Barnaamishka Xiriiriye & ILA QOSOL SPORT >>> Cristiano Ronaldo, Iker Casillas & Sara Carbonero oo laga Sameeyey Ruwaayad aad u Qosol badan. Casillas oo C.Ronaldo ku aamini waayey Lamaanihiisa Sara Carbonero kana Qanaday Wareeysi eey la leheed.(Halkaan ka Daawo Ruwaayadaan Xiisaha badan iskuna day inaad marka hore Qisada aqrisid si aad Ruwaayada u fahamtit)
Waxaa Ruwaayad aad u xiiso badan laga sameeyey Xiddiga Qaranka Portugal & Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Boortaha Qaranka Spain & Kooxda Real Madrid Iker Casillas . Sara Carbonero oo ah Lamaanaha ama Jaceeylka Goolhaye Iker Casillas ayaa Wexeey u shaqeeysaa Tv-ga caanka ah ee Telecinco FormulaTV waana Saxaafiyad Sport oo dalka Spain aad looga wada yaqaan . Halkaan ka Daawo Xiligii uu socday koobka Addunka iyada oo wareeysi la leh Ikar Casillas ayuu Shumis kula dhaqaaqay Jacaylkiisa : http://www.youtube.com/watch?v=wp9Qi-J30HE.
Hadaba Sara Carbonero oo shaqadeeda gudaneeyso ayaa Isbuuc kasta wexeey timaadaa halka eey ku tababartaan kooxda Real Madrid wexeeyna wareeysiyo kala duwan la yeelataa inta badan ciyaartooyda Kooxda Real Madrid. Fursadaan ayaa waxaa ka faaideeystay oo Ruwaayad ka sameeyey kooxda Crackovia oo dhanka Ruwaayadaha Dalka Spain caan ka ah . Ruwaayadaan ayaa ka bilaabaneeyso Sara Carbonero oo wareeysi la leh Cristiano Ronaldo ayaa waxaa Maseeyr raaxada uga qaadaayo oo daqiiqad kasta ku soo laabanaayo Iker Casillas kaas oo diidan ineey saaxiibtiisa ama Lamaanihiisa xili dheer ag taagnaato Cristiano Ronaldo.
Marka 1-aad Iker Casillas ayaa Jaceylkiisa u sheegaayo in Cuntadii eey diyaarsadeen ka qaboowday wexeeyna Sara Carbonero leedahay bax adiga sii cun waan kaa daba imaanayaa.
Mar 2-aad ayuu Iker Casillas soo laabanayaa wuxuuna Sara Carbonero u sheegayaa inta uu u soo dhawaado in Cristiano Ronaldo Shaxaari weeyn yahay oo wareeysi uusan rabin balse wax kale uu gaad gaadaayo, wuxuuna Casillas Sara Carbonero ku yiri sidan " Adiga ayaa maanta oo dhan dal dalmaayo oo su´aal weeydiinaayo C.Ronaldo waana la socdaa meesha uu ku mashquulsan yahay ninkaan Shaxaariga ah ee raba hadba inuu Saaxiib cusub sameeysto !!
Mar 3-aad ayuu soo dhex galayaa oo uu leeyahay adiga uunbaa maanta oo dhan Bla Bla Bla ku haayo soo kuuma sheegin in ninkaan uusan wareeysi rabin balse uu doonaayo arimo kale, intaas markii uu yiraahdo Iker Casillas iskuna dayo inuu sheekada & Wareeysiga ka qaso ayeey Sara Carbonero saaxiibkeeda Casillas kala tuureeysaa.
Iker Casillas oo Maseeyr xun la il daran ayaa ugu dambeentii waxa uu is ticmaalayaa gaarto cusub si Cristiano Ronaldo daaqada uga baxo Wareeysigana uu halkaas ku soo xirmo.
Goolhaye Casillas ayaa qeeylo la soo boodaayo wuxuuna Cristiano Ronaldo ku leeyahay sidan: " War hayaay War hayaay Ishii shalay aad ka dhaawacantay Dhiig ayaa kaa socda weeyna ku barartay!! . Durbadiiba waxaa Muraayad la soo baxaayo Cristiano Ronaldo oo goobta isaga cararaayo waxaana loo la jeedaa inuu yahay nin Lacag leh oo dhaawacyda yar yar ee Bararka ah aan isku aamini karin.
Ugu dambeentii Sara Carbonero oo ka xanaaqday sida looga qanaday Wareeysigii eey C.Ronaldo la yeelan leheed ayaa weeydiisay Casillas sababta uu dhibaatadaan u sameeyey maadaama uu horay iyada ugu fasaxay ineey Ciyaartooyda dhamaan wareeysi la yeelan karto. Iker Casillas oo qeeylo iyo buuq la soo booday ayaa yiri kuuma aanan fasixin inaad C.Ronaldo waqti ku dhumisit kuumana fasixi doono Shaxaarigaas, waxaan aniga kuu fasaxay inaad Wareeysato ama Camera ka daba qaadato Raga Xaasaska leh sida Habi Alonso. Halkaan ka Daawo Ruwaayada >>>
http://www.youtube.com/watch?v=rpUn3KTtsOs&feature=relmfu
Filo goor dhaw war bixino kala duwan oo Sport News ah iyo Barnaamishka La Yaab oo maanta eey dhinac socdaan Barnaamishyo kale Sida kan Ku Biiri Aqoontaada Sport .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com