Maxaad ka taaan Qalabka uu xayeeysiiyo Samuel Eto'o? (Halkaan ka Daawo Qolooyin inta hees Raap ah u qaadeen uu Lacag ku hurgufaayo & Muuqaalada Niikadiisa xiliyada uu Labisan yahay ama Fasaxa yahay)
Laacibka kooxda inter iyo Xulka Cameroon Samuel Eto'o ayaa waxa uu noqday xiddiga kaliyah ee ugu Nasiibka badan Sanadka 2010 marka laga reeboo Leo Messi. Samuel Eto'o ayaa nasiibkiisa ugu weeyn ee lama filaanka uu ku sheegay ahaa xiligii eey is daba mareeyeen ama la isku kala badashay isaga iyo Zlatan Ibrahimovic oo Barcelona iyo Inter is weedaarsadeen.
Samuel Eto'o ayaa Nasiib u yeeshay in uu ka yimaado kooxda Barcelona isago oo heeysta The Uefa Champions League markii uu Inter u yimid-na lasii qaaday Champion-ka, Horyaalka & Copa-Italy. Eto'o intaas kuma uusan dhergin ee waxa uu hada bandar la jiifaa qandaraasyo ciidaan ah oo eey aad u yar tahay in uu maanta ciyaaryahan intaas oo dhan isku helo . Samuel Eto'o ayaa waxyaalaha uu xayeeysiiyo ee qandaraaska uu kula jiro ayaa waxaa ka mid ah. 1-Taayarada gawaaria ee Pirelli came. 2-Dhamaan dharka Puma ee dalkiisa hooyo. 3-Jaakado Shirkad Talyaani ah leedahay. 4-Saacado laga leeyahay dalka Maleysia. 5-Wacyi gelinta Tv-yada qaranka ee dalkiisa Cameroon oo uu isbuuc kasta 2-jeer dhaliyarada dhanka wax barashada iyo Ciyaaraha ku wacyi geliyo. 6 Iyo xayeeysiintiisa ugu qaalisan oo uu qandaraas 2-sano u sii harsan tahay kula jira Cream-ka jirka la marsado oo eey shirkada Puma leedahay kaas oo eey ku sheegeen in dhismaha jirka uu u wanaagsan yahay. Waxaa kaloo intaas sii dheer xayeeysiimo kale oo yar yar sida Qalab caafimaad oo uu xayeysiiyo .
Samuel Eto'o oo xiligii hore ama horyaalkii la soo dhaafay aan si weeyn kooxda Inter ula qabsan ayaa hada waxa uu noqday Laacibka eey ku xisaabtamaan kulamada ad adag ee kooxda Inter eey yeelato.