba ama dhaawacyo xun xun eey soo gaaraan eeysan marnaba ku dhex ooyin Maslaxa kubada cagta halka Sergio uusan qarsan karin Dhaawacyadiisa fud fudud. Halkaan ka Daawo Video Party 1 iyo 2 ah oo midka labaad uu yahay Carabi.
QAAR KA MID AH NATIIJOOYINKA HORYAALADA ENGLAND & GERMANY OO LA CIYAARAY, KOOXAHA AYAA SIDAN DHIBCAHA U KALA TIRSADAY.
Premier League oo la ciyaaray kulankiisii 7-aad waxaa Man Utd u suurtoobi weeysay in wax ka badan hal dhibac eey kala timaado guriga Sunderland Maadaama Man Utd uu daal fara badan oo dhinaca Champios League-ah uu ka muuqaday iyaga oo ka soo laabtay dalka Spain iyo guriga Valencia oo 0-1 ku soo qaarajiyeen. Kooxaha Ingiriiska ayaa sidan ku kala baxay:
Wigan
Wolverhampton
2:0
Sunderland
Manchester United
0:0
Tottenham
Aston Villa
2:1
West Bromwich
Bolton
1:1
Birmingham
Everton
0:2
West Ham
Fulham
1:1
Stoke
Blackburn
1:0
Beri ayey ciyaarayaan:
Manchester City
Newcastle
-:-
Liverpool
Blackpool
-:-
Chelsea
Arsenal
Talyaaniga Udinese ayaa 1-0 uga badisay Cesena, Parma vs Milan hada ayey socotaa, Beri haduu alle idmo kulan aad u adag ayaa dhex mari doona Inter Vs Juventus, England waxaa aad loo wada sugayaa kulanka Chelsea vs Arsenal, kulankaan Chelsea waxaa uga maqan ciyaaryahano aad muhiim u ah.
Horyaalka Germany oo qaar ka mid maanta ciyaaray in kastoo kooxaha waa waa weeyn beri ciyaari doonaan sida Dortmond Vs Bayer München ayaa maanta waxaa dheelay kooxahaan: