Dhimashadii Madaxweeynaha dalka Yeman Mr.Ali Abdullah Saleh oo beenoowday iyo Dhaawiciisa oo Tv-ga Dawlada Yeman uu xaqiijiyey (Halkaan ka Daawo Burburkii loo geeystay Hooygiisa)
Inta badan Telefishinada Caalamka ayaa mar quraa wexeey soo tabiyeen inuu Weerarkii loo geeystay Gurigiisa ku geeriyooday Madaxweeynaha dalka Yeman Mr.Ali Abdullah Saleh. Wararka Telefishinada Caalamka sida CNN-ka, BBC-da iyo Fox ayaa inta badan waxaa loo qaatay Xaqiiqo maadaama eey si Live ah u soo tabiyeen Uuradii & Qiiqii is qabsaday xiligii Sawaariiqda lagu garaacay Hooyga Madaxweeynaha dalka Yeman Mr.Ali Abdullah Saleh .
Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada Madaxweeyne Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegaya inuu ka badbaaday Weerar kaas inkastoo uu Dhaawac fudud ka soo gaaray Qeeybta dambe ee Madaxa . Halkii lagu duqeeyey Madaxweeyne Cali Cabdalla Saalax waxaa durbadii ku naf waayey 7-qof oo ka tirsanaa Shaqaalihii guriga Madaxweeynaha iyo qaar kale oo ka tirsan Qaraabadiisa.
Abdul Al Janadi oo wax yar ka hor Wareeysi siiyey Telefishinka Qaranka Yeman isaga oo ku hadlaya Magaca Madaxweeynaha dalkaas waxa uu sheegay in la yaqaan Cidii weerarkaas wuxuushnimada ah ku qaaday Madaxweyne Cali Cabdalle Saalax eeyna goor dhaw talaabo deg deg ah ka qaadi doonaan.
Weerar kaan ayeey Dowlada Yeman iyo Taageerayaasha Madaxweeyne Ali Abdallah Saleh wexeey ku eedeeyeen Qabaailka sida weeyn ugu kacsan Mr Abdalla ee deegaan ahaan u badan halka uu degan yahay Madaxweeyne Salah waana Qabiilka Al-Ahmar (Al-Ahmar-Clans).