Xulka Senegal oo Koobka Qaramada Africa ku bilaabay Guuldaro iyo Caajis halka Ciyaartooyda Qaranka Liibiya lagu eedeeyey ineey Socodka ku dheelayeen (Faaqidaada African Cup of Nations 2012 )
(African Cup of Nations 2012) Koobka Qaarada Africa oo si toos ah uga furmay dalalka Gabon iyo Equatorial Guinea ayaa waxaa Guuldaro lagu iftaxay Guruub A Xulalka Senegal iyo Liibiya oo la kala Ciyaaray Qaramada Sambia iyo Xulka Equatorial Guinea oo Sanadkaan marti loo yahay.
Senegal oo soo bandhigtay Ciyaar aan nuuceeda horay looga baran oo lagu sheegay Caajis ayaa waxaa 1-2 ku suul daaray Qaranka Sambia. Goolasha looga badiyey Senegal waxaa xulka Sambia u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Emanuel Mayuka Daqiiqadii 12-aad iyo Reinford Kalaba Daqiiqadii 20-aad.
Goolka Agoonka ah ee Xulka Senegal waxaa u dhaliyey Dame N´Doye Daqiiqadii 74-aad. Dhanka kale Xulka Qaranka Liibiya ayaa waxaa lagu eedeeyey Ciyaartii ay la yeesheen Qaranka Equatorial Guinea ineey Garoonka la soo galeen Aalamiito la´aan iyo waxa loo yaqaan (Socod ku dheelida).
Xulka Liibiya ma laheeyn wax dhameeystir ah waxeeyna ku dheelayeen socodka waxaana taas ka faaideeystay Qaranka Equatorial Guinea oo Dhamaadkii Ciyaarta Daqiiqadii 87-aad Liibiya Gool ka xareeyey ka dib markii Ciyaaryahan Diaz oo badal ku soo galay uu Paas macaan siiyey Laacib Javier Balboa.
Guruub A oo ay ku wada jiraan Senegal , Sambia ,Liibiya iyo Equatorial Guinea waxaa min 3-Dhibcood yeeashay Xulalka Sambia iyo Equatorial Guinea oo lagu ciyaarayey Garoonkeeda. Maanta oo Axad ah waxaa wada kulmi doona Qaranka Ivory Coast oo loo saadaaliyey Koobkaan wexeeyna fooda is dari doonaan Xulka Qaranka Suudaan saacadu markeey tahay 17.00 Galabnimo. Isla Guruubkaan B ayaa lagu wadaa ineey maanta wada Ciyaaraan Qaramada Burkino Faso Vs Angola Saacadu markeey tahay 20.00 Fiidnimo.