Nin ka yaabsaday Bulsho weeynta Caalamka ka dib markii uu Qori AK 47 ah soo qaatay Xabadna la dhacay Safaarada Mareeykanka uu ku leeyahay magaalada Sarayevo ee caasimada dalka Bosnia (Halkaan ka Daawo Ninkaan oo si Live ah loo Toogtay)
Nin Hubeeysan ayaa markii uu waayey meel uu ka galo Safaarada Mareeykanka uu ku leeyahay magaalada Sarayevo ee caasimada dalka Bosnia waxa uu bilaabay inuu Rasaas banaanka kala dhaco Daaqadaha iyo Irdaha Safaaaradaas.
Ninkaan oo watay Qoriga AK 47 wuxuu Qorshihiisa ahaa inuu hal hal u soo toogto Shaqaalaha ka hoowl gala Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay dalka Bosnia balse xaalka ayaa is badalay markii uu waayey ninkaan goob uu ka galo Safaarada Mareykanka maadaama Amaankeeda si weeyn loo ilaaliyey oo weliba goobaha ka ag dhaw silig Maaso ah lagu xiray.
Mudo ka badan 30 Daqiiqo ayuu Ninkaan hubeeysan Rasaas la dhacayey Safaarada Mareeykanka ee Magaalada Sarayevo wuxuuna u ekaa Nin soo dar daarmay oo aan rabin inuu dib u noqdo dhimasho mooyee. Telefishinada Caalamka ayaa waxaa si toos ah looga daawanayey xiligii eey Ninkaan Rasaasta is weeydaarsanayeen ilaalada Safaarada Mareeykanka ee magaalada Sarayevo .
Ugu dambeeyntii Booliiska dalka Bosnia ayaa Ninkaan Hubeeysan gadaal ka soo dhabar jabiyey waxaana Muuqaalka ka Daawan doontaa Ninkii hubeeysnaa oo Wadada lagu dhex toogtay isaga oo Rasaas ridayey. Ninkaan ayaa Qorshihiisa ku guuldareeystay waxaana la dhigay hada Isbitaalka Milatariga ee magaalada Sarayevo isaga oo dhaawac ah si halkaas loogu Daaweeyo ka dibna loo weeydiiyo sababta ku kaliftay inuu weeraro Safaarada Mareeykanka uu ku leeyahay magaalada Sarayevo.
Dalka Bosnia waxaa ku Nool koox Diimeed Neceb Mareeykanka balse Dawlada Bosnia iyo Shacabka dalkaas oo intooda badan Muslimiin ah wexeey ugu yeeraan koox Diimeedkaas weerarada geeysta (Wahaabiyada Bosnia)
Ninkaan oo Da´diisa lagu sheegay 23 jir waxaa lagu magacaabaa Mevludin Jasarevic.