Shirkada Samsung Qeeybteeda Telefoonada Gacanta ayaa wexeey biloowday Sheeko iyo Kaarto aan horay loo arag ka dib markii ay Madax faluuq ku riday Taageerayaasha Kubada Cagta kuwooda Jalbeeysan.(Akhri Liiska Xiddigaha ugu caansan ee lagu amaanay Telefoonka Samsung) !!
(Hadaad Yaabto Yaasiinka) Shirkada Samsung Qeeybteeda Telefoonada Gacanta ayaa la shaaciyey ineey la soo baxday mucjiso cusub oo eey ku soo jiidanayaan Shacbiyada Taageerayaasha Kubada Cagta.
Shirkadaan ayaa Telefoono nuuca gacanta ah oo eey dhawaan soo saartay wexeey ku soo amaaneen ama Xayeesiiyeen qaar ka tirsan Laacibiinta ugu caansan Maslaxa Ciyaaraha kubada Cagta iyo weliba Midabka kooxaha ay u ciyaaraan oo loo soo ekeeysiiyey Telefoonkaan Cusub gaar ahaan nuuca (Samsung Sf 5560 Player).
Durbadiiba Taageerayaasha kooxaha ayaa bilaabay ineey soo iibsadaan Telefoonadaan oo qaarka dambe looga soo dhajiyey Muuqaalka Ciyaartooyda halka qaarka hore lagu soo amaanay kooxaha eey u saftaan.
Arinta ugu yaabka badan wexeey tahay Telefoonkaan lagama fujin karo Sawirka iyo magaca Xiddiga lagu soo Warshadeeyey waxaana laga fujin karaa Sawirkaas marka Telefoonka uu labo Cad u kala jabo (Qolofka uu kala Dilaaco) .
Waxaa iska cad in Shirkada Samsung ay Lacag ka dhergi doonto maadaama Suuqyada Caalamka ay ka bilaabatay in la iskugu faano Telefoonadaan lagu soo Warshadeeyey Wajiga Xiddigaha Caalamka & kooxaha ay u Ciyaaraan.
Ugu dambeeyntii Telefoonkaan cusub marka uu soo dhacaayo waxa uu leeyahay qeeyb lagu soo sameeyey Gambaleelka Codka oo ku dhawaaqaayo magaca Xiddiga ku dul Sawiran.