Chelsea & Arsenal oo Guryahooda lagu Qararamsaday,* Juventus oo laga badin la yahay,* Fc Barcelona oo ku ciil baxday Rayo Vallecano & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo)
*** Koobka lagu magacaabo The England League Cup oo la Ciyaaray waxaa Guryahooda dharka looga soo dhigay kooxaha ka dhisan Magaalada London ee Caasimada Ingiriiska waa Fc Chelsea iyo Fc Arsenal.
Chelsea waxaa Garoonkeeda ku tuntay oo iska baratay maalmahaan Fc Liverpool, Kooxda The Reds Fc Liverpool oo 0-2 ku soo badisay waxaa Goolasha u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Maxi Rodriguez Daqiiqadii 59-aad iyo Martin Kelly Daqiiqadii 63-aad. Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=8ns2KTpPmL8 .
*** Sidoo kale waxaa Garoonkeeda lagu Qararamsaday kooxda Arsenal oo mudooyinkaan ayaan laga badin waxaana 0-1 koobka England League Cup uga reebtay kooxda kacsan maalmahaan waa Manchester City. Goolka Man City waxaa Daqiiqadii 84-aad ka xareeyey Fc Arsenal Weeraryahanka Qaranka Argentina Sergio Kun Agüero. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=APxSPQ-6xb8 .
*** Isla Koobkaan League Cup 1966-kii ka dib waxaa Afarta kooxood ee ugu dambeeysa soo caga dhigatay kooxda Cardiff oo 2-0 ku suuldaartay Blackburn Rovers . Caawa waxaa wada ciyaari doona kooxaha Manchester Utd Vs Crystal Palace.
*** Horyaalka dalka Talyaaniga ee Seria A-ga waxaa la ciyaaray Kulan adag oo baaqi ahaa waxaana Guuldaradii ugu horeeysay ka bad baaday kooxda Juventus oo Ciyaartii Napoli lagala hormaray Kaambiyadii 2-0. Napoli Vs Juventus wexeey ku kala bexeen 3-3.
Goolasha Napoli waxaa u kala saxiixay Marek Hamsik Daqiiqadii 23-aad iyo Goran Pandev Daqiiqadihii 40-aad & 68-aad. Kooxda Juventus oo cel celis noqotay maalmahaan waxaa 3-Gool u kala dhaliyey Alessandro Matri (48.) Marcelo Estigarribia (72.) iyo Simone Pepe oo Gooldhalin ka bixi la (80-aad.)
Horyaalka Talyaaniga kooxda Juventus wexeey ku Hogaamineeysaa 26-Dhibcood, Ac Milan iyo Udinese oo ma harto noqotay wexeey wada leeyihiin min 24-Dhibcood halka SS Lazio iyo Weeraryahankooda Miroslav Klose ka xirteen kaalinta 4-aad wexeeyna leeyihiin 22-Dhibcood. Halkaan ka Daawo Ciyaartii Napoli Vs Juventus oo 6 Gool la isku Qufay >>> http://www.youtube.com/watch?v=avsi_fRHLrU .
*** Horyaalka dalka Spain ee Liga Liga kooxda Fc Barcelona wexeey Jilbaha ka murxisay kuna ciil baxday Naadiga Rayo Vallecano (4-0) . Fc Barcelona oo ka xanaaqsaneed kulankii ugu dambeeyey ee horyaalka La Liga oo ay 1-0 ku soo tuntay kooxda Getafe ayaa markaan dib boorka iskaga jaftay si aysan uga baxsan Real Madrid iyo Macalinkooda Jose Morinho oo Faan cusub la soo baxay.
Gooolasha Fc Barcelona ku dar dartay Naadiga Rayo Vallecano waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Alexis Sanchez oo 2 gool kala dhaliyey Daqiiqadihii 29-aad iyo 41-aad, David Villa ayaa sidoo kale goolka 3-aad ku darsaday Daqiiqadii 43-aad waxaana goolka 4-aad Ciyaarta iyo Sheekada ku soo xiray Lionel Messi Daqiiqadii 50-aad. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=hueLUXrI0go .
*** Rug cadaaga Talyaaniga ah ee leeyliya Qaranka Irland Mr.Giovanni Trapattoni ayaa waxaa loo dheereeyey Qandaraaskii uu kula joogay Xulka Irland.
Xiriirka kubada cagta ee dalka Irland wexeey ku dhawaaqeen Mr.Giovanni Trapattoni oo 72 jir ah inuu sii heeyn doono Jagada macalinimo ee Qaranka Irland tan iyo sanadka 2014-ka.
Qaranka Irland waxaa ugu dambeeysay Koob muhiim ah oo ay soo baxaan World Cup 2002 balse hada waxaa mar kale Awoodoodii Ciyaareed dib u soo celiyey Rug cadaa Mr.Giovanni Trapattoni oo Xulka Irland u soo saaray Tartanka koobka Qaramada Yurub ee lagu wado inuu ka furmo sanadka dambe dalalka Poland iyo Ukraine (Uefa Euro 2012).
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com