La Yaab: Waxaa la maqli jiray Ciyaartooy laga waardiyeeyo Taageerayaal kale balse Maanta waxaa la hayaa kuwo Taageerayaashoodii ka baxsan la, * Taageerayaasha kooxda Sampdoria oo Maalintii 3-aad Weero & hanjabaad ku haayo Maamulka iyo Ciyaartooyda kooxdaas, Maxaad kala socotaa Qaladka laga galay?
Taageerayaasha kooxda Sampdoria ee Horyaalka Talyaaniga ayaa wexeey la soo bexeen arin cusub oo horay aanan loogu arag Ciyaaraha kubada Cagta. Taageerayaashaan wexeey ugaarsi & Qarbudaad ku hayaan Maamulka & Ciyaartooyda kooxdaas.
Maalintii Axada ayeey eheed markii Taageerayaasha kooxda Sampdoria eey Jidka u galeen Baskii siday Ciyaartooyda kooxdaas oo ka soo laabtay magaalada Milano. Qaar ka tirsan Ciyaartooyda kooxdaas ayaa waxaa weerarkaas ka soo gaaray Dhaawacyo fudud.
Taageerayaasha kooxda Sampdoria wexeey sidoo kale Waraaqo hanjabaad Dil xambaarsan ku daadiyeey Xarunta Maamulka kooxdaas iyo Agagaarka Garoonka kooxdaas oo lagu magacaabo Luigi Ferraris. Ciidamada Booliska wexeey Maalintii Sadexaad oo xiriir ah waardiye balaaran ka hayaan Guriga iyo Xafiiska Madaxa ugu sareeyo kooxdaas oo lagu magacaabo Riccardo Garrone .
Taageerayaasha kooxda Sampdoria wexeey Riccardo Garrone ku eedeeyeen inuu si qalad ah kooxda uga iibiyey Weeraryahanadii kooxdaas oo lagu kala magacabo Antonio Cassano iyo Giampaolo Pazzini waxaana ilaa iyo hada banaan boosaskii eey faaruqiyeen Laacibiintaas. Kooxda Sampdoria wexeey horyaalka Talyaaniga uga jirtaa kaalinta 18-aad waxaana kulankii ugu dambeeyey 3-0 kaga soo badisay kooxda Darawalka ka ah Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga (Ac Milan)
Jaraaidka Calaamka wexeey Ciwaan uga dhigeen arinta Taageerayaasha kooxda Sampdoria (Bisadii Cuntay Caruurteeda) !!
|
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
| | | | |