Samuel Eto'o " Xiligii aan la joogay Barcelona iyo Inter anoo Africa ka Ciyaaraayo oo kale ayeey ii aheed laakiin Qaboowga Ruushka yaal waligeey ma arkin Nolasheeyda,, (Weeraryahan Samuel Eto'o oo Wariyaha Canal Plus ka Qosol siiyay)
Barnaamishka Xiisaha badan ee Isbuuclaha ah kana baxa TV-ga Canal-plus (Today & Player) ayaa waxaa tookadaan Nasiib u yeeshay Weeraryahankii hore ee kooxaha Fc Barcelona iyo Inter Milan Samuel Eto'o Fils oo hada u ciyaara kooxda Anzhi Makhachkala oo ka dhisan horyaalka dalka Ruushka.
Samuel Eto'o iyo kooxdiisa oo hada fasax ku jira waxa uu ka Qeeyliyey Qaboowga dalka Ruushka wuxuuna Carabka ku dhuftay xiligii uu la joogay kooxaha Fc Barcelona iyo Inter Milan ineey shaqsi ahaan u eheed sida Jawiga Qaarada Africa isga oo kala jeeday inuusan dareemi jirin Qaboow saaid ah mararka qaar.
" Qaboowga Ruushka Dabeeylo aan la yaabay ayuu wataa waxaana mararka qaar dhacdo Kubad aad dhaliso iska daayee Cagaha ayaa ku bararaayo ka dibna Dhagaha iyo Sanka wexeey kuula ekaanayaan ineey kaa go´een ama Kabaabyo lagaaga duray oo kale,,
Weeraryahan Samuel Eto'o wuxuu qirtay inuu iibsaday Qalab qaali ah oo la iskaga difaaco Xiliyada Qaboobaha inkastoo oo uu yiri uma baran Qalabkaas qaabka loogu ciyaaro ama Kubada loogu Koontaroolo.
Laacib Samuel Eto'o oo Goolal badan u dhaliyey kooxdiisa Anzhi Makhachkala Bilihii Septembar iyo Oktoobar mar la weey diiday sida ay ula qabsan karaan Horyaalka dalka Ruushka Ciyaartooyda ka timaada Qaarada Africa waxa uu Su´aashaas Jawaabteeda Eto'o kaga Qosol siiyey Wariyihii Canal-plus ee isaga wareesanayey wuxuuna yiri sidan .
" Xiddig ad adag ayaa horyaalka Ruushka ka bixi kara, kii Jilcan ee halkaan yimaada waxaa xaqiiqo ah inuu 2 maalin kaga carari doono , aniga shaqsi ahaan waxaan leeyahay ha aadeen Horyaalada Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Spain iyo kan Talyaaniga maxaa yeelay Jawiga dalalkaas ka jira Qabowgiisa waa la la qabsan karaa ayuu yiri Laacib Samuel Eto'o Fils oo qudhiisa Qosol la dhacay waana xiddig aad u Kaftan badan (Shactiroole/Shaaciroole/Happy-Boy).